Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Oo Xilkii Ukala Wareejiyey Agaasimihii Hore Iyo Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Kalluumaysiga

0
72

s1(20)Hargeysa(Waaheen) Wasiirka wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka baddaha somaliland Cali Faarax Buureed Ayaa maanta xilkii u kala wareejiyey agaasimaha cusub ee wasaarada kalluumaysiga iyo agaasimihii hore.

Munaasibadan Oo Lagu Qabtay Xarunta Wasaaradda Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga, Afhayeenka Madaxwaynaha Somaliland, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Somaliland Iyo Masuuliyiin Kale.

Ugu horeyna waxa munaasibada ka hadlay afhayeenka Madaxwaynaha Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul waxaana uu ka waramay qaab dhismeedka wasaarada iyo faa’iidad ay dalka ugu fadhido waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay.

“Munaasibadan xil wareejinta ah ee wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badaha somaliland,waana wasaarada muhiim ah oo lagu tiriyo MidDhaqaale oo wax badana dalka kusoo kordhin karta hadii si fiican looga faa’iidaysto horumarka dalka,sidaasi darteed ayaa wasiirka kalluumaysiga loogu magacaabay wasaaradan isga ayaana khibrad fiican u leh xaga badah,waxaana loo baahan yahay qof kasta oo xilka wasaarada qabtaa inuu dadkii iyo dalkiisaba uga faa’iideeyo kalluunka,aniga oo ku hadlaya afka madaxwaynaha jamuuriyada somaliland ogna muhiimada ay dalka u leedahay wasaaradani waxaan rajaynayaa in qofkasta oo xilka haya inuu fahan sanaado ujeedad wasaarada laga leeyahay,wasaaradani waa wasaarada dakhli soo saar.

deeDhinac kale waxa isna halkaasi ka hadlay mareeyaha mad-bacada qaranka somaliland waxaana uu bogaadiyey labada agaasime ee xilalka la kala wareegaya waxaana uu hadalkiisa ku bilbaay.

“Ujeedad iyo dulucda munaasibadani waxa weeyaan xil wareejin loo kala wareejinayo agaasimihii hore ee wasaarada kalluumaysiga iyo agaasimaha cusub ee wasaarada waxaanan labadoodaba kusoo dhawaynayaa gacmo furan waxaana wasaarada u sheegayaa maxamed cilmina wuu idinka tagay maxamed cilmina maanta wuu idin la joogaa waana agaasimihiina cusub,sida ay iskugu magac yihiin ayey iskuna shaqo noqon doonaan waxaanan leeyahay adna halka laguu badalay ilaahay ha kugu asturo adna xilkaaga ilaahay ha kuu barakeeyo.

Wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta qaranka somaliland oo isna munaasibada ka hadlaya ayaa waxa uu sheegay”Marka hore waxaan leeyahay agaasimihii hore ee wasaarada kalluumaysiga shaqadii aad gudatay iyo hawlahaas aad dadka usoo qabtay ilaahay ha kugu anfaco,agaasimaha cusubna waxaan leeyahay adna waxaan kuu rajaynayaa inaad shaqaalaha si wanaagsan ula shaqso maxaa yeelay halka laga kabmo waa shaqaalaha,sidaad la wada socotaan xilka dawlad nimadu waa meerto maalinba mid ayaa haya ee barina adiga ayaa hayn doona maalinta kale qayrkaa xilkana sidiisaba dabcigiisa ayaa sidaas ah.

Sidoo kale waxa isn halkaasi ka hadlay agaasimihii hore ee wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka baddaha somaliland Maxamed Cilmi Aadan waxaana uu ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu lasoo maraya wasaarada kalluumaysiga waxaana uu yidhi”

“Waxqabadkii dhabta ahaa ee ay gaadhay wasaarada kalluumaysigu waa kaas maanta ka muuqda lamana odhan karo qof kaliya am aniga ayaa gaadhee  waxa gaadhay groupka oo sida wanaagsan iila shaqaynayey,markaas agaasime maxamed cilmi waxa aynu nahay laba nin oo isku magac ah waxaana maanta kugu wareejinayaa wasaaradii kalluumaysiga oo aad ka noqon doontid agaasimaha cusub ee wasaaradaasi,waxaanan agaasime maanta ku farxada inaad la wareegaysid xilkii wasaarada kalluumaysiga anigu markii aan la wareegay waxaan kula wareegay huteel, adna maanta waxaad kula wareegtay wasaaradaadii oo maanta wasaaradaha dalka ugu qurux badan.

Agaasimaha oo hadalkiis sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”wasaaradu shaqooyinka ugu badan ee qaybataa waxa ay ka qabataa xeebaha somaliland oo dhan oo dhereran ilaa bariga iyo galbeedka somaliland,waxaanan leeyahay waxa kuu taala shaqooyin aad ubadan waxaana kugu haboon inaad waxa kasta kala tashato shaqaalahaaga kuu heelan ee kuu jooga wasaarada madaama oo ay ku jiraan rag khabiiro ah oo ku jira wasaarada.

Dhica kale waxa isna halkaasi ka hadlay agaasimaha cusub ee uu madaxwaynaha somaliland usoo magacaabay agaasimaha wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka baddaha somaliland waxaana uu hadalkiisa ku bilaaba sidan.

“Marka labaad waxaan mahad naqa balaadhan usoo jeedinayaa madaxwaynaha somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo oo ii magacaabay agaasimaha guud ee wasaarada kalluumaysiga,waxaanan odhan karaa madaxwaynaha somaliland waxa uu ka dhabeeyey khudbadii uu markii uu mucaaradka ahaa u jeedin jira shacabka waxaana halkaasi ka muuqata inuu madaxwaynahu ka dhabeeyey balan qaadkiisa,wasaaradani waa wasaarada balaadhan oo aniga maanta hadal badani iigama furna,lamina soo koobi karo muhiimada qay qaranka u leedahay wasaaradani,waxaana aamin sanahay oo aan hubaa,hadii ay ila shaqeeyaan shaqaalaha wasaaradu inaan gaadhsiin karo himilo iyo hiigsi badan oo ay doonayso,waxaana ka wada shaqayn doonaa oo aanu wax badan iska waydiin doonaan sidii aanu dadka aqoon yahanka ah waxa u waydiin lahayn iyo dadka nooga aqoonta badan cilmiga badaha.

Gob-Gabadii waxa munaasibada soo gunaanada wasiirada wasaarada kalluumaysiga somaliland cali faarax buureed waxaana uu mahad naqay agaasimihii hore ee wasaarada kalluumaysiga mudadii ay sida wacan usoo wada shaqeeyeen waxaana uu soo dhaweeyey agaasimaha cusub waxaana uu shaqaalaha ku booriyey wasiirku in ay soo dhaweeyaan.