China oo Dhisaysa Tareeno isku Xira Qaarada Afrika

0
94

Li_kepiang_090514Raysalwasaaraha China Li Keqiang ayaa ka qeyb galaya shirweynaha looga hadlayo Dhaqaalaha Qaarada Afrika oo Khamiistii ka furmay magaalada Abuja ee caasimada Nigeria.

Hogaamiyaha xukuumada China ayaa sheegay in dowlada China ay u balanqaadeyso wadamada Afrika inay dhisto khadadka Tareenada oo isku xiri doona dhamaan Qaarada Afrika.

Li Keqiang ayaa sheegay in China aysan waxna ku xiri doonin maalgelinta ay ku sameenayso Qaarada Afrika, waxayan dowlada China sheegtay inay diyaarisay dhaqaale gaaraya 20 Bilyan oo dollar oo lagu horumarinayo isgaarsiinta Afrika.

Hogaamiyaha China ayaa safarkiisa Afrika sidoo kale booqan doona dalka Kenya oo ay hada ka socdaan mashaariic badan oo horumarineed oo ay dowlada China maalgelisay.

China ayaa maalgelin xoogan ku sameysay isgaarsiinta Tareenada Casriga ah ee dalkaasi Kenya loo sameenayo, mashruucaasi oo ku kacaya 5 Bilyan oo dollar. Sidoo kale dowlada China ayaa hada wada dib u dhis lagu sameenayo wadooyinka waaweyn ee dalka Kenya.