Madaxweyne Siilaanyo Oo Safiir Cusub U Magacaabay Dalka Turkiga

0
59

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa magacaabay safiirka Somaliland u fadhiisanaya Dalka Turkiga.

Warsaxaafadeed ka soo baxday Qasriga Madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa waxa ay u dhignayd sidan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay,  JSL/M/XERM/249-2467/052014 Wakiilka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiyidoona dalka Turkiga.

MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Turkiga;

Markuu La Tashaday:       Madaxda ay khusayso;

 Markuu Ku Qancay:           in uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

 

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cali Axmed Cismaan (Tuuhe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Turkiga.

ALLAA MAHAD LEH