Ardayda Dugsiga sare ee Sheekh Bashiir oo gacan ka hadal dhex maray

0
104

 

Waxay isku dileen beelo, waxana laga buuxiyey Saldhiga

 

Burco(Waaheen) Ciidamadda Booliiska ayaa qaar ka mid ah Ardayda Dugsiga Sare ee Sheekh Bashiir Saldhiga ku guray kadib markii ay isku dileen qaab beelaysan.

wasaarada waxbarashada iyo maamulka Gobolka Togdheer ayaan maaro u helin iska or imaadyo ka dhaca dugsiyada sare ee Gobolka Togdheer kuwaasoo ku salaysan qabyaalad ay ardayda Dusiyadaasi u dagaalamaan,isla markaana soo noqnoqonayay tan iyo markii ay dawlada siilaanyo talada dalka la wareegtay,waxaana shalay saldhiga dhexe ee magaalada Burco loo taxaabay  ilaa iyo labaatan arday oo ka mid ah Ardayda Dugsiga sare ee shiikh Bashiir ee magaalada Burco, kuwaasoo  isu laayay qaab beelaysan.

Dugsiga sare ee shiikh bashiir ayaa ah Dugsigii sare ee ugu horeeyay Gobolka Togdheer, mana aha markii koowaad iyo labaad ee sidan oo kale ay ardaydani isu laayaan, waxaanay dadwayanaha reer burco is waydiinayaan waxa arimahan ay xal ugu wayday Dawlada iyo maamulka gobolku maadaama ay arintani nabadgelyo daro ku keeni karto gobolka.

Arrimaha  farta lagu fiiqayo ee arintan loo sibir saarayo  ayaa iyana waxaa ka mid ah Dugsiyada dawlada oo isu bedelay kuwo ay dad yeesheen isla markaana ay Dugsiyada qaar oo uu ka mid yahay  dugsiga shiikh bashiir aan laga bedelin maamulka oo ay Sideed iyo Toban sano ka talinayeen , taasina ay keentay in maamulka iyo ardaydu ay isla fal galeen.

“ma yeelayno in Maamule Dugsi  iska yeesho oo uu sideed iyo Toban sano iska joogo waa in wax laga qabtaa”Sidaas waxa yidhi Wasiiru dawlaha Maaliyada oo mar uu kormeer uu kaga wacyi galinayay ardayda iyo dhalinta Burco qabyaalada  ka waday.