Rugta Ganacsiga Somaliland oo Tacsi u dirtay Mulkiilaha Kaah khasaarihii ka soo gaadhay Dabkii ka kacay Kaalintiisa

0
95

Hargeysa(Waaheen) Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa soo saartay War-saxaafadeed Tacsi ah kaasoo ay u dirayso Mulkiilaha Kaah ee ay kaalintiisa iyo Super market-kiisa khasaaraha balaadhani ka soo gaadhay Dab ka kacay meheradiisa.

WARSAXAFADEED

ruga gabacsoGudoomiyaha, Xoghayaha Guud, Gudida iyo dhamaan shaqaalaha Rugta Ganacsiga ee Somaliland Waxay aad iyo aad uga xun yihiin Khasaarahaa ku yimi Mulkilayaasha KAAH HOTEL, iyagoo ka tiiraanyaysan Hantidii ku gubatay Shaley fiidkii dab qabsaday Xarunta  KAAH HOTEL.Ee Bariga Magaalada Hargeisa.

Waxaaney iyagoo arinkaasi ka hadlaaya yidhaahdeen “Waxaanu halkan  uga diraynaa Muwaadiniinta Mulkilayaasha KAAH HOTEL oo hanti badani kaga gubatay in Ilaahay  khasarahaa balaadhan ee soo gaadhay ugu badalo. Badel Khayr qaba

 

Aamiin                                               Aamiin                       Aamiin

 

Maxamed Shukri Jaamac                                                     Ibraahim Ismaciil Cilmi

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga        IYO                          Xoghay