SUUGAANTA WADDANKA IYO WEEDHAHA HAL-ABUURKA

0
173

Halkan waxaanu idiinku soo bandhigaynaa Taxane ka mida Suuganta Waddaniga ee uu curiyay Abwaanka dadayar ee Cabdirasaaq Maxamad Cabdillaahi (Oday) Suugaantaasoo isugu jirta Gabay iyo Maanso kana kooban in ka badan 10 Tixood.

 Hadaba intaynaan si toosa u guda-galin Suugaantaas Akhristeyaashada sharafata mUntitledudanoow waxa aynu is yara dul taagaynaa waa kuma iyo Abwaan Oday iyo Sooyaalkiisa nololeed, Abwaan Cabdirasaaq Maxamad Cabdillaahi oo loo yaqaano Oday waxa uu ku dhashay Magaalada Hargaysa horaantii  1988kii magaca Oday wuxuu u baxay isaga oo aad u yar taasoo loogu bixiyay Maskax badnaan iyo hadalo waawayni, Abwaanku waxa uu waxbarashadiisa iyo noloshiisaba ku qaatay magaalada Hargyasa.

Dugsigii sii H/Dhexe Sh. Cali X. Ibraahin (Biyo-dhacayga Sare) iyo Madarasadii Salmaan Alfaris, Dugsigii sii Sare waxa uu ku qaatay Labadii Gu ee hore Faarax Omaar, Intii danbana Sh. Ibraahin Sh. Yusuf (Ex. Gacan Libax) Jaamacadda waxa uu ka qali jabiyaay Kuliyada (MSIT, Management Science and Information Technology) Gugii 2010 Jaamacadda Gollis Faraceeda Hargaysa, Abwaan ku wuxuu ka soo shaqeeyaay Ururo wadaniya iyo qaar kalaba, balse  Imika Abwaanku waa Bare wax ka dhiga dugsiyada sare ee Gacan libaax iyo Ilays sidoo kale Abwaanku wuxu bare ka yahay Jaamacadda Gollis.

Dadka inta badan aqoonta u leh suugaantu (Maanso- Dhaadhi) waxay ku tiriyaan in Abwaankan iyo Suugaantiisu kala wayn yihiin waxanay hilaadiyaan inuu leeyahay Aaye (Mustaqbal) wanaagsan oo xaga Hall-Abuurnimada ah.

Suugaantiisu way badantahay oo waxa ay inta badan ka hadashaa Arimaha Bulshada,  Wadaniyada, Dhaqaka, Deegaanka, iyo Waaxyaha kale ee Nolosha Saameeya.

Hadaba inaga oo aan soo wada qaadan karayn waxa aynu nasiib u yeelanay inaad nala dheehataan ugu yaraan 10 Tixood oo aad iyo aad u qaaliya, aadna u shilis oo qiiro waddaninimo ka buuxdo.

 

JUJUUB

Gabaygan wuxuu  Jawaab u yahay cid kasta oo u haysta inuu qarankani ku dhisanyahay Dhalanteed kuna yimid Caadifad, wuxuuna soo baxay 18/May/2013.

Isla maalintaas ayuu gabaygani wuxuu ku  dhashay Abwaanka ka dib dhawaaq ka soo yeedha madaxwayaha Dalka aynu jaarnka nahay, hadlkaas oo u cuntami waayay kuna noqotay laf dhuun gashay

Kaa soo ku tilmaamay halgankii ummadeena wax aan cago adag ku taagnayan.

Waxaanu si cad u qeexayaa:- Dhibaatadii Calanka iyo Ciidaba loo soo maray, Xasuuqii baahsanaa ee lagula kacay Shacbi wayanaha Somaliland taa soo ay ka danabaysay Xukumadii reer Konfureedka ahaa iyo Macangagiintii Hogaaminaysay, iyo in Midnimadii Lixdankii ku Timid Rabitaan shacab imikana ay ku noqdeen rabitan shacab, iyo in ay Jaarnimadu lagu wada noolaadaa ka wanaagsanatahay waxa ay raadinayaan.

 

  1. Jiimlayda gabay waayo dheere, Jeebka kuma hayne,
  2. Jiibtiyo araartii ma ridin, igu jaxaysnayde,
  3. Jumladbaan ku haystaa murta, ina jibaaxoowe,
  4. Jaahiliyo midkii aan aqoon, way jajabiyaane,
  5. Dhagta jalaq u siiyoo bulshooy, Jooja hadalkiina,

 

  1. Ingiriiska jaanka ah markan magane , jaan gooyay,
  2. Calankiyo kolkaan dawlad jama, Joojay lugihiisa,
  3. Waataan jamaadeey mar qudha, Xamar u jegaysatay,
  4. Waataan jikaaray ka riday, jooflihii qabayae,

10. Abaalkayga maba jari karaan, jaadkastuu yahaye

 

11. Jibadii I haysiyo ma jiro, jidhidhicoodkiiye,

12. Qalbigaygii kuu jaabudnaa, jeesay waa hora’e,

13. Calankii jamuudiga ahaa, jeexayoo dhigaye,

14. Wanaag iyo jacaylkaan qabiyo, nacay jarmaadkiiye,

15. Walaalnimadii aan koolin jiray, waad jardhamiseene,

16. Koomaad ku jiideen intaad, jeelka galiseene,

17. Ka jibraday kolkii aad dhurwaa, jabisay xeerkiiye,

18. Laabtaydana ka jaray, midaw danbiyo jariska xoorkiiye,

19. Wixii aan u jeediyo adaan, jalan yahuuntiiye,

20. Gafna maaha waan kaa jibdhaday, ina jareeroowe,

 

21. Jeeroon aqoonsiga hantiyo, sharfta joogeeda,

22. Jeeroon aduunyada ka helo, ju’asho dheeraada,

23. Jeeroo dulmigii aad gasheen, jaaha ka cadaado,

24. Kuu joojin maayee dadoow, jabadinkaa yaala,

25. Oo waynu kala jeedsanee, jiida naga daaya,

 

26. Jeexyada wajeeriyo ilaa, jubada hoosteeda,

27. Jigjigiyo jabuutiyo ilaa, jararka laas-dhuure,

28. Jamhuur qudha inay noqotabaan, jaaranoow wadaye,

29. Jeeskaliya inaan wada dhisnaan , Jaambadoow rabaye,

30. Waxa aan u jeel qabay in badan, jamaca soomaale,

 

31. Jeed-jeedsan maayee runtaan, kuu jalwinayaaye

32. Kuman jalaqsan, kuman joogle, iyo kuman jamaamuura,

33. Kuman jilicsan, kuman wada jaljalan, kuman jadeecaysan,

34. Kuman jiiqle, kuman wada jabiyo, kuman jibaadaya,

35. Intaasoo kun oo wada jiroo, wada jabaaqaaya,

36. Ayaabay jimcaaloow naftiyo, kaba jareen ruuxda,

 

37. Inatay iga jilaabeen ka badan, jaamacoow tima’e,

38. Jabkii ay badeenbaa khalqigu, jaah wareeryahaye,

 

39. Jarmal iyo itali iyo intii, yurubta jaalkeeda,

40. Jeenyaha markii laysla dhacay, iyo jilibka baaciisa,

41. Ee jawdu kala yeedhayee, jidanatay baaruudu,

42. Ee jixinjixii laga tagiyo, judha walaalawga,

43. Ee jiriqsigii dawladuhu, jaale dami wayday,

44. Ee jiimis ina kaaratar, iyo joosaf diriraayay,

45. Muslaiini joofkiyo wuxuu, ridayaay jaynaanka,

46. Hidlarkii jiraabasaday wuxuu, ganayay jaajuuska,

47. Al beeniya wixii lagu jibdhee, lagu jafee layaay,

48. Seerbiyiyo xasuuqii jixnaday, carabta jaaxuunsan,

49. Jeejniyo ruwaandiyo kuwii ,jawshka lagu qaaday,

50. Midkasii xad-jira buu ahaa, kaan u soo jiraye,

 

51. Jiibka iyo kaaruhu wuxuu, jala butaynaayay,

52. Waxay jiiqda reenkiyo, shilkuhu jalaw yidhahdaanba,

53. Hoobiyuhu wuxuu jiibiyuu, gubayay jiidhkooda,

54. Baaruuda jolashiyo  wuxuu, suugu jananaayay

55. Dhishiikuhu wuxuu jalaw yidhuu, jarayay neeftooda,

56. Sabankii jamuuxiyo, wuxuu miigu jiriqeeyay,

57. Dubaabdku waatay jareen, ina janaaloowe,

58. Diyaaradku waxay nagu jibdhaan, saanad kala jaada,

59. Afantarigu wuxuu jiitamuu, mariyay jaantiisa,

60. Faalkiyo badh jeexiyo ilaa, suuga jumuqeeya,

61. Jalfistiyo waxay miidaiyo, xabadu jiidhaaba,

62. Waatay na jawreen wax badan, janandoodiiye,

63. Jaliilbaan ku dhaartee, kolnaba teelo may jirine,

 

64. Car juuqdhaha, car soo jeestadii, lay jiljilosaaray,

65. Wixii cago juglayn iyo ahaa, jawliskiyo cayda,

66. Jidh-xunyahw wixii laygu yidhi, saaka uma jeedo

67. Adigoo jabkaa iyo dhibkaa, ii galgala joojay,

68. Adigoon garawshiiyo jira, jeerna iba siinin,

69. Sideen kuula joogaa, inaba kuuma qabo jaahe,

 

70. Juj-uub kuma cabaanoo shimbiro, jaahil baad tahaye,

71. Mar labaad miyaa laygu jiqi, jaraskii aan yaalay,

 

72. Gobanimada waa loo jirwacay, loona jiidh go’aye,

73. Jihad iyo dhibaa loo mariyo, jaxar colaadeede,

74. Jabhad iyo kulbaa loo galiyo, jaan kastoo adage,

75. Jam-jam may ku timid, awgayoow waan u soo jabaye,

 

76. Sidii laba daloo jarahoo, nabad ku joogtawda,

77. Ayaabaan jantee mayla jagi, waa janiyo nuure,

78. Mise waan is jiid-jiidanaa, maba jukhawdaane,