Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Ee Waqooyiga America Oo Hambalyo Udirtay Hogaanka Loo Doortay Xisbiga Kulmiye.

0
65

Xoghayaha xisbiga Kulmiye ee waqooyiga America Saamiya ayaa soo dhawaysay sida wanaagsan ee xisbiga Kulmiye uqabsaday shirkii sadexaad ee xisbigaas.

Sidoo kale waxay Saamiyi hambalyo iyo bogaadin udirtay hogaanka xisbiga ee marlabaad loo doortay hogaaminta xisbiga Kulmiye.

“Anigoo ku hadlaya magacayga, ka Guddiga Kulmiye ee W/Ameerika, iyo ka dhamaan tageerayashaba. Waxaan hambalyo kal iyo laaba u soo dirayaa hogaanka Xisbiga Kulmiye ee mar kale ku guulaystay taladii xusbul xaakimka Kulmiye. Illaahayna  waxaanu uga baryaynaa inuu u fududeeyo hawshaa culus ee ay mar labaad dhabarka u riteen.
Guul iyo Gobonimo Somaliland.

Xoghaya Kulmiye ee W/Ameerika.
Samia Fisher,
Ottawa Canada