Suldaan Axmed Cabdi oo Hambalayo u Diray Hogaanka Kulmiye ee La Doortay.

0
152

suldHargeysa(Waaheen) Suldaan Axmed Cabdi Askar ayaa Hambalyo u diray Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee laggu doortay Shirweynihii Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye, waxaanu illahay uga baryey in ay noqdaan Qaar Xisbiga Kulmiye Meel Fiican gaadhsiiya.

Waxaanu Yidhi. “Aniga oo ah Suldaan Axmed Cabdi Askar waxaan halkan Hambalayo bogaadin uga Dirayaa Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee Shallay ay Doorteen Ergooyinkii ka kala Socday Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland ee Xisbiga Kulmiye, iyo sidda quruxda badan ee loo soo gabogabeyey shirweynihii Saddexaad ee Xisbiga, waxa kale hambalyo gaar ah u diraya Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, iyo Ku-xigeenadiisa, waxa kale aan Hambalyo u dirayaa Madaxweynaha Somaliland Dr.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, waxaan dardaaran u jeedinayaa Hogaanka la Doortay waxaan leeyahay noqda ul iyo diirkeed, noqda qaar waligood aan khilaaf aanu soo dhex galin, waxana leeyahay xisbiga Kulmiye illahay ha ka dhigo hormudka Somaliland sidii awalba uu u ahaan jiray”Ayuu yidhi Suldaan Axmed.