Maamulka Puntland oo Sheegay in ay gacanta Ku dhigeen 12 Qof oo Qaraxyo ka Fulinayey Boosaso.

0
61

sawiro-9 sawiro-7“Dadweynaha Puntland  oo walaac ka Muujiyey Amaandarada sii Kordhiyesa ee ka Jirta dalkooda.”

Boosaso(Waaheen) Taliska qeybta booliska gobalka Bari ayaa soo bandhigay 12 qof oo ay ku sheegen in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Waxa ay isugu jireen 12ka qof ee taliska soo bandhigay 9 nin iyo 3 qof oo haween ah, waxaana lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidamada kadib markii uu Habeen hore ka dhacay qarax magaalada Bosaso sida uu warbaahinta u sheegay taliska booliska gobalka

Waxaa goob joog ka ahaa goobta lagu soo bandhigay eedeesanayaasha gudoomiyaha gobalka Bari C/samada Maxamad Gallan, duqa degmada Bosaso Xasan Cabdalla xasan, taliyaha qeybta booliska gobalka Bari C/raxmaan Maxamad Cabaas Muslim, la taliyaha dhanka amniga ee wasaaradda amniga Cabdijamaal.

Taliyaha qaybta gobolka Bari Col. C/raxmaan Muslim oo kula hadlay goobta warbaahinta ayaa sheegay in Habeenkii (Salaasada ) fiidnimadii hore ay maqleen   qarax. Kadibna ciidamada ay howl galeen waxa ayna heleen ciidamada qarxii iyo meeshii uu ka dhacay.

“ Qaraxa waxa uu ahaa qarax la doonayey in la rakibo oo mobile lagu rakibo, intaa kadibna waxa ay rabeen in ay meel geeyaan balse iyaga ayuu ku qarxay, waxana ciidanka u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaadkii ku howlanaa arinkan ayuu yiri taliyaha.

Waxa uu intaasi ku daray taliyaha in baaritaano lagu sameyn doono, kadib ay soo bixi doonto qof walba howshan meesha uu ka lahaa.

Mid kamid ah dadka la soo bandhigey oo saxaafadda la hadley ayaa qirtey in al-Shabaab shaqada uu hayey u direen, una sheegeen in ay tahay amar jihaad ah.

Dadka la soo badandhigey ayaa qaarkood waxaa ka muqudey dhaawac ka soo gaarey gacmaha taas oo saraakiisha Puntlaand ku sheegeen in dhaawacaasi yahay kii ay doonayeen in ay maleegaan.