Shirweynihii Saddexaad ee Kulmiye oo Maanta Furmaya iyo Duruufaha ku Xeeran.

0
61

sokulm2Hargeysa(Waaheen) Shirweynihii Saddexaad Xisbiga Tallada Dalka haya ee Kulmiye ayaa Maanta waxa  uu si rasmi ah uga furmayaa  Hotel Maansoor ee Magaalada hargeysa sidda ay hore u sheegen Guddida Qabanqaabadu, Balse waxa illaa shalay Buuq badani ka jiray xarunta Xisbiga oo ay isku yimaadeen Ergooyin aad u fara badan kuwaasi oo sugayey Warqadaha Aqoonsiga  (ID-Card) ee ay ku gallayaan Ergooyinku Shirweynaha, taasi oo muran baddani uu ka tagnaa sidda loo maamulayo, iyaga oo dad badan oo ergooyinka ahi ay ka cabanayeen in magacyadoodii inta la badalay qalin cas la mariyey dad kalena lagu badalay, waxayna dhaliisha saarayeen guddida qabanqaabada oo ay sheegen in hawshii ay lahaayeen ay masuuliyiin kale ku dulmaamulayaan.

Wararka kale Waaheen Helayso ayaa sheegaya in aan wali dadkii Ergooyinka ahaa loo Qaybin Warqadihii Aqoonsiga ee ay Ergeynimadoodu ku muujisnayd, waxa dad badani xallay ka cadhoodeen sababta illaa wakhtigaasi loo qaybin wayey Waraqaha Aqoonsiga ee barri (Maanta)  dib loogu dhigayo, waxanay  qaar ka mid ah Ergooyinku noo sheegen