Xaalada Nadaafada Magaalada Borama Oo Sii Xumaanaysa Iyo Shirkada Horseed Ee Xashiishka Oo Aan Ka Howgalin.‏

0
99

Hargaysa(Waaheen)Waxa xilayadan ay ku beegan tahay wakhtiyadii uu bilaami jiray roobabka guga ayaa in badan waxa wakhitiyadan ay dhakhaatiirta caafimaadku ay ka dariyaan xaaladaha caafimaad ee ka dhalan kara roorbabka guga hadaba waxad arkaysaa meelo badan oo ay liidato xaaladeeda nafaadeed kuwaasi oo uu meelaha qaar uu yaalo qashinku kaasi oo saamayn wayn ku leh dhinaca caafimaadka bulshada hadaba meelaha uu yaalo ayaa waxa ka mid daafaha magaalada Borama iyo agagarka kubada cagta sidoo kale waxa jira shirkado maamulka dawlada hoose ee degmada Borama kala wareegay adeega Qashin ururinta magaalada Borama kuwaasi oo ay ka mid tahay shirkada Horseed oo looga fadhiyo in ay ka shaqeeyaan nadafada iyo bilicda magaalada Borama  taasi oo ay hore u balan qadeen in ay ilaalin doonan caafimaadka bulshada waa shirkada horseed masuuliyiinta gobolku iyo dagmaduba ay inta badan ay u ololeeyaan sidii koobka gobolda s/land loogu qaban lahaa garoonka kubada cagta  barama yaa waxad arkaysaa inay indhaha dadku u qurux badnay sida caafimadka bilicda indhaha iyo la oran karo wax ka dhalan kara cayayan ilma qabataya.

shirkada Horseed ayaa iyadu guud ahaaba  ka gaabisay masuuliyadii ay ka qaadeen dawlada hoose ee boorama iyagoona markii loo wareejiyay balan qaaday inay hagaajin doonaan isla markaana ay kaalin wayna ay ka gaadanayaan bilicda magaalada ayaa ilaa hada aan laga hayn wax dhaqdhaqaaq ah, sidoo kale waxa isa soo taraya cabashooyinka ka soo yeedha qaar ka mida ah xaafadaha magaalada oo ku cabanaya xashiish buux dhaafiyay isla markaana ay waayeen cid ka qaada xashiishka iyagoona baaq udirsanayay maamulka dowlada hoose oo iyagu uu wareejiyay xilka iyagoona ka codsanayay inay la soo noqdan xilka ay uwareejiyeen xilka taas oo ay u aaneenayeen in laga qaadin xashiishka sidi ay u wareejiyeen xilka.

Balse wax ilaa hada laga dhur sugayaa wax ay ka gabtaan cabashooyinka isa soo taraya ee ka soo yeedhaya dadwaynaha ku dhaqan magaalada maamulka dowlada hoose .

Shirkada Horseed Ee Ka Shaqaysa Nadafada Magaalada Borama ay ku caan baxday in ay gurtaan dheefta balse ay ogolayn dhibta.

Shirkad horseed ayaa waxa kale oo ay la soo baxday cidii dhaliisheeda uu sheegta ahaato saxafada oo ay ugu hanjabaan aflaagado ay uu dheer tahay xadhig Taasi ay Noqotay in ay Shirkada ay Ku jiraan Qaar ka mida Masuuliyiinta Degmada Borama.

Hadaba waxa wax laga xumaado ah in ay shirkad ay noqotay mid iyadu ay xafadaha qaarkood ay ka shaqayn oo ay xashiishku buux dhaafshey waxa intaasi dheer in ay xashiish badan uu hadheeyey agagaarka xafiisyada dawlada,dugsiyada magaalada,Isbitaalada oo noqday gobo ku caan baxay rugta xashiishka.

Si Kastaba ahaate shirkad Horseed ee Ka shaqaysa Khasiinka Borama ayaa waxa ay eeg tahay in ay mustaqbalka soo socda ay albaabada ay isku laabi doonto taasi waxa ay ku cadaynaysaa khashinka faro badan ee Ragaadiyey meelaha aan korka aan ku soo xusnay waxaana loo baahan yahay in la abuuro shirkado kale oo ka shaqeeya khashinka borama oo bedeli shirkad fadhiidka noqotay.

 

                Dhamaaaaaaaaaaaaaaaaaaaad

 

Alla Mahad Leh

Qore.Maxamed Jamac Xasan

Email.Gadiid444@hotmail.com

Hargaysa/Somaliland.