MADAXWEYNE SIILAANYO WAXA UU MARAYAA HALKII XAYLE SALAASE‏

0
123

Boqorkii xabashida Ras Makonen oo lagu caleema saarey magaca xayle salaasa oo macnahiisu yahay hadhkii ilaahay, waxa uu ku dhashey degmada Harer ( Ejerso Goro). waxa uu noqdey gudoomiyaha Harer. ciidamada talyaaniga waxa uu kula dagaalamay Adwa isaga oo xidhan derejada jeneraal. boqor xayle waxa uu sheegan jireyin uu ku abtirsado israail oo uu yahay tafiirtii Nebi Suleymaan iyo boqoradii Saba. sidoo kale taariikhda casriga ah ee itooiya ayaa qoreysa in ay yihiin carruurtii ku abtirsaneysey Menilik oo ay aaminsan yihiin in ay dhaleen Nebi Suleymaan iyo boqoradii Saba. Boqornimada waxa uu la wareegay 1936 isaga oo ka faramaroojiyey boqorkii islaamka ahaa ee Eyeesu. wakhtiyadii hore waxa la ogsoonaa in uu ahaa qof caqli badan. mar uu sanadkii 1974 uu ka soo degey muqdisho isaga oo ka soo qayb galey shirkii ururka midowga afrika oo lagu qabanayey soomaaliya. xilligaa boqorku waxa uu ka soo duuley boqorkii IRAN  ee SHAHANSHAH (KING OF KING) Maxamed Rese Pahlavi dabaaldegii boqortooyadii Iran oo markaas jirsatey  3000  sano. Muqdisho waxa ay kulmeen siyaad barre waxa uu uga sheekeeyey wax badan. boqorku wuu niyad jebsanaa. waxa u muuqatey in uu xiddigiisi dhacayo oo uu sii socdo. siyaad barre waxa uu kala hadley arinta soomaalida ogadeeniya. waxanu ugu jawaabey xayle salaase, waan ogahay in ogaadeen ay ku dhaleen oo aad jeceshahay anigana wey i jecelyihiin oo wey ii yimaadaan ee jacaylka aad jeceshahay yuu kula gelin in aad la dagaal gasho adiga oo curdina xukunkaaguna uu jirro afar sano. xilligaa boqorku waxa uu iska ahaa nin aan waxba kala socon waxa addis ababa ama guud ahaan itoobiya ka dhacaya. wuxu iska ahaa quraarad boqola oo qasriga madaxtooyada iska dhex taala, kolba meel loo duuliyo iyada oo ay hor yaacayaan wufuud fara badani. waxyar uun ka hor taariikhdaa aan kor ku soo xusney abaaro lagu ledey ayaa ka dhacay gobbolada bariga. bariga soomaaliya iyo bariga  itoobiyaba. malaha abaaruhu inta badan gobbolada bariga ayey ka bilaabmaane. waa kii abwaanku  lahaa. HADAAN BARRI ABAAR LAGU SALIDIN KAMA IMAADEENE..dawladii soomaaliya si wacan ayey yeeshey oo iney abaaro ku habsadeen dunida ayey u sheegtey waxaana ugu soo horeeyey midowgii soofiyeeti oo shacabkii bariga diyaaradaha ugu daadgureeyey xeryihii qaxootiga ee laga sameeyey sablaale iyo tajuuma. hase yeeshee dawladii itoobiya arinkaa dunida wey ka qarisey. waxaana tarab tarab u ledey dadkii ku noolaa gobbolka wallo. caasimada waxa ka socdey banaanbaxyo ay sameynayeen ardeyda jaamacadaha iyo kuwa dugsiyada sare. waxa kale oo socdey kacdoono ay wadaan ciidamada oo mudo lix billood ah aan la siinin mushahar. xisbigii Dhergiga oo gaashanle mingistu agaasime iyo shaqsiyaadka ugu khatarsan ka yahay ayaa boqorka meesha ku dul maamulayey.kaas oo ugu dambeyntii wadanka ku qabsadey afgembi(COMMUNIST MILITARY JUNTA) iyaga ayaa dadka ku kicinayey si dadku u nacaan. xisbigan dhergigu cajalado ay ka duubeen dadkii madhanayey ee abaarta gaajada iyo haraadku leynayey ayey habeenkii ka sii deyn jireen meelaha dadku isugu yimaadaan si boqorka loo naco. iyaga ayaa cajaladahaa daawashada ah tarmin jirey oo qaybin jirey. Mingistu waxa uu kaga sii khatarsanaa janeraalada dhergiga isagu waxa uu keensadey addis ababa guutada saddexaad oo keligii ka amar qaadato oo uu ka soo rarey magaaladiisii Harer. waxa uu dul dhigey ama geeyey meel kasta oo Taar yaalo saddexda wiil ee ka shaqeeya mid ayuu iska lahaa minguste , kaas oo habeenkii u gudbin jirey mingiste waxa ay ku wada hadlayaan generaalada iyo korneylada dhergiga iyo itoobiyaba. boqorkii ayuu u tagey isaga oo iska dhigaya in uu xoog u xushmeynayo oo forarsanaya. waxa uu u sheegey in uu illaalada madaxtooyada xoojinayo oo uu u keenayo laba guuto oo tawaangi ah iyo ilaalo kooban oo khaas ah. boqorka waxa hareeraha ka fadhiyey eheladiisa iyo saraakiil khaayisey oo bilaa tayo ah. maalintaas ayuu bilaabey in boqorka dhegaha xoog loogu sii gufeeyo. ilaaladii uu keensadey waxa uuku amrey iney ilaalada hore ee boqorka maalinba mid xidhaan. waxa lagu guri jirey god boqorka khamriga loogu miiri jirey oo ku yaaley qasriga madaxtooyada hoostiisa. qaarna waa la mustafeeyey qaarna waa la laayey. ilaa la soo gaadhey labadii boqorka albaabkiisa taagnaa. waa markaa marku qayliyey ee uu yidhi waar labadan xidhimeysan. kacdoonadii shacabku wey sii bateen. nacaybkii xukuumada loo qabeyna maalinba maalinta ka dambeysa wuu sii kordhaysey. boqorka mar mar ayey suuqa soo mariyaan. sidan imika madaxweyne siilaanyo loo yidhaa masjidka cali mataan ayuu ku soo tukadey ama imperial hoteel ayuu xaley ka qaxweynayey. sidaas oo kale ayaa mar mar loo soo saarayey. qoloftiisa ayaa dadka la daawadsiinayey hase yeeshee wax intaa ka hooseeyey muu jirrin. kolkaas ayey dadku toos u caayayeen iyaga oo leh LEEBA tuugga. guulwadaynta iyo in sacabka tunta dunida bilaa aqoonta ah lama waayo isna wuu heleyay in calleemo qoyan soo gurta hase yeeshee aqbaliyada dadku khaati ayey taagneyd. waa la yaabana ninkii khatarta ahaa ee Xayle Salaase maxaa ku dhacay waa nin saacadiisii dib u wareegtey (ANTICLOCK WISE). madaxweyne Siilaanyo magacii hore ayuun baa sii jirey. waxyaalo badan oo ay ka mid ahaayeen maamulkii riyaale oo la nacay iyo arimo sidaas ah ayaa is biirsadey in uu halkan yimaado inkasta oo laba goor darka laga waabiyey. hadana markii la doorteyba waxba kama duwaneyn halkii uu marayey Xayle Salaase. dadka siyaasada lafoguraa ama indheer garadka ahi kolkiiba wey garteen markii uu xaadirinayey liiskii ugu horeeyey ee wasiiradiisa oo laga garanayey sida uu ugu marganayo am u higaadinayo magacyada wasiirada. halkaas oo laga fahmayey in aanu isaguba liiskan soo xullin. maamulkii qarankuna uu ka baxsan yahay madaxweynihii shacbigu soo doortey. waxa kale oo igu maqaalo ah in madaxweynuhu bishii ugu horeyseyba garan waayey madaxweyne ku xigeenkiisii mar lala soo doortey. maanta madaxweyneheenii hadii xaalkiisu sidaa yahay, waxa qurrux badan wasiiradiisu iney xoog u shaqeeyaan inta xilligiisu dhamaanayo oo la joojiyo khilaafkan ka wada dhex aloosan wasaaradaha dawlada agaasime ilaa wasiir isla markaa aan leysku mashquulin danta qarrankana laga shaqeeyo hadii kale jeelkii ayaa argagixisadii ka daadatey oo hub loogu dhex geeyey. ma waxaas ayaa la eeganayaa. maya maya.. sii dalacsii wasiirka cadaalada.sii dalacsii wasiirka macdanta , dalacsii ka duulista iyo hawada iyo raysal wasaarahaga.

allaa mahad leh
WACAYS AXMED MAXAMUUD
BARRE ADDUUNYO
frankfurt germany