Maxaabiista Jeelka Hargeysa oo dagaal ka dhex bilowday gudaha Jeelka

0
127

Hargeysa(Waaheen) dagaal gacan ka hadal ah ayaa xabsiga hargeysa ku dhex maray maxaabiista ku xidhan iyo Ciidanka Asluubta, waxaanay wararka hordhaca ah ee Farriinnews.com soo gaadhayaa sheegayaan in qaar ka mid ah maxaabiistu dhimatay, halka qaar kalena ka dhaawacmeen.

breeakiiQof Goob jooge ah ayaa farriinnews.com u sheegay in gudaha Xabsiga laga soo saaray Meyd iyo Dhaawac, kadib markii maxaabiista iyo Askarta dagaal ku dhex maray gudaha Jeelka.

Qaar ka mid ah maxaabiista ayaa ka baxsady Jeelka, waxaanay Ciidanka Xabisga iyo Maxaabiistu is dhex eryanayaan Suuqa.

Qofka Goob jooga ah oo ku sugan agagaarka Xabsiga Wey nee Hargeysa ayaa Farriinnews.com u xaqiijiyey in ay qaar ka mid ah maxaabiista laamiga laga qabtay, halka kuwa kalena ay Ciidanku baacsanayaan.

Rasaas goo’goos ah ayaa ka dhacaysa agagaarka Xabsiga weyn ee Hargeysa, illaa hadana lama oga khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay dagaalka xabsiga gudihiisa ka dhacay.