Boqorka Gabooyaha oo Booliiska Daloodho ku dhaliilay Gurigiisa oo ay sharci darro ku galeen

0
77

“Waxay galeen anoo salaadha ku maqan, waxaan soo noqday iyagoo dumarkii iyo Carruurtii oo Hurada ku dhex dhacay”

Hargeysa(Waaheen) Boqorka Beelaha Gabooye Boqor Axmed Iimaan Warsame oo Waaheen la soo xidhiidhay ayaa Booliiska Saldhiga Daloodho ku Eedeeyey in ay Gurigiisa u soo daateen xilli uu salaadii subax ku maqnaa, isagoo ku Eedeeyey in ay Carruurtiisa iyo Dumarkiisa oo Hurda dhex qaadeen xilligaas oo ay Hurdeen.

Boqor Axmed waxa uu ku Eedeeyey Booliisku in ay gurigiisa u soo daateen iyaga oo aan sidan Ogolaansho Maxkamadeed, isagoo ku dooday in ay sharci ahaan aanay banaanayn Guri qoys Hurdo in la loo daato isla markaana la baqdin galiyo Maatada.

“ anigu Madax dhaqameed baan ahay, haddii Wiil aan dhalay danbi galo waxa Booliiska u haboonayd in ay ii yeedhaan oo ay I yidhaahdaan Inankaaga keen waxaas buu sameeyee, anigoo Salaadii Subax ku maqan Carruurtii iyo haweenkiina Hurdaan baa Gurigii Booliis u soo daatayoo way dhex qaadeen, sidaasina dhaqanka iyo akhlaaqda meel ay ka soo galaan ma jirto, waxaan u arkaa falkaasi mid dhaawac ku ah Qoyskayga iyo Bulshadaba, waxaanan maqlay guryaha Jaarka oo dhana in ay Booliisku sidaas oo kale ugu daateen” ayuu yidhi Boqor Axmed

Isagoo sii wata hadalakiisa waxa uu raaciyey “ waxaan Madaxda Booliiska iyo Xukuumaddaba ka dalbanayaa in talaabadaas xun ee Booliisku igula kaceen talaabo laga qaado, oo la naga qanciyo sababta Guryaha loogu daadanayo iyadoo la Hurdo, lama garan waayin waalidka iyo Carruurta midkoodna oo saldhigu xaafaduu ku yaalaa way noo yeedhi lahaayeen, markaa haddii aanu fulin weyno amarkooda anagaba ha na xidheen.” Ayuu yidhi

Boqor Axmed Iimaan mar aanu weydiinay in uu ogyahay danbi uu Inankiisu galay iyo in la qabtay waxa uu kaga jawaabay “ ma ogi danbi uu galay laakiin mar danbe ayaa la ii sheegay in ay qabteen, markaa ciyaalka xaafadda oo dhan baa la dacwaynayey oo waxa y galeen ma ogi” ayuu kaga baxay.

Ciyaalka xaafadaha isku Dilla ayaa dhibaato weyn ku haya Amaanka, waxaanay galalafaan dadka shicibka ah iyo Meheradaha, iyagoo khasaare badan abuura marka ay isku gadoodaan.