Naga guursada ama naga guura

0
227

 

Qalinkii :Daaci, Mufakar, Sama-fale,Qoraa: Rashiid Sulub Caalin Email:Sulub2007@yahoo.com Tel: 0634426781

 

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa maqaal uu diyaariyey Rashiid Sulub Caalin oo ah muwaadin inta badan ka shaqeeya danaha guud, isla-markaana si-mutadawacnimo ah sama-fal uga gaysta arrimo badan oo dadku mooggan yihiin. Isagoo ku mutaystay ixtiraam badan oo bulshada dhexdeeda ah, iyadoo bulshadeeenu aad u qiimeeyo hadalkiisa iyo hawlaha uu wado guud ahaan-ba. Waxa kale oo ay dadku aad u majiirtaan fikradaha uu soo jeediyo ee ku tacaluqa danta guud. Waxaanu maqaalkan kaga hadlayaa arrimo muhiima oo la xidhiidha bulshada la hayb-sooco iyo sidii dhaqankaa looga gudbi lahaa waana kuwan:

Fiiro gaar ah: Qormadan waxa ku jira sheeko Mala-awaal ah oo uu allifay isla qoraagu oo ujeedada mawduuca hagaajinaysa iyo sida uu u arko inay wax ku sixmi karaan

Run ahaantii Caado dhaqameedyada ugu foosha-xun ee ay Soomaalida badankeedu ku dhaqanto waxa ka mid ah kuwa kibirka iyo isla-waynaantu ku xeeran yihiin iyadoo Illaahay (SWT) uu ibnu-aadamka ku kala karaameeyo sida loo kala cabsi badan yahay. Ficilada kibirka iyo isla-waynaantu ka muuqato ee ay Soomaalidu samayso waxa ka mid ah yasidda qeyb ka mid ah bulshada iyagoo adeegsada inay hayb ku soocaan bulshaweynta qaar ka mid ah oo aan la kala guursan isla-markaana madaxa ay kaga taagan yihiin dhinacyada nolosha, dadkaasi oo iyaga la mid ah, la Diin ah oo aanay waxba is-dheerayn , taasina waxay muujinaysaa diciifnimada makhluuqa iyo kibirkiisa aan meel gaadhsiisnayn maadaama Illaahay loo siman yahay.

Somliland ahaan dhaqankan waxaynu kala simannahay Soomaalida kale waana boog xun oo ka muuqata mustaqbalkeena iyo aayaha danbe ee wadankeena.

Haddaynu ku soo noqonno halku-dhigga qormadeenan ee ah “Naga guursada ama naga guura” waxay ahayd ruwaayad ka hadlaysay is-dhexgalka bulshada iyo baabi’inta dhaqanka Hayb-sooca, ruwaayadaas oo uu sameeyey C/kariim Shabaash oo ka mid ahaa dadka la hayb-sooco ninkan oo ahaa nin caan ka ahaa Hargeysa islamarkaana lahaan jiray mid ka mid ah Rayiislayaashii ugu horreeyey kuwaasoo laga furay lixdamaadkii ka soo horjeedka Dooran-labanlihii ku yaallay badhtamaha magaalada Hargeysa, waxaanu ahaa ninkii soo saaray habkan casriga ah ee xiiritaanka isagoo ahaa shaqsi ay bulshadu aad u xiisayso waxaanu caan ku ahaa hadallo murti iyo qosol badan waxaanay dadku u kala dheerayn jireen inay ag-fadhiistaan Hargeysa Sinimihii hore oo uu habeenkii iman jiray isagoo turjumi jiray filimada Hindiga ah oo wakhtigaa cusbaa sidoo kalena isku dhex dari jiray Afaf kala duwan sida Hindi, Soodaani, Ingiriisi iyo Carabi si uu dadka uga qosliyo, C/kariim Shabaash Illaahay ha u naxariistee wuxuu dhintay dhowaan, wax-yar ka hor dhimashadiisii ayuuna iiga sheekeeyey ruwaayadaa uu sameeyey mar aanu ku kulanay mashruuc 500 jiingadood aanu ugu dhisaynay dadka deggan xaafadda Daami gaar ahaan dadka la hayb-sooco, mashruucaas oo aanu ka wada shaqaynayney hay’ad caalami ah. Sidoo kale Intaan ku guda jirnay mashruucaas waxaan ogaaday xaalada ay ku sugan yihiin dadka la hayb-sooco, run-ahaantiina anigoo ka murugooday nolosha ay ku nool yihiin dadka xaafadaa deganaa.sida laygu yidhina waxa xaafada Daami dadkan u raray oo ka raray xaafad ka mid ah degmada 26-ka June Madax-dhaqameedkii magaalada Hargeysa ee wakhtigii Ingiriiska isagoo Aabbahay ku jiray Odayaashaas. Waxaanan dhammaantood Illaahay u waydiinayaa naxariis iyo dambi dhaaf.   Isla-markii aanu bilawnay mashruucaasna waxaan amray in cabdikariim shabaash loo dhiso jiingada u horaysa islamarkaana sibidh isaga kaligii loo dhigo.

Haddaynu ku soo noqonno mawduuceena, isla-markaana aynu soo qaadano inta aynu kasoo qaadan karno shaqsiyaadka ugu caansan bulshada dhexdeeda ee ka midka ahaa bulshada la hayb-sooco iyo sida ay qaar ka mid ah saamayn ugu yeelatay dhaqankan xun ee haybsoocu, ugu horayn waxaynu is-xasuusin lahayn Fanaaniinta, Abwaaniinta iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeday beesha la hayb-sooco kuwaasoo ay ka mid yihiin Xuseen Aw Faarax, Mohamed Saleebaan Tubeec, Cabdi Tahliil Warsame, Cumr dhuule, Habboon iyo Shuuriye. Dhamaantoodna waxay ahaayeen shaqsiyaad aad loo xiiseeyo loona jeclaa fankooda iyo luuqdooda sidoo kale hufnaantooda iyo haybadda Illaahay siiyey inkastoo aanay helin tixgalintii ku haboonayd iyo waxqabad dhab ah laakiin jacaylkoodu uu ku koobnaa madadaalo iyo in la dhagaysto heesahooda wakhtiyada la qayilayo laguna faakihaysto. Sidoo kale waxaan la iloobi Karin ciyaartooy cajiib ahaa oo ka mid ahaa kuwii loogu jeclaa wakhtigii horraantii todobaatameeyadii ciyaartoygaas oo ka soo jeeday beesha la hayb-sooco, isagoo kaalinta koowaad ee qiimaynta ciyaar-wanaagga qaatay, ciyaartoygan oo la odhan jiray Saaqa. Haddaba waxa dhacday qiso cajiib ah oo la soo daristay ciyaartoygan caanka ahaa sida-dhacdaba waxay  ciyaartoygan is jeclaadeen gabadh ka soo jeedda beesha Isaaq ka dibna waxay is guursadeen inantii, markii guurkaasi dhex-maray inanka iyo inantaasi waxa markiiba bilaabmay buuq iyo rabash badan oo ka abuurmay inanka iyo beesha uu ka soo jeedo oo aan is-gayin awgeed, arrintaasi oo gacan ka hadal gaadhay isagoo ciyaartoygaas la odhan jiray saaqina wadanka iskaga cararay. waxaana la odhan karaa waxa halkaa ka dhacay u quudhi-waa iyo dabakhidda caadada dhaqan-xumada guunka ah ee hayb-sooca. Sidoo kale waxaanan iloobi Karin nin isaguna caan ahaa oo ka mid ahaa saraakiishii sar-sare ee Baankii Ganacsiga iyo kaydka  ee Jamhuuriyadii laysku odhan jiray Soomaaliya laguna magacaabi jiray Axmed Idiriis, waxaanu haystay Qeybta xisaabaadka Dibadda ee Baanka, anigoo uga mahad-naqaya sidii uu shaqada ii baray ee uu iila shaqeeyey wakhtigaas aanu ka wada hawl-gali jirnay Baanka, isagoo ii fududeeyey tababarro badan inaan dibadda ugu baxo maadaama aan ka mid ahaa madaxda qeybta xisaabaadka dibadda. Waxaan shaqsiyaadkan u soo qaatay inay si walba inooga mid yihiin dadkaasi islamarkaana ay leeyihiin rag Injineerro ah, rag Bayloodo ah, rag qoraaya iyo rag iyo dumar fanka ku jira sida kuwan aynu soo sheegnay iyo kuwo kaloo qiimo badan lahaa oo nacaybka la neceb yahay uu aasay. Waxa kale oo aan la iloobi Karin inta niyad-xumida iyo niyad-jabka la dhimatay.

Dhibaatooyinka iyo tacadiga lagu hayo bulshada la hayb sooco waxay keentay inaan loo ogolaan horumarka nolosha dhinac walba ee ay dadka wadanka la daggani gaadheen sida:

  • Ka qeyb-qaadashada goleyaasha qaranka iyo hayadaha kala duwan ee dowladda, sidoo kale ganacsiga oo aan la soo dhowaynayn wax loo qabto daayoo taasina waxay kaliftay inay gadoon ka yihiin xagga maskaxda, shaqada, tacliinta iyo horumarka guud ahaan.

Waxaanan la yaabanahay Sababaha keenay in arrinkaasi oo uu adduunku hore uga maray aynu wali ku sii dhaganaano. Sidoo kale waxa ah laba aan is qaban inaynu marwalba Illaahay barino in dhibaatooyin badan oo inaga horyimi xagga nolosha in uu inaga saaro bulsho ahaan haddana aynu dhexdeena isku tacadinno, waana damiir-darro  garasho xumidaa aynu la hortagayno Illaahay ee ah inaynu barrino haddana aynu tacadi joogto ah wadno waxaanay  keenaysaa cawaaqib xun oo aynu la kulano. Cawaaqibka ka iman kara ama aynu aragnayba waxa ka mid ah:

  1. 1.      inuu Alle samayn karo inuu isku keen badalo oo iyagu sareeyaan inaguna hoosta marno sidii qoomkii Nabi Muuse ee Faraaciintii hoos loo dhigay reer binii-Israa’iilna la badbaadiyey.
  2. 2.      inuu Alle kama yeelee  dhulka inala gooyo sidii qoomamkii hore ee tacadiyada sameeyey.
  3. 3.      waxa kaloo inagu dhici kara oo imikaba aynu aragnaa ifafaalaheedii inaynu maarayn kari waynay ubadkeenii mid lacag haysta iyo mid kalaba, mid wadaad ah iyo mid aan wadaad ahaynba.
  4. 4.      inay noloshu inagu adkaato oo kharash kasta oo aynu haynaa maarayn kari waayo daruuriyaadka aas-aasiga ah ee aynu u baahanahay.
  5. 5.      inaynu dowlad walba oo aynu doorano aynaan la shaqaynin haddana aynu la soo yururno tii horaa dhaantay oo niyadeena iyo maskaxdeena Illaahay kala fogeeyo.
  6. 6.      in dadkii is-jeclaa ee ehel iyo walaal ahaa ay ku sugan yihiin is-neceb.
  7. 7.      in somaliland oo masaajiideeda aan la qiyaasi karin haddana aanad ka maqlayn wadaadada wax ka qabadka arrintaasi oo iyaga laga rabay inay horseed ka noqdaan. Taasina ay keenayso inuu Illaahay inagu ciqaabo.
  8. 8.      inaynu had iyo jeer ajanabi noocuu doonaba ha ahaadee aynu tuugsi raqiis ah ula heelannahay. Haba ahaado reer Yurub ama Marakayn kowooga ugu liita, halkaasna ay ku lunto karaamadii iyo cisigii Illlaahay ina siiyey.

Xaalada ay dadka la hayb-sooco ku sugan yihiin islamarkaana gurmad deg-deg ah looga baahan yahay.

  • Shaqooyinkii lagu yaqaannay ee Rayslayaasha ee aan cidi ugu tagi jirin oo imika Itoobiyaankii ku qabsadeen oo ay dhowaan faraha uga qaadi doonaan.
  • Dumarkii agabka hoose ee guriga iibin jiray oo iyaguna meesha ka sii baxaya.
  • Kaba-tolayaashii oo layskaba daayey badankooda maadaama ay isku mid yihiin xagga qiimaha kuwa cusub iyo kuwa aad tolato.
  • Ducadii ciyaalka dhashay laga qaadi jiray oo ahaa woxooga duco ah oo meesha ka baxay.
  • Tumaaladii oo baahidoodii aad u yaraatay oo iyaguna meesha ka sii baxaya.
  • Qalidda xoolaha oo laga riixday.
  • Ciidamada waddanka oo ay aad ugu yar yihiin.
  • Dumarkii faalka iyo Alaalaxayda ridi jiray oo iyaguna meesha ka baxay.
  • Dumarkii aroosyada looga yeedhi jiray ee durbaanka, luuqda iyo jaanta isla qaadi jiray oo meesha kasii baxaaya.
  • Dumarkii farshaxanka yaqaanay oo iyaguna yaraaday.
  • Kuwii haamaha  biyaha lagu shubto iyo dheriga samayn jiray oo meesha ka baxay.
  • Fankii ay ku soocnaayeen ee lagu ixtiraami jiray kuna ceeshi jireen oo imika nin walaaba uu heesta uu doono samaysan karaayo kuna heesi karaayo iyadoon cidi u tumayn.
  • Dadkii barigii hore dhoofi jiray oo ay ku yaraayeen imikana aanay dheef ka helin cid badan oo u  maqan.
  • In xaafadaha ay dagan yihiin maalin walba la soo sawirto oo mashaariic been ah loogu balan qaado.
  • Dowladihii kala dambeeyey oo aan balanqaad mooyee wax kale aanay ka hayn.
  • Cid u doodda oo aan jirin.

Imikana waxaynu halacsan doonnaa sheeko Mala-awaal ah kuna saabsan mustaqbalka dhow ee Somaliland waana tan ee ka bogo:

Odorosidda sannadaha inagu soo aaddan iyo sida ay u eeg tahay inuu xaalka Somaliland iyo Somaliya noqon doono haddii  fiiro-dheer lagu eego caqabadaha hor-taagan.

Waxay tahay sannadka 5-ta October 2015-ka oo ay Somaliya wali qasan tahay xaalkeediina ka sii daray oo ay koonfuri dagi wayday siduu imika xaalku yahayba dabadeed waxay Somaliya si fiican u daristay sidii looga bixi karo caqabadaha hortaagan waxaanay soo ururiyeen 114 oday oo ka ugu yari 70-jir yahay oo wada Qur’aan xafid ah iyagoo dhammaan odayadaasi ay masaajid dhagax dhigi karayaan markaa meel ayaa la iskugu geeyey waxaana loo dhamaystiray wixii ay u baahnaayeen waxaana loo xil-saaray inay qadiyadan dagi wayday ee koonfurta ee adduunkoo dhan isugu habar-wacday inay sii qasnaato bal inay ka faa’iidaystaan wakhtiga. Ka dib markay Qur’aan badan akhristeen oo ay salaado badan tukadeen  ee ay halkaa ku jireen muddo 30 maalmood ah, 114-kii oday waxa xagga Illaahay looga iftiimiyey in qadiyadoodu ay ku xidhan tahay qaddiyada Somaliland waxaanay ku taliyeeyn qodobadan:

  1. In loo tago Somaliland oo raaligalin laga dalbado madaxana laga dhunkado.
  2. In la siiyo magdhow 50 milyan oo dollar ah.
  3. Inay iyagu ictiraafaan Somaliland oo ay ugu horeeyaan.
  4. Inay adduunweynaha uga baaqaan ictiraaf Somaliland la siiyo.

Qodobadan markii laysku raacay waxa la saaray wafdi rag qiimo leh ay ku jiraan oo aanay hali seegayn oo gogol-xaadh ah, waxaana hor kacaayey wafdigaa Wasiirka Difaaca oo ahaa nin Janan ah oo naaro ka soo cabay dagaaladii kala dambeeyey ee 1964-kii iyo 1977-kii lala galay waddanka Itoobiya, waxaanay ka soo dageen magaalada Hargeysa waxaanay sii fududeeyeen  qodobadii ay u socdeen ee la soo faray, waxa isaguna wiig ka dib yimi Madaxweynaha Somaliya islamarkaana dhamaystiray heshiiskii oo sexeexay. Iyagoo madaxa ka dhunkaday Madaxweynihii Somaliland qodobadiina way u sheegeen bulshada iyo madaxda Somaliland-ba. Beesha Isaaq-na farxadbay kala dilaacday illeen waa intay sugayeene hase- ahaatee hal qodob ayey ku xidheen oo 114-kii oday ay soo saareen waxaanu qodobkaasi ahaa:

  1. In dadka la hayb-sooco ee deggan Somaliland laga daayo dhibta iyo hagardaamada oo sare loo soo qaado waxaanay wafdigaasi ku ballan qaadeen lacag gooniya oo 25 milyan ah in sare loogu soo qaado noloshooda hawshaasna 3 sannadood gudahood la qaban doono  lacagtaasna qaybo- qaybo loo soo dayn doono Somaliland-na la eegaayo siday ka yeesho ummadaaa hoos daggan wixii loo qabanaayo.

Dhinaca kale  3-dii December ee isla sannadkaa waxa waddanka yimi oo dhowr maalmood soo kala horreeyey laba nin oo cajiib ah kan hore oo la odhan jiray Gaaxnuug oo ka mid ahaa Oorfanadii ka baxday Hargeysa ee aad wax loo baray oo iskoris ahaa, tacliin badan iyo waayo- aragnimo badanna haystay oo Jaamacadda Harford shahaadada PHD ka soo diyaariyey siiba arrimaha Maamulka Mujtamaca soo bartay islamarkaana 30 sanno oo khibrada leh ninkaasi oo ka mid ah markuu taariikhdiisii baadhay ee uu Hooyadii iyo Aabbihii helay beeshaas la hayb-sooco ayaa wuxuu u guntaday inuuu beeshaas dulliga iyo yaraysiga ka saaro, markiiba wuxuu ku dhaqaaqay madaxdhaqameedkii beeshiisa ee kala tagsanaa inay isaga ku daba faylaan maadaama uu ahaa nin karaamo iyo haybad lahaa waxaanu sameeyey barnaamij 20 sannadood beeshaasi wax loogu qabanaayo dhinac walba.  Wax yar ka bacdi waxa isaguna yimi nin la yidhaahdo Mooge. Ninkaasi oo 50 sannadood ka shaqaynayey dalka Sucuudiga isagoo u shaqayn jiray nin boqor ah oo maal badan Illaahay siiyey oo aan carruur dhalin, Boqorkaasi oo dhintay islamarkaana wuxuu ku dardaarmay in dhaxalkiisa la siiyo Mooge, dhaxalkaas oo gaadhayey lacag balaayiin ah  iyadoo uu Illaahay ugu daray garasho badan. Wuxuuna Mooge ka argagaxay nolosha dadkaasi la hayb-sooco ku nool yihiin wuxuuna xoolihiisii u kala qeybiyey 4 meelood  3 qaybood wuxuu ugu deeqay beeshaas qaybta soo hadhayna inuu ku noolaado maadaama ay kafaynayso noloshiisa. markiiba waxay kulmeen Gaaxnuug waxayna isla meel dhigeen oo ay qorsheeyeen inay maal, maskax iyo xoog waxay hayaan ay isku geeyaan oo ay wax ugu qabtaan dadkaa la hayb-sooco. Dowladda Somaliland oo iyaduna u heellan oo shardigii lagu xidhay fulinaysa ayaa waxay siisay dhul ay magaalo gaar ah ka sameeyaan oo ay ka dhisi karaan ilaa 10,000 guri laakiin-se waxay ku bilaabeen 2000 guri waxaanay u yeedheen shirkadaha waa-weyn ee adduunka wax ka dhisa, muddo ka-bacdi waxa la sameeyey magaalo yar oo wax kastaaba u dhan yihiin hadday noqoto Jaamacadihii, Dhakhtaradii, Iskuuladii, Laamiyadii, xanaanooyinkii carruuurta , goobihii xabaalaha loogu talo galay iyo laydhadhkii ammaanka magaalada iyadoo aanay waxba ka maqnayn magaaladaaas, waxaana loo bixiyey magaalada Barwaaqo. markay 1000 guri dhiseen ayaa waxay shardi ku xidheen cidii danaynaysa magaaladan ee ka soo jeeda dadkaa la haybsooco iyo beelaha kale ee degga Somaliland siiba Isaaq haddii labadaasi ay is guursanayaan in la siin doono guri, caafimaad bilaash ah iyo tacliin bilaash ah oo ay sexeexaan sidaasina ay  ku aqal galaan. Markiiba waxa lagu soo jabay magaaladii waxaana batay aroosyada ka dhaca magaaladaas adigoo habeen kasta maqlaya mashaxarad iyo saansaan aroos. Waxyaalaha ay magaaladani ku cajiibka tahay waxa ka mid ah waxaad arkaysaa Hindi ama Baangaladheesh ka shaqaynaya guryaha faraawilkii lagu beeray iyo wadadda labada haad u dhaxaysa oo Timir iyo Faraawil lagu beeray iyadoo qofka soo booqdaana uu indho daraandarayo. waxaana halkaas ka muuqatay  naxariis badan oo timi waxaana da’ay roob badan  oo ay dadkii beerihii  dib ugu noqdeen. Sidaasina waxa isku qabsaday barnaamijkii Gaaxnuug iyo Mooge iyo barnaamijkii ay koonfurtu lacagta ku bixisay dadka la haybsooco iyo dowladda Somaliland wixii ay ku dartay oo is qabsaday iyadoo ay mashaariicdaasi musuqmaasuq iyo wax isdabamarin ay ka badbaadeen. Sidoo kale Baarlamaanka Somaliland wuxuu ansixiyey sharciyo badan oo kor u soo qaadaya bulshada la hayb-sooci jiray.

Waxa la gaadhay 2020-kii January 11-keedii waxa uu maalintaas adduunkii oo dhan aqoonsaday Somaliland, intaa dabadeedna waxa la arkay dadkii la haybsooci jiray oo wada Dhakhtar ah, Xildhibaano ah, Wasiirro iyo Qoraayo ah. Islamarkaana bulshada si fiican uga dhex muuqda.

2021-kiina doorasho dhacday oo madaxtooyo, waxa madaxweyne loo doortay Somaliland Mooge waxaana Madaxweyne ku xigeen loo doortay Gaaxnuug iyadoo labadoodaba lagu qasbay madaxtinimada looguna abaal-guday shaqadii fiicnay ee ay qabteen iyagoon madax-jecayl hamigooda ku jirin. markaasaa oday 80-jir ahi isagoo kalidii socda oo aanu moodayn in la maqlaayo islamarkaana xusuustay wixii ay soo mareen iyo sidii loola dhaqmi jiray bulshada uu ka midka ahaa ee la hayb-sooci jiray ayuu ku heesaayey midhahan heestii ka mid ahayd uu qaadi jiray fanaanka caanka ah ee Muuse Ismaaciil Qalinle “ Jidkaan soo maraan jeedaaliyaa, anigoo jilcayaan jiifsadaa”. Fadligaana Illaahay-baa laga helaa.

Qalinkii :Daaci, Mufakar, Sama-fale, Qoraa: Rashiid Sulub Caalin Email:Sulub2007@yahoo.com Tel: 0634426781