Doorka Naasiya-da ; W/Q Maxamed C/laahi Ducaale (Cawke)

0
120

11Amin hore, mar aanay saynisyahanada iyo dhakhaatiirtu wax badan ka ogayn sida ay xubinta cad ee 1.4ta Kg ee maskaxda qofku u shaqayso ama u bogsato oo isu hagaajiso marka dhaawac culusi soo gaadho ka dib ayuu shil dhacay-shil xun oo nolosha qofka uu ku dhacay galaafan karayay laakin noqday mid wax laga bartay, mid garaadka iyo xiisaha inta wax baadhaba dareenkooda soo jiitay. Sida dhaawacaas iyo shilkaasi u dhacay waa arin ilaa maanta laga doodo oo wax layska weydiiyo. Waxaa lagu ogaaday in dhaawaca soo gaadha qayb maskaxda ka mid ahi ay saamayn ku yeelato aragtida iyo dhaqanka qofka.

1948dii waxaa meel kamid ah carriga Mareekan ka socday dhisitaan waddo tareenadu ordaan. shaqaalaha ka shaqaynayay waxaa horjooge u ahaa nin lagu magcaabo Phineas Gage. Si dhabadu u noqoto mid siman oo halaasi ah, waxaa Dhadhaabaha fadh fadhiya buuraha ay waddadu dhex marayso loo isticmaalayay qaraxyo xoogan oo kala firdhiya, kuwaas oo laga dhaliyo budo baaruud ah iyo ciid isku maliiqan oo lagu shubo dhadhaabaha sintooda ka dibna sabarad lagu dhufto.    Mudane Gage  sidaa ayuu samaynayay 4:30 galabnimo markii sabaradii oo finiinsani ay daanka bidix ka gashay iyadoo sii dhex martay isha bidix ka dibna ka kuday madaxa sare oo cirka isku shareertay.  Sanqadhii ka dib waxaa la arkay ninkii Gage ahaa oo madixiisii ay ku dhabooqmeen dhiig iyo maskaxdii oo iswata, waxaa kaloo la arkay sabaradii culayskeedu ahaa ku dhowaad 6kiilo oo taala meel ka durugsan 25 mitir.

Ikasta oo jug argagax lihi gaadhay, daqiiqado gudohood waaba kii oo fadhiya, miyirkiisuna aanu doorsoonayn! Isagoo ku mashquulsan  xisaabinta sida wax u dhaceen ayaa loo yimid oo loo qaaday halkii rug caafimaad ugu dhowayd . Dr John Harlow oo ahaa dhakhtarka arinkiisa la wareegay ayaa dhiigii ka nadiifiyay, nabarkiina duubay isagoo maskaxda ka guraya wixii lafo jajab ahaa ayaabu farihiisa ku taabtay maskaxdii Gage. Waloow uu dhakhtarku dadaalay, haddana bukaanku wuu caabuqay, waxaana laga quustay noloshiisii ilaa heer ay ehelkiisii u sameeyeen Naxashkii lagu aasi lahaa. Hase yeeshee Gage wuu ladnaaday, dabayaaqadii sanadkaana wuxuu ku noqday reerkiisii iyo shaqadiisii.

Inkastoo uu jidh ahaan aad u reeyay marka laga reebo Isha bidix oo noqotay mid aanu gebi ahaanba wax ka arkayn, ma curyaamin, hadalkuna dhib kuma hayn, laakin waxaa la ogaaday in jugtaasi burburisay awoodii fahamka iyo xakamayntii qiirada. Wuxuu noqday nin muran badan oo xushmayn daran, nin aanay dhib ku ahayn cayda iyo aflagaadaynta diintiisa iyo Eebihiisa, wuxuu lumiyay xishoodkii, waxaa afkiisa ka soo burqan jiray ereyo anshax daran, ilaa dumarka lagula taliyay inaanay agtiisa ka soo dhowaan. Markasta oo uu qorshe sameystona wuxuu ku guuldaraystaa fulintooda.                                   Ug danbayn,  shirkadii way ka diiday inuu usii shaqeeyo, Reerkiisii iyo saaxiibadii waxay isla qireen in kani aanu ahayn Phineas Gage kii ay yaqaaneen.

Maanta waxaa si fiican loo yaqaanaa  in qaybta maskaxda ee ay sabaradu dhaawacday ee wejiga soo xigta (frontal cortex) uu doorkeedu yahay la dhaqanka dadka, bulshaynimada, dabeecadda, qorshaynta iyo  go’aan qaadashada. Sidoo kale, waa xarunta beenta, denbiga, gardarada iyo hanjabaada! Waa goobta laga fagaaso (kaantaroolo) dhaqanka kiisa san iyo kiisa xun ba.

Description: C:\Users\Office\Pictures\phineas_gage.jpg

Tan iyo maalintaa dhakhaatiirtu waxay baadhitaan la daba socdeen  dabeecadaha iyo falalka uu la soo baxo qofkasta oo maskaxda  dhaawac ka soo gaadho, taasina waxay u horseedaa helitaanka shaqada ay qabato qaybta markaa dhaawacu soo gaadhay. Mararka qaarkood markuu qofku dhinto ayaa la baadhaa, tusaale, Albert Einstein waxaa badanaa lagu sheegaa inuu ka mid ahaa dadkii ugu garashada badnaa ee abid dunida soo mara, ogaal-baadhayaashuna waxay rumaysnaayeen in maskaxdiisu weyntahay  taasina ay suura gelisay xariifnimada intaa le’eeg.  Markuu dhintay yaab baa dhacay, waxaa la’ogaaday in maskaxdiisu ay aad u yarayd, waxay ahayd 1.23Kg marka la barbar dhigo 1.4Kg. waxay tan dadka kale ka yarayd 200 g.

Inkastoo  ogaal-baadhayaashu heleen farqi badan oo maskaxdiisu lahayd taasoo jawaab unoqon karta sababta uu dadka uga xariifsanaa, laakiin arinku maahayn inuu maskax qaroweyn lahaa.

Mar baa jirtay loo maleeyay in dadku sida ay u kala maskax balaadhanyihiin ay u kala garaad badan yihiin, taasi se ma dhaboobin. Dumarku waxay celcelis ahaan 9% ka maskax yaryihiin tan Ragga,  xagga garaadka se kama yaraystaan nimanka,  waa uun sida ay dumarku uga qaro yaryihiin ragga ayay maskaxdooduna uga qaro yartahay.

Muslimiintu waxay ilaa soo degiddii Quraanka wanaagsan akhriyayeen  Description: http://www.islam-guide.com/aqwas-ys.jpg Kallaa la’in lam yantahi, la nasfacan bin naasiyah. Naasiyatin, Kaadibatin Khaadi’ah!  Description: http://www.islam-guide.com/aqwas-ym.jpg (Quran, 96:15-16)

Toloow  Muslimiintu 1948dii ka hor ma garanayeen shaqada Naasiyada?  Mise shilkii Gage ka dib bay  barteen? Mise weli ogaalkaa mabay gaadhin?                                                                                        

xigasho: 1. Islamic Guide Book The Quran on the Cerebrum  2. Harlow JM. Passage of an iron rod through the head

Maxamed C/laahi Ducaale (Cawke)  Email:    Ducaale9@gmail.com

http://facebook.com/ducaale9                           Burco, Somaliland