Ciidamadii Somaliland ee Taleex qabsaday oo goor dhaweyd ka soo guuray

0
95

Taleex(Waaheen) Ciidamadii Somaliland ee shalayq absaday magaaladda taleex ayaa manta Duhurki dib ugu soo laabtay qqqqfadhiisinkoodii Xudun ee ay ka duuleen, iyagoo si nabad ah ku soo dhamaystay Hawl-gal ay Maleeshiyooyinkii deegaankaas isku urursanayey ay kaga sifeeyeen

Taliyaha Hawl-galina Ciidanka qaranka Somaliland Maxamed Aadan Daba-gale oo Farriinnews.com khadka Telefoonka ugu waramayey Goor dhaweyd ayaa sheegay in Ciidanku ka guureen fadhiisinkii taleex isla markaana ay dageen meel u dhaxaysa Garoowe, Taleex iyo Xudun, halkaas oo ay ka fulinayaan hawl-gal la mid ah ka ay ku tageen Taleex.

Taliye Daba-gale waxa uu Farriinnews.com u xaqiijiyey ujeedadii Duulaankooda in ay si buuxda ugu Guulaysteen isla markaana ay kala didiyeen kooxo shirku qabsan lahaa magaaladda Taleex, waxaanu sheegay in Ciidanka Qaranku si Nabad ah uga baxeen magaaladaasi, isla markaana ay dageen saldhig aan ka fogayn.

Daba-gale waxa uu sheegay in ciidan xoogan ay kaga yimaadeen magaaladda Taleex, kuwaas oo ka soo jeeda isla magaaladaasi, waxaanu tilmaamay in ay bar-tilmaameed noqon doonto haddii Maleeshiyooyinka halkaas laga eryey ku soo laabtaan.

Ka soo bixida Ciidanka Somaliland ayaa lala xidhiidhinayaa in ay ku kalifeen dedaalo Dublamaasiyadeed oo culays ku saaray Xukuumaddda sidii ay ciidankeeda ugala soo noqon lahayd Taleex, iyadoo ay Dublamaasiyiinta arrintan ka war warsani u arkaan haddii dagaal ka qarxo deegaamadaas in xaaladu cakirmi doonto.

Nikalos Key oo ah Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in xaaladda wadahadal lagu soo celiyo isla markaana laga fogaado talaabo kasta oo dagaal sababi karta.

Sidoo kale, wararka hoose ee ka soo baxaya Dalalka jaarka iyo Dublamaasiyiinta Reer Yurub iyo kuwa Reer Galbeedka ayaa iyana walaac noocan oo kale ah ka muujiyey qabsashada Somaliland ee Taleex.

Si kasta ha ahaatee wali Somaliland wax tafaasiil ah kama ay bixin soo guuritaanka Ciidankeedu kaga soo baxeen Taleex.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa ayaa guullo is daba jog ah ka soo hoysay GoboladA Barri ee Dalka, waxaanay bishan oo kali ah qaaday dhaqdhaqaaqyo ay ku muujisay cududeeda iyo lahaansha Dhuleed ee Goboladda Barri.