Puntland oo Cambaareysay Ciidamada Somaliland la Wareegay Taleex.

0
94

Abdiwali-Indhaguran-wasiirHargeysa(Waaheen) Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle (Indhu-guran) ayaa Cambaareyey qabsashada Somaliland ay la wareegtay Degmada Taleex ee Dalka Somaliland, isaga oo sheegay in Golaha wasiirada Puntland ay markiiba ka yeeshen Kulan degdeg Ah, kana soo saareen Warmurtiyeed ay ku cambareynayaan Qabsasho ay sheegen in Ciidamada Somaliland qabsadeen Taleex.

Waxa kale oo uu tilmaamay in Xuduudihii Puntland lagu soo xadgudbay, isla markaana aanay Puntland indhaha ka qarsandoonin xadgudubkaasi, sidaasi daraadeedna ay Ogeysiin ay u dirayaan Midawga Afrika iyo Urur goboleedka IGAAD.