Jaamacada Abaarso Tech oo Xaflada soo dhawayn ah u samaysay 26 Arday oo Deeq Waxbarasho ku Guuleystay..

0
68

0Hargeysa(Waaheen) Jaamacada Abaarso Tech ayaa maanta Munaasibad soo dhawayn u qabatay 26 Hablood oo muddo Sanad ah Deeq Waxbarasho oo Bilaash ka dhigan doona, Deeqdan ayaa waxa Maalgalisay hay’ada UNFPA iyada oo soo marisay Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, 2O ka mid ah Hablaahaasi ayaa waxa dhaqaalaha ka bixindoona Hay’ada UNFPA, Halka 6 Habloodna ay Jaamacadu deeq bilaash ah siisay.

Munaasibadan ardaydan lagu soo dhawaynayey oo ka qabsoontay Hotel Guleed ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska, Cali siciid Raygal,  la taliyaha madaxweynaha ee arimaha haweenka Amal X.Axmed Miisan, Guddomiyaha Jaamacada Abaarso Tech Dr. Axmed Xuseen Ciise, Mawliid Maxamed Cumar oo ka socday Hay’ada UNFPA, Guddomiyaha Ururka Kalkaaliyaasha Foosiya,  ardayda heshay waxbarashadaas bilaashka ah iyo marti sharaf kale.

01Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay wasiirka dhalinyarada,ciyaaraha iyo dalxiiska Cali Siciid Raygal kaas oo ka waramay ujeedada laga leeyahay in hay’adda UNFPA iyo jaamacada Abaarso Tech ay si wada jira u bixiyaan waxbarashadan bilaashka ah, ee loogu tala galay hablaha, waxaanu ardaydan u soo jeediyey inay ka faa’iidaystaan waxaanu yidhi “Halkan waxa fadhiya 20  gabdhood  ee ay  waxbarashada  ugu deeqday hay’adda UNFPA iyo 6-da ay ku soo kordhisay jaamacada Abaarso waxaan uga mahad celinayaa hay’adda iyo jaamacada sida ay waxbarashada ugu dedaalayaan,  hawsha ay maanta halkan ka furayno ee ay maal galinayso hay’adda UNFPA ee loogu tala galay inay fuliso jaamacada Abaarso Tech si dhalinyaradan wax loo baro ,ujeedada laga leeyahayna waxa weeyaan  inuu qofku isagu wax qabsan karo, haddii dadka wax la baro oo tababaro la siiyo  cilmi badana la baro, waxa laga doonayaa in wixii la baray uu ku shaqeeyo oo uu wax ku soo saaro, mashruucani waxa uu soconayaa mudo sanad ah, waxaana laydin bari doonaa sida cilmiga laydin baro aad naftiina, dalkiina iyo dadkiina aad ku anfacdaan, sababta lacagta laydiin gelinayaana waxa weeyaan in mustaqbalkiina laydin kala shaqeeyo oo noloshiina laydinka caawiyo.” Ayuu yidhi Wasiirku.

02Sidoo kale Mawliid Maxamed Cumar  oo ka socday hay’adda UNFPA oo isaguna ka hadlay  munaasibadan ayaa ka waramay wax qabadyada hay’addaas, waxaanu tilmaamay waxyaalaha ay u taagan tahay hay’addani inay ka shaqayso waxaanu yidhi “Hay’adda UNFPA waa hay’add ka tirsan qaramada midoobay waxaanay u taagan tahay inay kobciso oo ay horumariso caafimaadka hooyada,dhalinyarada iyo dhalaanka, waxa kale oo ay u taagan tahay in la xoojiyo oo laga faa’iidaysto tamarta iyo awooda dhalinyarada si fiicana looga faa’iidaysto waana sababta uu mashruucani ku yimid, tirada dhalinyarada marka laga tago wixii sodon jir ka yar waxay ka badan tahay 65%, marka la eego tirade dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 14-29 waxa lagu qiyaasaa 42% waxaana la rajaynaynaa in sanadada soo socda tirada dhalinyaradu intaas ka sii badato.”

03 - CopySidoo kale waxa uu ka war bixiyey  tirada dhalinyarada Somaliland iyo caqabadaha haysta oo ay ka mid tahay shaqaale la’aantu waxaanu yidhi “Dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 14-29 ma shaqeeyaan 67% ama shaqo ku filan ka haystaan, caqabadahaas jira inaga oo ka duulayna hay’addan UNFPA waxay dalka timid sanadkii 2008, waxaanay isku dayeen inay wax ka qabtaan caafimaadka iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa dhalinyarada qaranka, dhinaca caafimaadka waxaanu tababarno hablo dugsiyada sare dhamaystay oo bartay cilmiga umilasada inta dhamaysatay ee jaamacadaha ka qalin jabisayna waxa weeyaan 182 hablood kuwaas oo u gargaara hooyada umulaysa.” Ayuu yidhi Mawliid oo ka socday hay’adda UNFPA.

Sidoo kale gudoomiyaha jaamacad Abaarsho 07 04 05 Tech Axmed Xuseen Ciise oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay inuu mashruucani qayb ka yahay sidii wadanku horu mar u gaadhi lahaa isla markaana tayo loogu yeeli lahaa bulshada waxaanu yidhi “mashruucan maanta halkan ka bilaabmaya waa mashruuc qiimo badan noo leh, waayo waxaanu ognahay in mushkiladaha dalkeena haysta ay ka mid tahay shaqo la’aantu, waxaana la ogaaday in waxa horu marka wadamada dedajiyaa ay ka mid tahay in dalka tayada u yeela dadkiisa, dadkana wax bara, mashruucan maanta bilaabmaya ee hablaha u gaarka ah waxa uu ka mid yahay  horu marka dalka, muhiimadiisuna waxa weeye in dhalinyarada halkan ka baxdaa ay u furan tahay laba arimood oo kala ah inaad abuurtaan ganacsi ama aad ay ka qayb qaadataan maaraynta ganacsiga ama aad sii  wadataan aqoontiina jaamacada, sanadka aad halkan ku jirtaana waxa uu idiin xisaabsanaan doona mid jaamacadeed, waana fursad qaaliya, waxaanan idinka doonaynaa haddii aad deeqdan waxbarashada hesheen inaad balan qaadaan inaad ka soo baxaysaan hawshaas.”

Dr.Axmed Xuseen Ciise oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaanay jaamacada Abaarso Tech u taagnayn inay faa’iido ka doonto waxbarashada waxaanu yidhi “Anagu ma nihin jaamacad macaash doon ah, waxaanu aaminsanahay inaan tacliinta laga doonin macaash, waxa kaliya  ee aanu idinka doonaynaa inaad ka soo baxdaan waajibaadkiina oo aad wax barataan, fursad fiicana waa laydin siiyey ee waa inaad balan qaadan inaad ka soo baxaysaan hawshiina, anaga masuuliyada koowaad ee na saarina ay tahay inaanu aqoonta idinka dhisno oo aanu idin barno xirfadihii aad ku shaqaysan lahaydeen.”

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadashay la talliyaha madaxweynaha ee arimaha haweenka Amaal Xaaji Miisaan taas oo sheegtay inay soo dhawaynayso deeqdan waxbarashada ah la siiyey 26  hablood.

Waxa kale oo Hadalo ka jeediyey Guddomiyaha Ururka Kalkaaliyaasha Caafimadka Marwo Foosiya, iyo Agaasimaha Waxda Dhalinyrada ee Wasarada Dhalinayrada Sayid Cumar waxayna ka hadleen faa’iidada ay waxbarashadu leedahay, waxayna jaamacada Abaarso iyo hay’adaba uga mahad celiyeen dadaalka ay galidoonan.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Xubno abarso tech 018 010 11 013 014 15 16 0ku hadlayey afka hablaha ku guuleystay       deeqdaasi waxbarasho ee bilaashka ah.