Wasiirka Hawlaha Guud oo Bulashada reer Hargeysa ee laydh la’aantu haysto u sheegay war ay ku farxaan

0
106

thumb.phpHargeysa(Waaheen) Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay inay maalmaha soo socda dib u kicin doonaan Wershada Laydhka Hargeysa ee Dawladdu leedahay oo fadhida ku dhawaad laba todobaad.

Wasiirku waxa uu sheegay inay la wareegeen Maamulka Wershada Rajo fiicana ka qabaan in Mashiino cusub iyo kuwo kale oo loo soo iibiyo Warshada Laydhka ee ay maamusho Xukuumada Siilaanyo.

Sidaasi waxa uu ku sheegay mar uu u waramyey maanta BBC-da

“Waad ogtihiinoo waxani waa wax farsamo, waanay Cilladoobi karaan oo cilladi way iman kartaa.markaa Cillad farsamo ayaa timid oo Mashiinadii waa waynaa ee Laydhka Magaalada Shidayay ayaa cilladi ku timid. Mudo ayaanu isku daynay in wax laga qabto Mashiinadii hore ee yaalay, Hawshii Maamulka ee meesha wasaaradda ayaa la wareegtay, ilaa maalmahana waxaanu ku jiray shaqadeedii. Waxa kale oo aanu samaynay sidii loo heli lahaa Matooro kale, waxaanu rajaynaynaa in Mashiino kuwii hore badalaa soo gaadhi doonaan dhawaan.” Ayuu yidhi.
Wasiirku waxa uu rajo fiican ka muujiyey in Maalmaha soo socda Laydhka dib loo shidi doono “ Waxaanu rajaynaynaa inay maanta soo gaadhaan Dalka Mashiino cusub oo dibada laga keenayo, waana ogtihiin oo dalka lagama wada helayo waxyaalihii fududaynayay. Markaa qaar cusub oo dibada laga keenayo ayaanu rajaynaynaa inay Caawa soo galaan iyo qaar dalka yaalay oo aanu doonayno inaanu u soo iibino. Mashiinada hore u shaqaynayay 5 ayay ahaayeen, runtii waa arin si kedis ah uun u timid inay mar kaliya wada fadhiistaan, mushkiladoodiina la xalin kari waayo, laakiin wakhtigii ugu fiicnaa ee wax lagu qaban lahaa ayaad wax ku qabateen ayaanu isleenahay.Labada maalmood ee soo socdana magaaladu koronto ayay helaysaa”