Dadaalka Wasiirka Tamarta Waxa Neceb Mucaaridka. Ninka Daacad Igu Nacay, Duudsigayga Kuma Helo

0
64

Wuxuu Doonayee Baas.

C/xakiim Axmed ( Qalinmaal) 

Wasiirka tamarta iyo khayraadka dabiiciga Mudane. Xussen Maxamed Ducaale aya noqday wasiir ku dadaalaya inta u xilka hayo inuu Somlilad gaadhsiiyo heerkii ay uga faa’iidaysan lahayd khayraadkeeda dabiiciga ah.

Wasiirku wuxu hore ugu dadaalay baadhista shidaalka, wakhtigan wuxuu keenay shirkad baadhis ku samayn doonta dhuxul dhagaxada dalka , si bulshadu uga faa’iidaysato isla markaana uu dalku u gaadho horumar dhinaca khayraadkiisa dabiiciga ah.

Wasiirku mar kasta oo uu debedaha u baxo wuxu goob kasta ka muujiyaa kana cadeeya sida Somaliland ay u leedahay khayaraad dabiici ah oo u baahan in laga faa’iidaysto taasina oo ku soo jeedisay indhaha caalamka Somaliland.

Shirarka uu ka qayb galo wasiirku ayaa dalal badani ku ogaadaan khayraadka dabciiga ah ee dalkan waa tan keentay in xiligani uu noqdo wakhtigii ay dunida indhaheeda ku hayso  khayaraadka Somaliland iyo ka faa’iidaysigiisa.

Somaliand oo ah dal dihin, ayay idhaha caalamku si fiican u qabteen tan iyo intii wasiirkani hawshaasi dhaqaajiyay.

Mucaaridka oo iyagu og dadaalka wasiirka iyo sida uu hawshaasi u wado ayaa werwer ka muujiyay ka faa’idaysiga khayaraadka dalka , iyago kaba dhigay dalkii in la isku dilo doono haddii khayraadka lala soo baxo.

Ummadani waxay u baahan tahay dakhli iyo dhaqaale loo sameeyo, uma baahan been iyo werwer gelin mustaqbal,  waxay ahyd in mucaaridku dadaalka wasiirka ay kaalmeeyaan waxna la qabtaan maaha inay abuuraan daacayad iyo been aan sal lahayn oo ay ku joojinayaan waxtarka wasiirku bulshada la rabo.

Dacaayadaha la baahinayo wakhtigan ee wasiirka laga faafinyo waa kuwo ku lagu fashilanyo dadaalkiisa iyo markii la rakay in haddii lagu guulaysto ka faa’idaysiga khayaraadka dalka ee wasiirku hormoodka ka yahay , aanay jirin doonin xisbi iyo qof  danbe oo soo hungureeya hogaanka dalka , xisbiga kulmiyana oo noqonayo kan mar kasta guusha hantiya tartan kasta.

Taasi ayaa abuurtay buuqan iyo qayladan ay mucaaridku ka danbeeyaan ee wasiirka lagu la galgalanyo loona adeegsaday Wargeyska  Haatuf.

Dhuxul dhagaxda aya baadhayso shirkadni waa mid ummadu u baahan tahay waxaana loo baahan yahay in bulshadu arintaasi ku taageerto wasaraadda tamarta iyo shirkadaba.

WA BILAAHI TAWFIIQ

Ninka daacad igu nacay

 

Duudsigayga kuma helo

 

Wuxuu doonayee baas.

 

Ninka ii darraadow

 

Anba waw darsanayaa

 

Dibin-daabyadaadee

 

Tirtirsiga ha iga deyn

 

Carrab dananka laasima

 

Wacdi dowdab lagu yidhi

 

Ninka ii dudubiyow

 

Kuma seexdo hadalkee

 

Wax kaloon daneeyoon  

Ku damqado ma haysaa?   “ Hadraawi”