DAWLADU WAA INAY BADISAA OO AY MAGACA SOMALILAND KU QORTAA KAANTAROOL KASTA OO LAGA SOO GALO HARGEISA IYADOO DHULKA DHIGAYSA SHIRKADAHA ISKU XAYAYSIINAYA KAANTAROOLADA DALKA OO DHAN . W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

0
112

Marka hore ILAAHAY BAA MAHAD LEH isagoo inoo suuro galiyay in aynu soo gudbino wixii aqoonteena  iyo aragtideena ah intaa ka dib waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo bahda saxaafada ee ku hawlan  siday cidkasta oo somaliland ah  u soo gaadhsiin lahaayeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka socday saacad saacad, iyo sikin sikinba . iyagoon ahayn dad faaido doona laakin u shaqayeeya si volunteer ah ama bilaasha

Waxaan aad ula yaabaa markaan arko  dawladii oo aanu  magaceedu ku muujisnayn  wadooyinka waaweyn ee laga soo galo , halkaas oo aanad ku arkayn wax ka turjumaya dawlada somaliland iyo guud ahaanba wax qabadka dawlada waxaad ku arkaysaa meelaha waaweyn ee kaantaroolada ah shirkado ganacsi oo isku xayaysiinaya   marka dadka dalka ku cusubi ay markaba  indhaha ku dhufanayaan shirkad ka sheekaynaysa wax qabadkeeda taasina waxay ku tusaysaa inay shirkadu ka awood badan tahay dawlada taasina maaha mid inoo sharaf ah sidaa daraadeed mar aan wax ka waydiiyay  nin muwaadina wuxuu ku jawaabay  meelaha muhiimka ee ah uu dalku leeyahay waa in ay dawladu isku xayaysiisaa iyadoo kor u qaadaysa  magaca iyo sharafta somaliland.

Waxaa arkay oo igu kalifay inaan aad uga hadlo markaan arkay meesha laga soo galo magaalada hargeisa ee laga yimaado  CIGAAL AIRPORT waxa ku yaala caantarool weyn oo ay maamusho dawlada iyo ciidamada boolisku waxaana xaga sare ee sagbada ku muujisan SOMTEL INTERNATIONAL COMPANY ana waan eegay dhawr cisho ka dibna  hadana waabu ku yaala anoon ka xumayn shirkadu inay isku xayaysiiso ayaa  hadana waxaan jeclaystay in lagu muujiyo magaca iyo calanka somaliland iyo sawiro ka turtmaya sidii somaliland lagu xoreeyay si dadka soo galaya dalka ay indhaha ula raacaan , somaliland waxa markasta yimaada wufuud aad u kala duwan kuwaasina  way yaabayaan markay arkaan somaliland  oo meelaha shaarica ee laga soo galo dalka aanay ku qornayn magaca iyo calanka somaliland.

Waxaana wanaagsan in meelkasta oo dalka laga soo galayo ama caantrool ah  lagu muujiyo magaca somaliland iyo calanka  iyadoo waliba lagu qorayo WELCOME SOMALILAND taasi waxay ku tusaysaa in la soo galay  magaalo aad u qaabaysan.

Waxaan hadalkayga ku soo afmeerayaa   oo aan kula talinayaa dawlada iyo cidkasta oo ku shaqo leh xayaysiinta boodhadhka dawlada  inay arinkaas wax ka qabtaan oo meelkasta oo dalka laga soo galayo lagu muujiyo magaca iyo calanka somaliland si cidkasta iyo dawlada kastaaba arkaan dawladnimadeena iyo jiritaankeenaba.

 

Wabilaahi tawfiiq

More about me

 Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

  Email: farxaanmxd@gmail.com 

  TELL: 252263–4400319

   Hargeisa

   Skype: Farxaan.mxd

   Face book: rakad mxd sultan

   Social activist

   Thank you all

   Post number:  RP93