Salaadiin iyo Cuqaal ku Eedeyey Edna Aadan in ay Qoys danyar ah ay ku haysato Dhulkoodii.

0
151

1 2 3 4 5 6 7Hargeysa(Waaheen) Salaadiinta iyo Cuqaasha deeganka Koonfur galbeed ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa cabasho weyn ka muujiyey Dhibaato iyo xadhig  ay sheegen in ay ku hayso Edna Aadan Ismaaciil wasiirkii hore ee Arrimaha dibada Somaliland  dad Dan yar oo degen Buurta Xunshalay ee xaafada Ishaboorama.

Sidaasi waxay ku sheegen Shirjaraa’id  oo ay  Maanta qabteen Cuqaasha iyo Qoyska ka cabanaaya Edna Aadan iyaga oo si wadajir ah Baaq ugu diray Xukumada Somaliland oo ay ka codsanayaan in ay Arrinta meesha taalla Soo farogaliyaan  intaanay nabadgelaydu faraha ka bixin.

Waxa kale oo ay Taliyaha Booliska Somaliland ku eedeyn in uu dhibaatada meesha taalla uu si hurinaayo dhincana uu la saftay  madama oo ay sheegen in uu illaa hatan u xidhan yahay nin muwaadin ah oo la yidhado Buraale Aw Aadan, waxayna ugu baqeen in muwaadinkaasi xoriyadiisa usoo celiyaan.

Suldaan Ismaaciil Cabdi Muxumed oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhulkan ay iska leeyihiin qoyska degen, Adna Aadana meesha ay sheeganayso ay tahay meel ka durugsan iyaga oo xusay in dhul badanina uu u dhexeyo  waxanu yidhi. “Aniga oo ah Suldaanka Ayuub waxan halkan ka cadeynayaa in Marwo Adna  Aadan halkan reerku degen yahay in aanay Shaqo ku lahayn, Wakhtigii ay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland ay ahayd uunbay sheegtay, laakiin dhulkii Adna  iyo raggii kale isku haysteen  uxu ahaa  Dhulkaasi taaga ee Shishe, labbadan meeloodna  wax u dhexeye Dhul badan, waxase nasiib darro ah in ay Adna ay  sheegto dhul aanay lahayn oo ay leeyihiin dad masaakiin h, wax taasi ka siidaran in ay haaddan u awood sheegto  oo ay dulmi kula dhaqaaqdo iyada oo adeegsanaysa lacag, kadibana Booliskii wadanka dadkii ku soo dirtay oo y xidhan yihiin qaar ka mid ah reerkii halka laga soo dayey islaan iyo odey gaboobay oo ay xidhatay, Taliyaha Booliska waxan leeyahay taliye waxaad haysaa  Xil qaran  laakiin marka aanu aragnay Niman Kabtano ah oo sandaqadahaygii nagu hasta oo aad adigu soo dirtay, waxaanu u qaadanaynaa si kale ee taliye wax ka qabo arrintaasi, waxa nasiib darro ah in aanay Edna Aadan aanay Sharci wax ku dooneyn ee ay Xoog waxa ku doonayso, hadaba waxaan Baaq u dirayaa Xukumada Somaliland iyo cid kasta oo nabad jecel in ay arrintaasi soo faro galiso.”Ayuu yidhi.

Caaqil Cabdilaahi Raabi Cadami oo isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Adna Aadan ay Qoyska halkan degen ay u awood sheegtay  reerkii dhulka lahaa ay ka dhigto qaar ay xidho iyo qaar ay barokiciso taasina ma ah mid loo dulqaadan karo,  wax taasi ka daran in ay Adeegsanayso ayuu yidhi Booliskii Somaliland, waxaanu baaq u diray Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Dawlada hoose in ay Arrintaasi soo dhex galaan si aanay dhibaato weyni uga dhicin, wax kale oo uu sheegay in dhulkan ay waligoodba ay qoyskani lahayeen cidin aanay wali ku qabsan, basle nasiib daro ay tahay in maanta Edna ay ku qabsato reer ka Dan yarta ah dhulkoodiii oo waliba ay u awood sheegto.”Ayuu yidhi.

Caaqil Aw Khadar Xassan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhulkan lahaanshiisi uu ogaa oo ay lahaayeen Qoyskaasi degen, waxaanu sheegay in Dulmi laga galayo reerkan waxaanu Edna aadan ugu baaqay in ay dhulkaasi faraha kala baxdo oo cidi leh u dayso iyadun soonaha hore dadka isku haysan jireen ku ekaato.

Xaliimo Gaboobe  Nuur  ayaa sheegtay in Booliska Somalialnd ay xidheen mudona ay ku xidhnayd Xabsiga iyadoo  xustay in anay garan sabab lagu soox xidihay, basle waxay sheegtay in dhulkan iyagu leeyihiin cid kale oo lahin ay jirin Edna Aadan ay dulmi ku hayso oo dhulkoodii ay ku soo doonatay,

waxayna tidhi “Aniga way I xidheen waxayna igu yidhahdeen maadiga leh Guryahan Jiingadaha ee ka dhisan meesha, waxaanu ku  idhi aniga leh, markii ay isoodaayeen waxan  ku idhi Wiilkaygiina ii soo dayaa Miyibu ka yimid oo meeshanba kala garan mayee wali inankaygii uu u xidhan yahay, taasi waa Dulmi ay nagu hayaan Booliska iyo Gabadh Edna la yidhado.” Ayey tidhi Xaliimo.

Waris Cumar Axmed oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in dhulkan lagu hasto uu yahay mid iyagu ay leeyihiin, waxayna Xukumada ugu baaqday in ay cadaalada ilaaliso oo dadka dulmiga wada dadka ka qabto.