Qiimaha Sarrifka Doolarka oo dib u laba kacleeyey

0
65

Hargeysa(Waaheen) Qiimaha Sarrifka Dollarka ayaa kor u yara kacay maalmihii ugu danbeeyey waxaanu ku sii siiqayaa toddoba Boqol oo Kun boqolkii Doolar.

Lama garanayo sababta kor u kaca sarrifka oo maalmahan hooseeyey keentay hase yeeshee waxa laga dareemayaa Sayladda Lacagaha qalaad in uu halkii laga soo celiyey dib ugu noqonayo.

Sara u kaca iyo Hoos u dhaca qiimaha Doolarka ayaan inta badan loo heli sabab rasmi ah oo keenta, marka laga reebo baahida Suuqu kolba sida ay tahay oo ah furaha ugu wayn ee keenta hoos u dhaca iyo kor u kaca kolba lacagta Suuqa ku soo badata ama ku yaraata.

Mararka qaarkood ayaa loo aaneeyaa Sarriflayaasha Jeebad weynta ah oo iyana kolba Urursada lacagaha Dalka laga isticmaalo gaar ahaan Doolarka iyo Shilling Somaliland-ka waxaanay kaydiyaan kolba ta ay isleeyihiin way idiin qarxaysaa.

Si kasta ha ahaatee sicirka Doolarka ayaa kor u kacay isagoo wali baaxaa degaya oo kolna kor u kacaya kolna hoos wallow xukuumaadu mararka qaarkood sheegato hoos u dhaca in ay samayso marka ay lacagaha qaarkood saylada geyso.