Milicsiga Dharaartii Dharaaraha 33-Guurada SNM: 6/4//1981kii – 6/4/2010ka

0
340

 

snm   (Shirweynihii 4aad ee SNM: Jigjiga 1984kii)

“Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade,

Ganbo-xoorka waayaha haddii, laysu minan-guursho,

Dad uun baa ma-guurtada lahaa, goobihii baxaye,

Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide,

Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede,

Nin uun baa guddoonshee xil waa, laysu gororshaaye,

Galladduna waxay saaran tahay, wax isu geygeyne,”

 

Gudgude, Hadraawi, 1990kii,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, www.dharaarao.com,

 

6/4/2014ka, Hargeysa,

 

Qormadii: 1aad

 

Ma Axmed baan ahaan jirin Guddoomiyaha SNM? Ma maanta ayaanu Madaxweyne ka ahayn JSL? Mise rimaygu-ka-soo-dhacdan taariikh ah ayaa been sheegaysa oo maanta ayaanay taariikhdu ahayn 6dii Abriil? Ninkii hadlayaaba ha iska hadlee, alletylehe waa dharaartii dharaaraha iyo maalintii dhalatay SNM.  

 

Waa Dharaar…..Waa Dharaar ka mid ah Dharaaraha ugu mudan dharaaraha ay shacbigu tirsadaan. Waa Dharaar aynu ka yeelannay dharaarihii jaan ee uu inagu qasbi jiray nidaamkii inagu habsaday. Waa Dharaartii aynu ka hor geynay maalintii aynaan mahadin ee 21kii Oktoobar ee 1969kii. Dharaartani waa Dahraartii aynu ku ballaysinnay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee aynu ku soo dhacsannay gobannimadeennii iyo madax-bannaanideenniiba. Dharaaruhu iskuma jiraane, waa 6dii Abriil. Weliba waa saddex iyo soddon- guuro. Saddex iyo sodoongaal iyo labaatan sannadood oo isugu jira: toban sannadood oo halgan hubeysan ahaa iyo laba iyo soddon sannadood oo ahaa: dibuheshiisiin, hub-dhigis, nabadayn, dibudhis iyo horumarba. Guure iyo galab-carrowba geeddiyaal badan ayaa la soo gooyay; welina fari kama qodna. Meel Ilaahay lagu mahadiyo waa aynu joognaa, in kasta oo ay wax badani inoo dhiman yihiin.

 

Waa Dharaar aan si fudud oo aan xus iyo xusuus lahayn inagu dhaafi karin. Waa Dharaar aynaan dhayalsan karin. Waxay ila noqotay in aanay Dharaartani si fudud igu dhaafin. Haddii aanay maanta dhisnayn Urur iyo Golayaal xuskeeda hidiyaa, waxa nool xubnihii xarakaddan ka tirsanaa, ku soo halgamay, hoggaaminteeda qayb ka ahaa amaba ku dhex dhashay oo ku soo dhex barbaaray. Waa Dharaar hiilkeeda iyo ma-huraankeeduba badan yihiin.

 

Bal hadda aan ku yar hakado Dharaartan iyo tagtadii SNM-ba. In badan ayaa ku doodda aniga/annaga ayaa SNM samaynay ama aasaasnayba. Marka sidaa loo hadlayo waa qof ama waa kooxba. Mar kale ayay dadkaa SNM aasaaskeeda sheeganayaa dibad iyo gudeba u kala baxaan. Marar kale ayaa aasaaska SNM ay isku qabsadaan magaalooyin. Marar kale qaarado ayaaba ku murma oo marna Afrika ayaa laga sheegtaa, mararna Khaliijka mararna Yurub oo ay London hormood u tahay.

 

Horaa loo yidhi: Maan rag waa mudacyo afkood. Qofba si haddii uu aasaaskii SNM ugu muuqday, anigana sidan ayay ila noqotay oo aan ka wadi waayay in aan SNM u sharxo:

 

“SNM waxay ahayd xarakad ama dhaqdhaqaaq shacbiya oo hubeysnaa oo ka dhashay dareenka bulsho ama shacbi ka gilgishay cadaadiskii iyo xasuuqii  Nidaamkii Siyaad Barre, shacbigaas oo ku kala noolaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba. SNM waxay ku barbaartay dareenkii u kala gudbayay: Hargeysa, Burco, Muqdisho, Khaliijka, London iyo meelo kaleba. Ma jirto cid ama magaalo gaar ahaan keligeed u sheegan karta SNM. Ciidankii unugga ahaa ee ugu horreeyay ee SNM waa Guutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey ee Jabhaddii Soomaali-Galbeed. Saldhiggii ugu horreeyay ee SNM wuxu ahaa Durya. SNM iyo aasaaskeediiba waa ay ka weyn yihiin wax qof, koox ama magaaloba sheegato. SNM waxa ahaa qof kasta oo aamminsanaa mabaadiida iyo ujeeddooyinka Ururka oo si dadban ama si toosanba gacan uga geystay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. SNM ma ahayn oo keliya intii tallowday ee ku hawlanayd dagaalkii hubeysnaa, bal se waxa iyaguna SNM ahaa intii halista daaqaysay ee si dedan iyo si daalacanba dalka gudihiisa uga adeegaysay, halgankana tabantaabinaysay. SNM waxa ahaa intii dibadaha ku sugnayd ee af iyo addinba halganka kaga qayb-gashay. Waxa aan marnaba bogagga taariikhda ka tirmeyn kaalintii xurmada iyo qaddarintaba lahayd ee ay raacatada iyo beeralayduba ka qaateen halgankii hubeysnaa ee SNM horseedka ka ahayd. Waxa kale oo lama-illaawaan ah doorkii xurmada iyo xusuustaba lahaa ee ay haweenku ka qaateen qaybihii kala duwanaa ee halgankii hubeysnaa. SNM waxa  laf-dhabar u ahaa oo intii ku shahiidday iyo intii ku dhaawacantayba u badnaa dhallinyarada. Waa gef iyo meel-ka-dhac aragtida ah in qof kasta oo Isaaq ahaaba SNM ka tirsanaa. Haddii ay SNM taageerada iyo kaalmada ugu badan ka heli jirtay Isaaqa, waxa kale oo iyaduna hubaal ah in wax-yeello badanina qaar badan oo beeshaa ka mid ah ay Ururka ka soo gaadhi jirtay.”  

 

(la soco…………………………………)