Haboon Deeqa ayaa Qayb Cusub ka furatay Magaalada Hargeysa.

0
979

11Hargeysa (Waaheen)Munaasibada furitaanka oo ahayd Si heer sare ah loo soo agaasimaha ayaa lagu qabtay Xarunta Cusub ee ay Haboon deeqa ka furatay magaalada Hargeysa oo ku taala Suuqa Hoose ee Hargeysa waxaana Goob joog ka ahayd Mulkiilaha Company-ga Haboon Deeqa Haboon Jaamac Xasan iyo Gudoomiye-yaasha Suuqyada Gobanimo iyo Waaheen iyo Marti sharaf kale.

Qaybtantan Cusub ayaa waxa si wayn u soo dhaweyey, Dadka ka Ganacsada Badeecadaha ay Haboon Deeqa Dalka Keento waxayna sheegeen inay aad ugu farax sanyihiin in ay Dalka ugu keentay alaabtii ay dibada ka soo diri jirtay, Gudoomiyaha Suuqa Waaheen  Maxamed Ibraahin Dubad, furitaankii halkaa Hadalo koonan ka jeediyey ayaa ku amaanay Haboon deeqa inay Caasimada Somaliland ee Hargeysa Qayb Cusub ka furato kuna soo dhaweeyey waxaanu sheegay inay Wada shaqayn Ganacsi oo fiican dhexmari doonto.

Dhanka kale Axmed Cabdi Iimaan oo ka socday  Masno ayaa isaguna aad u soo dhaweeyey Branch ka Haboon Deeqa ee Hageysa kuna amaanay inay Dalka timaado halkii hore Dubai loogu doonan jiray Alaabta.

11

Mulkiila Haboon Deeqa Haboon Jaamac Xasan oo munaasibada Furitaanka Qaybtan Cusub ka Hadashay ayaa sheegtay inay aad ugu farax santahay inay Caasimada Somaliland ee Hargeysa ka furto Qayb ka mid ah Dukaanadeeda Waaweyn ee ganacsi, iyadoo sidoo kalena sheegtay inay aad u soo dhaweeyeen Ganacsatada kala duwan ee suuqyada Hargeysa.

33

Qaybtan cusub ee Hargeysa laga furay ayaa waxa isla markiiba soo buux dhaafiyey Dadweyna aad u tiro badan oo dalab kala duwan ka doonayey, iyadoo markii ay munaasibada furitaanku dhamaaday si habsami ah dadweynuhu ugu sii quq qulayeen.

77 66 55 44 11 22