GABAYGA CAYNAAN.

0
58

GABAYGAN WAXA TIRIYAY C/LAAHI MAXAMED ROOBLE (SAYDHIYE)

GABAYGAN WAXA LA YIDHAAHDAA CAYNAAN.

GABAYGANI WUXUU SI MUGLEH U TAABANAYAA XUKUUMADA UU MUDANE: AXMED MAXAMED MAXAUUD SIILAANYO HOGANKA KA Y AHAY.

GABAYGANI WAA GABAY KU SALAYSAN WAAQACA IMINKA LAGU JRO.

 

 

BISMILAAH.

Calaacalaha iyo ruugagiyo cagaha foodooda

Carada wajiga iyo sankiyo xubin kastoo caana

Ilaahayo casiisaw adaan ciida kuu dhigaye

Adigaan waxaan kaa codsado iga cilaynayne

Ictiraaf nasii ilaahow caadil baad tahaye

Cadaan iyo madaw uunku wuu ina ciseeyaaye

Ictiraafka Somaliland caalamkaa jecele

Cadaaladi hadii ay jirtaan cidina diidaynin

Hadii calanka Somaliland cudud la siinaayo

Cadaawaa ka raba yaan iblays caagad kuu tumine

Calankooda nimankii ka riday cadawga qaadaya

Ee caara dhuubtiyo la dhacay cagayarow faalka

Ee curubta Somaliland way cajabiyeene.

Aabihii dadwaynuhu calmaday caadil barakeeye

Dariskii caduu caawiyoo nabadu ciil beeshay

Oo uu cadaalada u xukumay qaranka ciideena

Cimrigii jiryow waa hogaan curiyay taariikhe

Shantii sano haduu ceeb tiroo caalaq laga waayay

Cadawgii jabyow waa hogaan loogu celyaaye

Carabkayga eebow u qaad caadil baad tahaye

Ciidaad maraysiyo halkii caga aad saartay

Cidhifyada dalkeenu hadaan caalamkaba gaadho

Caleemo qoyan iyo nabad gelyaa caadil kuu dhigaye

Cirshiga iyo kursiga inuu ilaah inaga caynteeyo

Caqiidada inuu uumiyaha caadil garan siiyo

Inuu calanka Somaliland cadaw ka dheereeyo

Allahayow adaa caadilaan kaa codsanayaaye

 

Lasoco qaybaha danbe