Gaadiidlayda qaarkood oo ka cabanaya Naafto xabag leh

0
108

Ciladii hashkada ee laga raystay ee taangiyada wasakhaynaysay oo la arkay

Hargeysa(Waaheen) Gaadiidlayda qaarkood ayaa bilaabay cabasho la xidhiidha in ay ka dareemeen gaadiidkooda Hashkad iyo Cilad dhawaan saamayn jirtay gaadiidlayda Isticmaasha Naaftada kuwaas oo khasaare balaadhan kala kulmay Mishiinada lagu shubo iyo kuwa gaadiidkadaba, basle markii ay Dalka wada saamaysay laga joojiyey nooca shiidaalkaasi ahaa Dalka oo dhan.

Shiidaalkan illaa hada Shirkadda keentay lama yaqaan hase yseehee waxa uu u muuqdaa in Naaftada noocaas ahi dhawaan Dalka ku soo noqtay, isla markaana ay ka timi baadhis la’aanta Shiidaalka Naafatada ah taasoo aanu gabi ahaanbna Somaliland ka jirin shaybaaddh lagu baadhaa.

Khasaaraha shiidaalkani keensanayo ayaa ah mid balaadhan oo saamaynaya Mishiinka oo dhan, waxaanad ku war helaysaa gaadhigii oo qiiq xaga danbe ka tuuraya, Leewarka aan qaadanayn isla markaana Hashkadaynaya, waxaanu gaadiidka qaarkood ku keenaaba in la tuuro, halka qaarkood laga sifeeyo.

Shiidaalkan wasakhaysan ayaa loo badinayaa in uu leeyahay Biyo iyo xabag kuwaasoo gaadhiga awood tiraya, halka marka naaftada caadiga ah lagu shubo aan laga dareemay wax dhibaato ah, waxaana loo aanaynayaa dhibaatadan Ganacsatada keenta oo qiimo jaban ku soo hesha, iyo Xukuumadda oo aan lahayn qalab ay ku baadho marka Dalka la soo galinayo.