AWOOD QEYBSIGA DEGMADA CEEL AFWEYN OO DHINAC BEELEED U JANJEEDHSAMAY.

0
304

Degmada ceel afweyn waa deegaan balaadhan oo istaraajiyaa,waxaana dega,seddex beelood,oo kale ah,IIDLE BICIIDE,FAARAX BICIIDE,IYO BEESHA SACAD YOONIS QEYB KA MID AH,

Sidaa daraadeed,dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxaa uu dhigayaa,in cid waliba meesha ay degan tahaye ee deegaanka ah iyo dalkaba ay ka hesho xuquuqda muwaadinimo ee aasaasiga ah.

Hadaba,waxaa labaatankii sano ee u denbeeyeye,degmada ceel afweyn ka jirey,dulmi balaadhan oo saameeyeye,beesha iidle biciide, beeshaas oo ah beelaha qadiimiga ah ee degmada ceel afweyn,ayaa waxaanay ilaa hada haynin,xaquuqdii ay ku lahaayeen degmada iyo waliba dalka,sida xilalak degmada u sareeya sida,maayarka,kuxigeenka,xoghayaha dowlada hoose,ciidanka,iskuduwayaasha,sidaa daraadeed xilalkan waxaa bursadey beesha farax biciide,iyo inta sacad yoonis ee deegaanka ah.

Hadaba iyada oo ay beesha iidle biciide dhowreyso jirtaanka jamhuuriyada Somaliland,dastuurka u yaala dalka,iyo dimuqraadiyada,waxa ay ogeysiinaysaa xukumada dhexe ee uu hogaamiyo madaxweynaha,ahmed Mohamed siilanyo,inaanay degmada ceel afweyn ku haynin xaqii dasruuriga ahayd ku ahaynin degmada iyo xukumada dhexeba,sidaa daraadeed beeshu waa ay samreysay waxaanay dhowreysay jirtaanka qaranka Somaliland.

Waxa kele oo aanu madaxweynaha la sodsiinaya in komishankii u horeeye ee dalku ka galay dulmi balaadhan beesha iidle biciide.

· Dulmigaas oo ah sidan hoos ku qoran.

· Degmada ceel afweyn waxaa ay xukuntaa 33 goobood,

· Beesha iidle biciide waxa ay degtaa 10 goobood oo caan ah

· Goobaha oo ah.

· BIXIN

· INQARAX

· SIRAAD

· BIYO DHACAY

· DHABAR DALOOL

· GARUUBLE

· SUUFDHEERE

· KARIN BIYOOD

· JAD

· DARA LA MOOD.

Komishankii u horeeye ee dalku waxaa uu beesha ku sameeyeye musuqmaasuq balaadhan oo ku salaysay dhinaca goobahan sare ku xusan,isaga oo kansal gareeyeye 6 goobood oo ka mid ah goobahan sare ku xusan, una qaaday goobe kale oo aanay beeshu deginba,una soo reebay beesha 3 goobood oo kaliya oo ay foodka ka dhiibtaan farriintaa waxaan u direyaa madaxweynaha qaranka iyo komishanka haatan jira in ay hoos u eegaan degmada ceel afweyn,waxaan si xushmad iyo qadarin leh uga codsanayaa komishanka haatan in loo soo celiyo goobihii hore looga duudsiiyey beesha anigoo dhowreyna dastuurka iyo jiritaanka Somaliland,dhismaha dowladnimo ee dalka,doonayanana xuquuqdii aanu ku lahay degmada hadii ay noqto goobo iyo xilalaba.

Waxaa xukumada haatan jirta markhaati ugu filan markii ay dhacaysay diiwangalintu ee wasiirka madaxtooyadu ku sugnaa degmada,goobta GARIN BIYOOD dagaalku kadhacay,waxaa la soo jeediyeye in goobtaa loo qeybiyo A IYO B,waxaa komishankii hore ka suurtagali waayeye,in goobta GARINBIYOOD laga dhigo A IYO B,waxaa ka suurta gashay in laga dhigo hal goob oo kaliya goobtaasina aanay ahay goob u dhaxaysa dadkii,cid gaarina qaadato oo kale tagto goobtii dadka u dhaxaysay.

 

Haddaba waxaanu codsanyaa ,hadii ay noqoto komishanka iyo xukumada dhexeba in loo soo celiyo goobahaa musuqmaasuqu ka dhacay beesha iidle biciide.

TALO SOO JEEDIN

Ø In loo diro gudi xaqiiqo raadin ah,oo ogaata arrintan aan ka hadlayo.

Ø Oo isku dhaf ah ,komishanka qaranka iyo xukumada dhexe.

Ø Salaadayiinta dhaqanka ee beelaha kale ee Somaliland ee dalka.

Hadii la tixgalin waayo maqaalka aan warbaahinta u marinayo komishanka qaranka iyo xukumada dhexaba in aanay doorasho ka suurtagalaynin goobahaasi beeshuna aanay diyaar u ahayn ,ilaa hoos loo eegayao xuquuqda goobohooda.

 

ALLAH MAHAD LEH

Aqoonyahan,Abdirizak alyoos

Email.ALyoos87@hotmail.co.uk