Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) Ayaa Maanta Qalab Kala Duwan Soo Gaadhsiiyey Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco

0
98
DSC02959 Burco(Waaheen) Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco  ayaa Saaka Qalab Farabadan gaadhsiiyey Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco, Qalabkan oo ugu jiray qaybaha kal duwan ee caafimaadka ayaa Xildhibaanku waxaa uu kasoo qaaday Wadanka UK oo uu dhawaansafar ku gaadhay islamarkaana ay soo dhibeen Jaaliyada Somaliland ee Manchester  uguna deeqeen dalkooda hooyo.
Wareejinta Qalabkan waxaa goob joog ka ahaa  Gudoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer  Maxamed Maxamuud Yuusuf Ubaxle  Maayir ku xigeenka Degmada Burco  Muxumed Xasan Jaamac Xoday  Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer Dr Cabdi Yaasiin  Masuulliyiinta Cisbitaalka guud ee Burco isuduwaha Wasaarada  Waxbarashada Gobolka Togdheer Cabdi Axmed Siciid  iyo masuuliyiin kale .
Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay  Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi  kana warbixiyey  Qalabkan kala duwan  ee uu saaka ku wareejinaayo Cisbitaalka guud ee Burco waxa hadaldiisi ka mid ahaa”alaabtani waxay ka koobantahay noocyo kala duwan oo qalab caafimaad oo tiro bada,waxanay ka mid ahayd alaab kala jaad aha oo aan dalka uk ka keenay,  waxa kale oo uu sheegay inuuu kasoo qaaday wadanka UK gaar ahaan Muwaadiniin jooga  Magaalada Mancherster ee Cariga Ingiriiska  ayna ugu talo galeen inay gaadhsiiyaan Wadankooda hooyo si wax loogu qabto dadkooda, Xildhibaan bidhi ayaa sidoo kale sheegay inay alaabtu kusoo jirtay safar  haatana ay dhawaan soo gaadhay  Dalka maantana ay ku wareejinayaan qeybteedii hore Cisbitaalka burco islamarkaana ay jiraan  qeybo kale oo hadhay oo soo socda kuwaasna lagu wareejin doono cidii kale ee ay khusayso.
DSC02975
Mr Bidhi oo sharaxaad ka bixinaayey Agabkan  ayaa sheegay inay alaabtani badantahay islamarkaana isugu jirto  qalab Caafimaad, Waxbarasho, Sports  iyo kuwo Loogu talo galay Caruurta Derbijiifka  uuna dhawaan samayn doono Xarun balaadhan oo lagu xarayn doono Caruurta Derbijiifkaa, Waxaana uu mahad baladhan usoo jeediyey cidkasta oo ka qeyb qaadatay suura gelinta Alaabtan  isagoo si gaara u xusay dadkii uu kasoo qaaday  iyo sidoo kale Maamulka Dekeda berbera uu sheegay inay qeyb weyn ka qaateen  soo degitaankeedii iyo Wasaarada Waxbarasahda ee Gobolka Togdheer, Xildhibaan Mubaarig ayaa hoosta ka xariiqay inay balan qaadkiisi  ka mid ahayd inuu isku xidhi doono Gobolka Iyo Qurba jooga si loo horumariyo Degaanka Togdheer.
Maayir ku xigeen Degmada Burco  Mudane Xoday  iyo Dr Cabdi Yaasiin oo ah Isuduwaha Caafimaadka Gobolada Bariga Somaliland  oo iyana  Goob joog ka ahaa Wareejinta Alaabtaasi saaka lagu wareejinaayey Cisbitaalka burco  ayaa qurba jooga Somaliland ku amaanay doorka waxqabad ee ay ka qaataan horumarinta dalka, isagoo sheegay in Dhakhtarka Burco ay dib u habaynta  ugu weyn ay sameeyeen Qurbajooga reer burco   islamarkaan ay saaareen Jiingada iyo Agabka lagu shaqeeyo, waxaan  uu dhankiisa mahad usoo jeediyey Xildhibaan Mubaarig Bidhi.