“Wasiirka Caafimadka Aniga ah oo wasiirku-xigeenkayguna maydiidin wax aan saxeexay ee waa Kutidhikuteen.”Wasiir Xaglo Toosiye.

0
84

xagloHargeysa(Waaheen) Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Saleebaan Axmed Ciise (Xagla-Toosiye) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in uu Dr. Macaw siiyey warqad ogolaanshiyo ah oo uu dalka kaga bilaabi karo baadhitaan caafimaad, waxaana uu sheegay in warqada uu Dr.Macaw uu u qoray ay ahayd mid ku saabsan in loo fududeeyo imaanshihiisa dalka.

Wax kale oo uu beeniyey In Khilaaf u dhexeyo isaga iyo Wasiir ku-xigeenkiisa Marwo Nimco Xussen Qawdhan oo warbaahintu qoreysay in khilaaf weyni uu u dhexeyo shaqadana uu wasiirku ka joojiyey, waxaanu hoosta ka xariiqay in aanu shaqo wasiirKu-xigeenkiisa aanu ka joojin.

Sidaasi wax uu ku sheegay mar uu maanta ka soo baxay Kulan albaabadu u xidhnayeen oo uu la yeeshay Guddida joogta ee Golaha wakiilada oo wasiirka ugu yeedhay si ay wax uga ogaadan hawlaha kala duwan ee wasaradu qabato.

Wasiirka oo ugu horeyn ka hadlay warar sheegeyey in uu uu rusqad siiyey Dr.Macow oo muran ka taagan yahay ayaa wax uu yidhi. “Dr.Macaw anigu warqad uu wadanka  kaga hawl galo oo uu kaga shaqeeyo  umaan qorin, waxaan qoray warqad aan kaga codsanayo, cida ay khusaysaba in loo fududeeyo dhakhtarkaa imaanshihiisa, Door ka Wasaaraduna maaha in ay dhakhaatiirta dibada ka imanysa ay siiso ogolaanshiyo ay ku shaqeeyaan, doorkaa waxaa iska leh Komishanka Mihnad layaasha Caafimaadka oo ah Haayad digreeto Madaxweyne ku Magacaaban, Warqadaas waxaa ku qoran dhakhtarkaas oo waliba takhasuskiisa been layga sheegay oo laygu yidhi waa dhakhtar dumar oo iminaya halkana shaqo u imanaya in loo fududeeyo imaatinkiisa..”.Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku

Dhanka kale wax uu wasiirku Beeniyey in uu wax khilaaf ahi uu ka dhexeyo isaga iyo Wasiirku-xigeenkiisa waxaanu yidhi. “Waxba kama jiraan arinta sheegaysa in Wasiir ku xigeenku ay diiday oo ay intaan wax ogalaaday ay iyadu diiday waa waxyaabo ku tiro ku teena oo meelahaa laga yidhi,wax ka jiraana ma jiraan,Wasaaradana aniga ayaa Wasiir ka ah Maandhaytka uu Madaxweynuhu igu Magacaabayna anaa leh, wax aan anigu ogalaadayna Wasiir ku xigeen ma diidi karto waa sheekooyin aad meelahan aad ka samayseen qoladiinan saxaafadu oo runtii kutiri kutiriteenta aadka ugu badan”