Midowga Yurub oo dhinaca Korontada ka caawinaya dalalka Afrika qaarkood

0
93
downloadGuddiga ururka Midowga Yurub ayaa qorshihii ugu horreeyay oo korontada looga taageerayo ku dhawaaqay, iyadoo taageeradan laga fulin doono dalalka ugu faqrisan Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto.

Midowga Yurub ayaa sheegay in mashaariicdan ay ku bixinayso 95-milyan oo Euro, waxaana mashaariicdan oo ah 16 laga hir-gelin doonaa dalalka Afrika, iyadoo lagu gaadhsiin doono korontada meelaha magaalooyinka ka baxsan, si ay laba milyan oo qof u helaan koronto joogto ah.

Mas’uuliyiinta Midowga Yurub ayaa ku tilmaamay mashruucan inuu yahay mid soo kordhin kara in dadka deegaannada miyiga ah ku nool deggen ay helaan koronto ka saacidda dhanka helida adeegyada caafimaad, horumarka bulshada iyo arrimo kale.

Waa tallaabadii ugu horreysay oo mashaariic koronto lagu siinayo dad malaayiin ah laga hirgeliyo Afrka, waxaana la sheegay in qorshahan oo ah mid la shaqeynayay in todobaada sano ee soo socota ay laba bilyan oo qof oo Afrikaan ah ay koronto joogto ah helaan.

Dalalka la doonayo in laga hir-gelinayo mashaariican koronto gelinta ah ayaa waxaa ka mid ah: Soomaaliya, Burundi, Laybeeriya iyo Maali, iyadoo dalalkaas ay u noqon doono faa’ido wanaagsan.

Meelo badan oo qaaradda Afrika ka tirsan ayaa waxaa ka jirta dhibaato dhinaca Korontada ah, iyadoo tani ay noqonayso mid ka caawin karta shacabka Afrikaanka ah koronto la’aanta dhibaatada ku haysay.