Beesha BAHA DUQSI ( Ciidagale) oo Bayaan iyo Baaq wada jira u diray Madaxweynaha iyo Shacabka Somaliland.

0
143

Bayaan:  Shirka Aqoonyahanka Beesha BAHA DUQSI ( Ciidagale) oo Bayaan

iyo Baaq wada jira u diray Madaxweynaha JSL, Shacabka Somaliland oo
isku Duuban ayaa Go’aansadey in ay dhistaan qaran madax banaan oo ku
qotoma cadaalad iyo sinaan bulshadu ka simantahay, Haddaba sida
dhaqanka iyo caadadu tahay, waa hab dhaqan siyaasadeed in xukuumad
kasta oo Somaliland majaraha u qabataa ka turjunto guud ahaan bulshada
waajibna ay tahay cidkastaa iska dhex aragto.


Haddaba madaamo cadaalada iyo sinaanshuhu saldhig u yihiin wadajirka,
wax wadaqabsiga iyo horumarka bulsho kasta waxa waajib ah in ay
xukuumaddu ilaaliso xuquuqda muwaadin kasta oo xaq u leh in la doorto
isaguna cid doorto, guud ahaana hab-maamulka jira uu ka qayb qaato
talo iyo tusaalaba.


Beesha BAHA DUQSI (Ciidagale) oo ah beel balaadhan oo mug iyo miisaan
ku leh Somaliland degena gobolka Maroodi-jeex ayaa kulan ay yeeshey
Aqoonyahanka iyo waxgaradka beeshaasi waxey isla waafaqeen dood iyo
falanqayn dheer ka dib in cadaalada darro xaga maamulka ah ay kala
kulmeen xukuumadda Madaxweyne Ahmed maxamed maxamud Siilaanyo oo haba
yaraatee aaney ku lahayn wax xil iyo mansab ah oo beel ahaan codkooga
iyo cudooda midna ku metela. Haddaba isagoo Madaxweynaha qaranku
dhismihii ugu horeeyay u gartay beeshan Mareeyaha Hayada Korontada,
waxa nasiib daro ah in laga qaadey balse aan waxba loogu bedelin
saamigii ay xukuumada ku laahaayeen ku darsoo iyadoo muddo badan
beeshu ilaalinaysa milgaha iyo sharafka qaranimo waxay go’aansadeen
aqoonyahanka iyo waxgaradka beeshu in ay Baaqan qodobaysan u diraan
Xukuumada dalka ka jirta gaar ahaan Madaxweynaha oo isaga taladdu ka
go’do , baaqan oo ah mid ka turjumaya baadigoobka saamigii beeshani
xaqa u lahayn cidna ayna uga marti ahayn balse ay is tustay inay
madaxweynaha qaranka oo codkooga ku fadhiya si toosa u gaadhsiiyaan,
 Haddaba Qodobada bayaanku waa sidan hoos ku xusan.
1.             Beesha BAHA DUQSI ( Ciidagale) waxay heegan u tahay ilaalinta
Midnimada iyo Nabada Qarankan oo ah bud-dhiga maamulka jira, xil iyo
waajib saarana ay ku tahay u tanaasulka guud ahaan waxa bulshada ka
dhexeeya.
 
2. Aqoonyahanka Beeshu waxay cod dheer ugu baaqayaan in ay
Madaxweynaha iyo Xukuumada Kulmiyaba uga fadhiyaan Saamigii
siyaasadeed ee ay xaq u lahayeen, iyagoo garwaaqsaday in xaq wixii
codkooga iyo cudoodu u goyeen ay wali ka maqanyihiin.
 
3. Waxaan madaxweynaha ugu baaqaynaa in uu aad ugu fiirsado awood
qaybsiga beelaha ee hada jira oo mudan in beel kasta waxay xaqa u
leedahay hesho, sida ugu dhakhsaha badana aanu u dareeno isbedel ku
qotoma cadaalad iyo sinaan oo ah waxa umadda deeqi kara.
 
4. Aqoonyahanka iyo Waxgaradka beesha BAHA DUQSI waxay xaq u
leeyihiin in ay ka tashadaan Aayahooda siyaasadeed, hadii xukuumada
maanta jirtaana ay iska dhex arki waayaan danahooda wax wal oo
masiirkooda siyaasadeed damaanad qaadaya u marayaan.
 
5. Kulanka aqoonyahanka iyo waxgaradka beeshu waxaa uu taageersan
yahey cadaalad siman iyo awood qaybsi maamul oo lagu qanci karo in
dalka iyo dadka lagu maamulo cid kastana iska dhex arki karto. Wa
bilaahi tawfiiq. Ilaahaybaa Mahad iska leh. Aqoonyahanka iyo
Waxgaradka Beelaha Ardaaga Baho Duqsi. Aqoonyahanka iyo Waxgaradka
Beesha BAHA DEEQDI ( Ciidagale)
 
Wa bilaahi tawfiiq.
Ilaahayba mahad iska leh.
Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beesha Baho Duqsi (Ciidagale)