Hurumarka Dalka iyo Waxqabadka Madexweynaha Waxaan Leeyahey Wuxuu Mudan Yahey Toban Jeer in Lagu Hambalyeeyo Oo Foodka Loogu Celiyo Inta Cimrigii Jiro

0
118
Laasqoray-2Aniga oo ah Muwaadin u dhashey dalkan Somaliland Islamarkaana, in
badan kunoola Dalalka Qurbaha  oo magaceygu Yahey Xuseen Cali Amaan,
mudo dheerna Kunoola Wadanka Canada  haseyeeshee wakhtigan Xaadirka ah
Kusugan Dalka Hooyo ee Somaliland gaar ahaana, Xarunta Gobolka Gabiley
 
Waxaan halkan kaga hadlayaa inaan Siguud uga hadlo islamarkaana ku
Hambalyeeyo Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud
Mujaahid(Siilaanyo), Waxqabadka uu Muujiyay Mudada uu Xilka hayay, oo
uu kaga Midha dhaliyay Codkii Dadweynuhu ku Doorteen, intaanan
Maqaalkan guda galin, waxaan hordhac uga dhigayaa inaan Hambalyo ugu
diro si sharaf iyo karaamo leh Madexweynaha Somaliland Mujaahid Axmed
Siilaanyo oo aan odhan karo Waa Aabihii Xornimada Somaliland, iyo
Hogaamiyihii Halgankii Hubeysnaa ee Snm, iyo Shudadii Dalkan u hurey
Naftoodii iyo Maalkoodii,taas oo Madexweynaha lagu Xasuusanayo in uu
ahaa Geesigii isagoo Wasiir ka ah Dowladii Afweyne Duhur Cad ka
Dhaqaaqey kadib markii uu u adkeysan waayey dulmigii iyo tacadigii
lagula kacayay dadkiisii ku dhqaaa Goboladii Waqooyi ee Maanta
Somaliland ku abtirsada, xiligaas oo uu toos ugu biirey Ururkii
Barakeysnaa ee SNM, waa marag ma doon waanay cadahay inaanan kusoo
koobi kareyn odhaah iyo Qoraal doorkii uu ku Lahaa Madexweynuhu
halgankii lagu Xoreeyay dalkan,   iyo Waayihii uu kusoo mutey dhibtii
iyo dhacadiidkii uu usoo marey midhaha maanta illaahay ku Simay ee
Gobanimada waxa kale oo aan Haljan hambalyo Qiima badan uga Dirayaa
Marwo Aamina Maxamuud Jirde Marwada koowaad ee Qaranka oo aan leeyahey
waxey kaalin weyn ku laheyd halgankii Snm oo ay doorkeeda kasoo
Qaatey, habeen iyo maalina u samreysay, Waxa kale oo aan Ku
hambalyeynayaa Marwada kaalinta Weyn ee ay ku leedahay Hurumarka ka
hanaqaadey dalka.
 
Marka aynu xaqiiqda ka marag kacno maanta Wacyiga dalkeena lagu jiro,
waxey aheyd in dadkeenu guda iyo dibadba ku xamdi naqaan, sida
daacadnimada ah iyo dulqaadka aan la dafiri karin ee uu Muujiyay
Madexweynuhu maalimhii Taariikhiga ahaa ee uu soo qaatey, ee uu ka
Muuqdo Samirka iyo karaamada rabi ku galadey ee uu ku gaadhey Guushan,
aynu maanta midhaheeda hadhsaneyno, anigoo Madexweynaha ku
Hambalyeynaya Magacaabista,uu Magacaabay Wasiirada ay kamidka yihin
Wasiirada Waxbarashada Marwo Samsam Cabd Aadan iyo Wasiirka
Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasa, oo aan odhan karo waxey baaldhab
ah kaga Qoran yihiin Waxqabadka dalkan, ka hirgaley, maxaa Yeelay ma
dhici karto in cadceeda lagu qariyo sacab waayo saqiir iyo kabiirba
weynu aragnaa dedaalka ay wado Wasiirka Waxbarashadu Samsam, waa
Shaqqsiyad muwaadin ah oo jecel Hurumarka dalkeeda oo habeen iyo
maalin heegan u ah Howlaha Qaranka in ay ka Midha dhaliso, taas oo ka
Muuqata Wasaarada ay hogaaminayso ee Waxbarsahada, oo ay dalkoo dhan
Tuulo Tuulo iyo Iskuul Iskuul kusoo marto, iyadoo baadi Goobeysa
baahiyaadka iyo xaalada kajirta waanan ku hambalyeynayaa Runtii dadka
kalena sidaas oo kale ayaan ka rajeynayaa intooda badani wey
hambalyeynayaan koley,e, Waxa kale oo aynu ogsoonahay in Wasiirka
Madaxtooyadu ku Suntan yahey Waxqabadka dalka waayo dhamaanteen
waxeynu marag ka nahay,Hurumarinta Wadooyinka ee uu wado waana
muwaadin ka midha dhaliya, maalinba qodobka uu u balnqaado Bulshada,
waxaanan leeyahey labada Wasiirba halkaa kaga haya, oo inta aad kusoo
gabagabeyneysaan haka daalina, inta ugu badan ee Bulshada Reer
Somaliland wey idin barbar taagan tahaye.
 
Waxa kale oo aan Ku hambalyeynayaa Madexweynaha Somaliland ee
hogaaminaya Qarankan Axmed Maxamed Maxamuud(Mujaahid Siilaanyo),
Socdaa;kii Taariikhiga ahaa ee uu ku tagey Degmooyinka ka ag dhow
Xuduudka Somaliland ee Xeebta Bari ee mudnaa in Madexweynuhu ka
wardoono oo ogaado xaalada nololeed iyo Duruufaha kajira, kaas oo
noqdey Socdaalka ku duugnaan Taariikhda maxaa Yeelay Waa Madexweynihii
u horeeyay ee Booqda Dhulka Somaliland oo aanay hore u booqan Sadexdii
Madexweyne ee ka Horeeyay laba kamid ah Illaahay naxariistii hasiiyee.
 
Hadaan kaga Gudbo intaas Socdaalkii Taariikhda ahaa ee Madexweynaha
iyo Waxqabadka iyo Hurumarka laga Muujiyay dalka Mudadii uu talada
dalka gacanta ku hayay Mujaahid Axmed Maxamed
Maxamuud(Siilaanyo),Waxaan Shacbiga Reer Somaliland usoo jeedinayaa in
ay gacmaha isku qabsadaan in ay dalkooda ka shaqeystaan oo ay
gacmahooda ula tagaan oo ay wadajir ku muujiyaan oo ay Madaxdooda is
barbar taagaan, si ay mar walba kaalintoodii ay ku doorteen
Madexweynaha Hogaamiya ay u muuqato oo aan Cadowga Somaliland uga
faa,ideysan, waxay Dowladu ugu dhiiraneysaa oo ay maalin walba u
dhagax dhigeysaa Degmooyinka iyo Gobolada dala waa taageerda
shacbigeeda, waxaan idin Leeyahey Madexweyne Siilaanyo xaqbuu u
leeyahey, mar haduu dalkii Hurmariyay, oo Socdaal dheer ku marey
Xeebtii Galbeed min Ilaa Xeebtii Bari in aynu mar labaad iyo mar
Sadexaad foodkeena Siino oo ugu celino inta Cimrigiisa ka hadhey in uu
hogaamiyo dalka.
 
Malha dadka Qaarkii ma arkaane, waxaan Leeyahey waar arka inta
mooganow Tusaalyaasha Fiican ee Madexweynuhu kaga tagayo Taariikhdiisa
Hogaamineed ee dalkan, oo arka Wadada Isku Xidha Boorame iyo Dilla oo
ay dadka Reer Awdal xaqiiq ahaan mahadin doonaan kana Qeyb qaadan
doonta Koboca dhaqaale ee Gobolkaasi iyo dalkaba,waxaanan Shacbiga ku
dardaarayaa in ay Somaliland dadkeedu isugu tagaan oo ay Guntiga
Dhiisha iskaga dhigaan oo ay Maskax, Muruq iyo Maalba kawada Qeyb
qaataan Dhismaha Jidka Ceerigaabo iyo Burco oo halbowle u ah Dalkeena
Somaliland, waxaanan leeyahey waa wado Qaranka Somaliland Tijaabo u ah
hadii aynu taa ka gudubnana wax ina Horjoogsan doona oo dambe majirto,
waxaanan wadadaa ku laneynayaa haloo kaco dadkeygow Wadada Xeebta
Bariga Saaxil oo iyaduna Halbowle dhaqaale u ah Somaliland.
 
Waxaan leeyahey Saaxiibadeyda Qurba jooga ah iyo Kuwa dalka Gudihiisa
ku sugani waar miyaydaan arkeyn Sida Loo Qurxiyay mudadii Xukuumadni
talada haysey Dhismayaasha Wasaaradaha iyo bilicda loo sameeyay
Madaarada, dalkeena ee Gobolada iyo ka Caasimadaba Waxaan Leeyahey
Dadaka Reer Somaliland ee kunool Gudo iyo Dibadba, in ay ku
hambalyeeyaan  Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed
Maxamuud(Siilaanyo)  Waxaqabadka Muuqda ee indhahayagu qabanayaan
Waxaanan Leeyahey Dadka Kunool dalalka Qurbaha Gaar ahaan Nourth
Ameerika(Canada), Yurub, Mareykan iyo Ustaraaliya waxaan Leeyahey
Indhihiina ha Qabtaan Waxa  muuqda.
 
 
Xuseen Cali Ammaan
Gabiley Somaliland
Tell:4666414
Email: