Xukuumadda Oo Weriye-Darwiish Dib Ugu Soo Celisey Xorriyaddiisa.

0
41
darwiish photoCeerigaabo(Waaheen) Kaddib markii saaka xarunta maammulka gobolka Sanaag ay ku kulmeen guddida nabadgelyada gobolka Sanaag oo markooda hoeba halkaas kusii sugnaa iyo waayeello dhinaca weriyaha oo iyagu halkaas u tegey arrinta xadhigga weriyahan ayaa waxa la isla qaatay in weriyaha xorriyaddiisa loo soo celiyo. Wuxuna weriyuhu xilligan u wataa hawlihiisii shaqo. Arrintan ayaa u muuqata mid ku timid tanaasul dhinacyadan kulmay dhinacba dhinaca kale u muujiyey oo sababay wax badan in xagga wanaagsan iyo wadashaqaynta laga eego. Taasoo weriyuhuna uga mahad naqayo guddida nabadgelyada dhammaantood.

 

Waaheenews.com/Ceerigaabo