Xisbiga Ucid oo Cambaareyey Xadhiga Wariye Darwiish oo Ceerigaabo xukumada Silaanyo ku xidhay.

0
71

Hargeysa (Waaheen) Xisbiga Mucaaridka ee Ucid ayaa Cambaareyey xadhiga Booliska Magaalada Ceerigaabo ay u geysteen Wariye Dar-wiish oo maanta lagu xidhay magaaladasi.

 

         0 AA darwiish (3)WAR SAXAAFADEED

HARGEYSA

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahey 29/03/2014 uu War Saxaafadeed uu si kulul ugu Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah isla Markaana Sharci Darada Ah ee loo geestey Wariye Cabdilaahi Xuseen Darwiish Isaga Oo Hawl Maalmeedkiisa Shaqo Ee Gobolka Sanaag Gudanayey

Ayaa Ciidamada Booliska (police) Ee Gobolka Sanaag Xabsiga Dhigeen

Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu Qabaa In Xadhiga Wariyayaasha Madaxa Banaan Uu Yahey Mid Lagu Sadqeynayo Xoriyotul Qawlkii Qarankani  22 Sanadood Ku Soo Caano Maaley Isla Markaana Lagu Wax Yeelaynayo Nidaamkii Dimuqraadiga Ahaa Ee Aynu Dhawreyney

 

Xisbiga Ucid Wuxuu Cod Dheer Ku Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah Isla Markaana Arxan Darada Ah Ee Lagu Gawracey Xoriyatul Qawlkii Saxaafada Madaxa Banaan Ee Jamuuriyada S/land,

Xadhigaa Sharci- Darada Ah Oo Soo Noq noqonayey Intii Xukuumadani Talada Haysey,Sidoo kalena ay ka Dhigatey Xadhiga Wariyayaasha Wax Iska Caadiya ayaa Hadii ay Sii Socoto Waxa ay Wax Yeeli Doontaa Dimuqraadiyadda iyo Xidhiidhka Aynu La Leenahey Bulshada Caalamka

Xisbiga Ucid Waxaa Uu Xukuumada Ku Waaninayaa Iney Iska Dayso Hab Dhaqankan Soo Noq noqdey Ee Ah Cabudhinta,Cago- Jugleynta,Handidaada,Hanjaabada,Jidh Dilka iyo Xadhiga Oo Ay Ku Hayso Xisbiyada Mucaaradka Iyo Saxaafada Madaxa Banaan

Ugu danbeyntii waxaanu Xukuumada ugu baaqeynaa iney si deg deg ah Xoriyadiisa Ugu Soo Celiso Wariyaha  Madaxa Banaan Ee Sifaha Sharci-Darada Ah Lagu Xidhey Wariye  Cabdilaahi Xuseen Darwiish

Una Shaqeynayey War-Baahinta Madaxa Banaan  Ee kala Ah T.vga Royal,Waaheen Iyo Oodweynenews

 

  Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid

Md Yusuf Keyse Abdilahi

________________________