Wasiiro Xadhiga ka Jaray 75 Gurri oo Loo Dhisay Qoysas Danyar ah, War-cimraana soo dhagax dhigay

0
106

“Dhex jooga, dhiiri galinta, iyo la dareen qaybsiga bulshada qaybaheeda jilicdasan waxay ii ahayd farxad iyo qalbi qabowsi”

“waxaa muhiim ah in aynu leenahay niyad dhisan, samir badan iyo qalbi hiigsanaya hammi sare, dal waxa horumariya dadkiisa oo higsanaya yool iyo ujeedo cad” Wasiir Xirsi

Guryo-Burco-300x225Burco(Waaheen) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo weftigii uu Hoggaaminayay ayaa shalay xadhiga ka jaray 75 gurri oo loo dhisay qoysas danyar ah oo degan magaaladda Burco.

“Saaka(shalay) oo jimce ah waxaan ka qaybgalay munaasabad ay soo agaasimeen Wasaaradda dib-u-dejinta oo kaashanaysaa hay’adda NRC muhiimadeeduna ahayd in lagu wareejiyo dad danyar ah guryo tiro badan oo loo dhisay.

Waxay ahayd madal aan la soo farxad iyo dareen qaybsanay dadkii calaf iyo sad u helay in ay guryahaas helaan,Tirada guryaha aan xadhiga ka jarnay ayaa dhamaa 75 guri oo wax weyn ka tari doonaa baahida hoy la’aanta ah ee haysatay,”ayuu yidhi Wasiirku qoraal uu ku baahiyay xalay bartiisa guusha.com.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas raaciyay “Talaabadani waxay kamid tahay talaabooyinka kala duwan ee looga dan leeyahay in horumarku wada gaadho dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan. u naxariisashada bulshadeenna qaybaheeda jilicsadasan waa waajib diini ah oo dhamaanteen ina saaran, ka dawlad ahaana waanu ku dedaalaynaa horumarintooda. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa hay’adda NRC oo mashruucan hirgalisay, isla markaana gacan buuxda ka gaysatay.”

“Waxaa hubaal ah in ay dal horumariyaan dadkiisa oo leh dareen midaysan isla markaana higsanaya yool iyo ujeedo nololeed oo cad. Dhex jooga , dhiiri galinta, iyo la dareen qaybsiga bulshada qaybaheeda jilicdasan waxay maanta ii ahayd farxad iyo qalbi qabowsi. Waxaa run ah in horumarku maalin iyo habeen ku iman balse waxaa muhiim ah in aynu leenahay niyad dhisan, samir badan iyo qalbi hiigsanaya hammi sare,”ayuu hadalkiisa ku soo khatimay Wasiirka Madaxtooyaddu.

Dhinaca kale, Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay socdaal shaqo oo ay ku tageen degmadda War-cimraan ee gobolka Tog-dheer halkaasi oo uu xusay inay soo dhagax dhigeen mashaariic kala duwan oo deegaankaas laga hirgelinayo.

Wasiirka oo ka hadlayay booqashadooda degmadda War-cimraan waxa uu yidhi “Waxay ahayd maanta kadib markaan u kicitinay degmada War-Cimraan aniga iyo wefti balaadhan si aan mashaariic horumarineed u soo dhagax dhigno una soo balan qaadno fulintooda, Mudadii aan ku sii jeednay degmada War-Cimraan ayaan sii marnay deegaamo kale isla markaana ay nagu soo dhawaynayeen qalbi furan iyo caqli caafimaad qaba.”

“Waxaa hubaal ah in dalkeenu soo maray marxalado iyo xaalado kala duwan isla markaana uu yahay dal u baahan wax ka qabasho iyo hiigsi horumar baaxad leh, si aan ula tartano dunida inteeda kale. Maalinba meel ayuu marayey dalkeennu , shalay waxaan ku jirnay halgan aan dib ugu helayno dalkeenii maantana waa Illahay Mahadii oo waxaan cagta saarnay jidkii horumarka,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi sida lagu daabacay qoraal lagu baahiyay mareegtiisa guusha.com.

Wasiir Xirsi oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Dhagax dhiga iyo balan qaadka aan u soo samaynay degmada War-Cimraan waxay muujinaysaa sida ay xukuumada uga go’an tahay horumarinta gobol iyo degmo walba oo dalkeena kamida. Waxaan ku faraxsanahay dadkeena Somaliland meel ay jooganba sida ay ugu heelan yihiin horumarinta dalkooda, isla markaana ay dhammaan u leeyihiin dareenka ah iska wax u qabso iyagoo ku sifoobay gacmo wada jir bay wax ku qabtaan.