Somaliya iyo Kiiniya oo isku khilaafsan Amar laga soo saaray Qaxootiga Somalida ah

0
96

 

download (1)Hargeysa(Waaheen) Dhowaan wasiirka arrimaha gudaha dowladda Kenya ayaa shaaciyay in ay ku amran yihiin Qaxootiga Soomaalida ah ee magaalooyinka Kenya ku nool inay dib ugu laabtaan xeryaha Dhadhab iyo Kaakuma.

Amarkan ayaa yimi ka dib markii todobaadkii hore weerar lagu qaaday Kaniisad ku taala magalada Mombasa ee Kenya kaasoo sababay dhimashada shan ruux waxana lagu tirinayaa kooxda Alshabab oo dagaal ka wada Somalia.

Go’aan kaasi waxaa walaac ka muujiyay Ra’iisul wasaraha Somalia Cabidiwali Shiikh Axmed oo kulan Nayrobi kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Amina Cabdalla Maxamed wuxuna sheegay inay ka xun yihiin go’aankan deg dega ah saamaynta ku yeeshay kumanaan Soomaali ah.

“Waxaan ku rajo weynahay in Kenya ay tixgelin doonto heshiiskii Qaxootiga ee saddex geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Kenya iyo Q/midoobay, kaasoo dhigayay in Qaxootiga Soomaalida ay dalkooda dib ugu laabtaan si iskood ah oo aaney ku jirin qasab” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha.

Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa sidoo kale uga tacsiyadeeyay Kenya dhibaatadii Mambosa ka dhacday wuxuna tilmaamay taas mid la mid ah in kooxda alshabab ay ka wado gudaha Somalia.

Shacabka ku nool magalada Nayroobi ayaa dhankooda walaac ka muujiyay go’aankaasi waxayna tilmaameen inuu saamayn nolaleed ku yahay maadama Xeryaha qaxootiga ay ka fog yihiin goobaha ganacsiga ee muhiimka ah.

Kooxda Alshabab ayaa horay wacad ugu martay in gudaha Kenya ay ka gaysanayso qaraxyo iyo dilal qorshaysan maadama qaybo ka mid ah Somalia ay ku sugan yihiin ciidan ka soca Kenya oo howlgalka AMISOM ka mid ah.