29/March/2012: Guushii Siilaanyo Ee Baabbiinta UDUB iyo Gabaygii Xaqsoor W/T Jamaal Cali Xuseen.‏

0
105

KULMIYE UDUB“Waxa aanu furaynnaa ururrada siyaasadda” waa ballan-qaad ka mid ah kuwii loogu codeeyay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamed (Siilaanyo) 26kii Juun, 2010ka. Natiijada loo daallanaa waxa ay  noqotay

ü  ku-shubasho iyo in meel kastaba uu kaalinta koowaad galo KULMIYE

ü  xasuuq loo geystay muwaaddiniintii taageerada u fidisay Xaqsoor, samaysiga ururro ay ka mid yihiin NASIYE, eex laga galay halgameyaashii waaweynaa UDHIS

ü  Haweenka oo loo diido inay ururro furtaan. Cadhadii ay qaadday Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan waxa ay ku tagtay Xamar!

ü  Dabar-goynta dimuqraaddiyadda iyo in tartanka xalaasha ah

ü  Xabaalidda Xisbigii UDUB: Aabbihii Axsaabta Somaliland, Dhaxalkii siyaasadeed ee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal inagula dardaarmay garddaadintiisa

ü  Dulmigii laga galay Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaaddir Faarax  IWM

 

Maanta taariikhda waxaynu ku soo qaadanaynnaa Xisbigii UDUB. Khilaafka hoggaankii UDUB ee sahansaday xisbigii dhammaa ee weynaa. Halkan waxa aynu ku xusaynnaa qayb ka Mid ah gabaygii Jamaal Cali Xuseen u tiriyey UDUB March 29, 2012 markii uu Riyaalle iyo wasiiradiisii intay ku shireen gurigiisa ay ku xuurtaysteen xisbigii oo wax walba laaleen, taasoo markii danbe Jamaal Ku kelliftay inuu uga tago Xisbiggii, iyagiina ay deal la galeen xukuumadda talladda imika haysa oo ay ku burburiyeen xisbigii weynaa ee uu aasaasay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal IHUN. Waa guuldarro siyaasadeed oo aan qaranku ka kaban karin. Cali-Gurey wuxuu yidhi “Aynu UDUB ku aasno meel u dhaw xabaashii Cigaal”. Axmed-Keysena waxa uu yidhi “Luxud ha looga UDUB guriga Daahir Rayaale”.

 

Jamaal Intaanu ka tegin UDUB ee aanu weli ku biirin UCID, markuu maqlay warkaasi wuxuu ka tiriyey Gabayga uu ugu magic daray “Xaq-Soor” oo aanu ka soo qaadanay tuducan hoose oo ka mid ahaa Gabaygaasi:

 

Xayawaankuba waxa uu gala,xaafad gooniya e

Waa dar aan xeerar iyolahayn, xaakim iyo sheekhe

Xisbigu sharci buuleeyahiyo, xeerar gooniya e

Waa astaan geed laguxardhoo, lagu xushmeeyaaye,

Kuwii kibir xuuraamiyee, xanaf wareeraayey

Iyo dar xariifnimo sheegtayoo, xabag sideedaa ah

Iyo duul beerkiyo xaydhaba, xulashadeed diiday

Xaqiiqduba uma muuqatoo, mana xishoodaane,

Xurmo badan nimaadsiisayoo, kuna xumeeynaaya

Iyo nimay xaajo meel utaal, looma duur xullo e

Riyaallan xogtiisii heloo, xuurto beegsadaye

Nimankii xisbiga labalistee, xoorka ka dhamaayey

Xaalad abuur iyo waxaywadaan, xasaradoodiiye,

Xurguf waxay caddeeysteen bal eeg, xaqa la diidaayo

Xinjirtii cas miyaa lagumurmaa, midabka xoogeeysan

Xishoodku wuxuu qayb kayahay, xididadeenaase

Ninkaygii xisbiga uhiishaybay, ximi yidhaahdeene

Nin hadduu xaqaagaduudsiyo, looma duur xullo e

Bini aadam xad buuleeyahiyo, wuxuu u xeertaaye

Nina keligii ma xuurteysankaro, tallo xisaabteede

Waa in xumaanta kadhiidhinaa, xarakadeedaase

Nin xasanaad doonayaa sikale, uma xadreeyeene

Ninkaa xaqaygii laalaye, xeerka jebinaaya

Xaq-soor inuu noqdaanrabee, rag is xiniin taabay,

Dalkii in loo xuub-siitobuu, xaaji sugayaaye

In loo xusul duubtoaayahay, umaddi xiiseeyne

Xigaalkaan kasbaday reer UDUB, xulufo weeyntiina

Dadkii taageeradaa xasilan, xarakadaas keenay

Salaan xushmad lehiyo iigagee, xarafka diimeedna,