Sheekh Dirir oo Jaamacadda ADMAS ka jeediyey Muxaadaro ka hadlaysay Waajibaadka Ardayga

0
251

DSC06491Hargeysa(Waaheen) Sheekh Maxamed Sheekh Cumar-Dirir ayaa muxaadaro qiimo badan oo ciiwaankeedu ahaa waajibaadka ardayga wax baranaya ka jeediyey Jaamacadda Admas University College qaybteeda Hargeysa, munaasibadaas oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Jaamacadda Admas, Labadiisa ku xigeen ee Maamulka  iyo Academiga Xuseen Cabdillaahi Maxamuud iyo Axmed Naasir Xaaji, Madaxa Kulliyadda Social work Professor Mukhtaar Caabi, macamlimiinta iyo shaqaalaha kale ee Jaamacadda .

furitaankii munaasibadda muxaaradaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Admas Professor Ixsaan Cumar Ismaaciil waxaanu si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey Caalimka martida ku ahaa madashaasi Sheekh Dirir waxaanu Gudoomiyuhu sheegay inay Jaamacadda Admas iyo dhamaan bahda Admas oo dhan farxad weyn u tahay  inuu Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir Jaamacadda Admas ka jeediyo muxaadaradaasi.

DSC06447

“annaga ka jaamacad ahaan waxaa farxad weyn noo ah inuu Sheekheena wayn ee caalimka ahi caawa marti inoogu yahay Admas si uu inoogu faah-faahiyo muxaadarada ciiwaankeedu yahay waajibaadka qofka daalibka ah ee wax baranaya” ayuu yidhi Gudoomiye Ixsaan Cumar Ismaaciil.

DSC06481

Muxaadaradaasi qiyamka ah ee uu Sheekhu halkaa ka jeediyey waxa uu sharaxaad dheer kaga bixiyey dhismaha jidhka Bani-aadamku inaanay ahayn cayilaanta iyo inay xoolo badani ka muuqdaan balse waxa uu sheegay  inuu muuqalka dhabta ahi yahay inuu qofku ka dhisan yahay xagga qalbiga iyo cibaadaadka Ilaahay SWTC.

DSC06498

“Markaynu dhisayno quluubteena waa inaynaan indhaheena xaga danbe uun eegine aan xagga hore eegnaa” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir isaga oo halkaa Sheekhu ka tiriyey qodobo farabadan oo sida malabka uga dha-dhamayey qaliga dhageysta yaashii Admas ee muxaadaradaasi.

DSC06558

“ha odhanin kuwii horeba way ku fashilmeen waa lagu daalay oo qaban kari maynee inaga daaya ee waa inaad qaadataa tafaa’ulka wanaagsan ee muujinaya inaad wax qaban karto” ayuu yidhi Sheekhu Ilaahay Raali ha –ka ahaadee.

“si ay shakhsiyaddaadu u hagaagto haku noq noqonin khala-daadkaagii hore ee waa inaad iska eegtaa halkii aad ku fashilantay  balse waa  inaad uga wareegtaa dhinac kale oo aad wax ka qaban karto hana niyad jabin” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.

Sheekhu waxa uu ka hadlay dhanka kasloonida laga rabo inuu qofku lahaado si uu naftiisa ugu kalsoonaado waxaanu Sheekhu taa ku macneeyey hadii ay qofka marka horaba ka maqan tahay kalsoonida iyo dadnimada naftiisa ahi inaanu waxba meel dheer gaadhsiin karin tii taa looga fogaadana waxa uu Sheekhu ku taliyey inuu shakhsigaasi marka hore iska soo dhiso cagga akhlaaqda isaga oo wax walba ka horeysiinaya camalka suuban iyo ku xidhnaanshaha Ilaahay SWTC “ardayga wax baranaya waxaa laga rabaa inuu marka hore ku xidhan yahay Ilaahiisii abuuray kadibna waxa u hagaagaya camalkiisa oo ay waxbarashadiisu ugu horeyso” ayuu yidhi.

Gabaga-gabadii muxaadaradaasi Sheekhu waxa uu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey talooyin muhiim ah oo uu u jeediyey Kumanaankii Bahda Admas University College waxaana kamid ahaa talooyinkaasi inay kusifoobaan dhaqanka suuban oo saldhigiisu yahay inay Ilaahay ku xidhnaadaan markastaba “waxaan ku soo gaba-gabaynayaa inaad Ilaahay ku xidhnaataan oo aad markastaba isku daydaan sidii aad Ilaahay ugu xidhnaan lahaydeen” ayuu yidhi Sheekh Dirir Ilaahay Raali-haka ahaadee.