Raxan Wasiiro ah oo safaro kala duwan dibeda ugu baxay

0
67

 

Hargeysa(Waaheen) Raxan wasiiro ah ayaa safari kala duwan ugu ambabaxaya dalal kala duwan oo dibeda ah kuwaas oo aan qaarkood wali la ogayn ujeedada safarkooda.

Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Shugri X Ismaaciil Baandare iyo wasiirka Biyaha ayaa shalay ka dhoofay madaarka Cigaal ee Hargeysa, waxaana ujeedada safarkooda lala xidhiidhinayaa kuwo shaqo oo ay kaga qayb gali doonaan shirar lagu soo martiqaaday oo ka dhici doona Addis ababa.

Sidoo kale, wasiiradda Arrimaha Dibeda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Qorshaynta Sacad Cali Shire iyo Wasiir ku-xigeenka Amniga C/laahi Abokor ayaa maanta u kicitimi doona Dalka Itoobiya, Kiiniya iyo Ustaraaliya, halkaas oo ay iyana u tagi doonaan hawlo kala duwan.

Maxamed Biixi Yoonis iyo Sacad Cali Shire ayaa lagu wadaa in ay isku raaci doonaan Dalka Ustaraaliya, halka Cali Warancade iyo Wasiir ku-xigeenkiisuna Kiiniya iyo Itoobiya ku kala baydhi doonaan.

Lama oga safarka Cali warancade hase yeeshee sida ay ilo wareedyo muhiim ahi sheegeen waxa lagu wadaa in uu kaga qayb galo bandhig ay samaynayso mid ka mid ah shirkado doonaya in ay qaataan Mashruuca Diiwaangelinta Madaniga ah, halka warar kalena ka sheegayaan in uu la kulmi doono saraakiil ka tirsan xukuumadda Kiiniya.