Kulmiye Waxa uu Lumiyay Kalsonidii Dad Waynaha, Mana jirto Sabab Loogu Kordhiyo Mudada Xilkiisa.

0
36

Tan iyo markii ay xukuumada  madaxwaynaha uu ka yahya axmed maxamed maxamuud siilanyo ay la wareegtay gacan ku haynta talada dalka o hada laga joogo ku dhawaad 4 sano ayaa muuqaalka guud ee xukuumada kulmiye marka dib loo eego aanay waxba iska badalin dhismaha dawlada oo aan anigu u arko mid ay ku wayntahay haybta reer nimo sida bilaw gii ba ay xukuumadu ugu badheedhay  in ay ku taxdo beesha dhexe xilalka darajada “A” ah ee sare oo gaadhaya 20 neeyo xil  in kastoo ugu horayn beelaha darafi yadu ay saluug ka muujen arintaas balse xukuumadu ay ka furaysatay  dhagaha inkastoo xiligii ol olaha lagu jiray xisbiga talada dalka hayaa musharixiintiisa ugu cad cadi ay fagaara yaasha ka jeedin jireen khudbado xariir ah taas oo ay ku sheegi jireen  xukuumadii hore ee talada ay kala wareegeen mid ku dhaqanta  cadaalad daro , musuq maashuq , iyo qabyaalad balse waxaad moodaa in ay xukuumadani  gabi ahaanba ay xalaashatay habdhaqanadaa ay ku dhaliili jireen  xukuumadii horeysay taas oo aan aniga iila muuqata in xukuumadu talaabooyinka  mar walba ay ku dhaqaaqayso inay yihiiy kuwo  lala yaabo .

Hadii aan dhinaca kale ka eegno xukuumadu waxa ay ku sifow day inay tahay mid u dhuratay qabiil oo anay meesha kaba muuqan qaranimadii iyo wax wada la haashihii ka dhexeeeyay beelaha reer Somaliland

Tusaale ahaan marka loo eego dhinacyada wax qabadka iyo horu marka dalka laga aad moodo in aanay  qorshaha ugu jirinba  gobolada bariga iyo galbeedku  , sida dhismayaasha madaarada  oo ay qaarkoodna xukuumadu ay dhistay kuwo kalana ay dayac tirtay in ay ka reebtay laas caanood iyo borama iyo kala baydh.

Hadii aad eegto qaabka loo maamulay deeqihii caalamku uu horay u soo gaadhsiiayay  somaliland gabi ahaanba waxa ay ku ekaayeen deegamada dhexe

Waxaa kalo jita in dhawaan socdaal u madaxwaynuhu ku tagay  laga bilaabo saylac ilaa laas goray  taas oo meelaha qaarkood lagu arkayay dhagax dhig  balse aan aad ula yaabay dareenada kasoo burqanaaya dadwaynaha deeganada qaarkood o o la dhacsan  meelaha uu dhagax dhigay kuwaas ooqaarkood laga maqlayay hadalo madaxwaynaha taageero loogu muujinayay  halka qaarkood na ay laheyeen “madaxwaynuhu wuxuu istaahilaa in mudada xilkisa loo kordhiyo  .

Si kastaba ha ahaateedadwaynaha waxaan ku boorinayaa madaxwaynuhu talaabooyinkan socdaalkiisa ka muuqda ee wada dhagax dhiga ah  uu rabo inuu markale ku kasbado qulubta dad waynaha si mudada loogu kordhiyo waxaan se leeyahay in ay dad waynuhu ka fiirsadaan masayr kooda siyaasadeed  ee mustaqbalka dhaw si aanay mugdi u galin qaranimada somaliland waayo waynu aragnay kulmiye mana jirto sabab ay nu markale dubraanada ugu tuno madaxwayne siiranyo

Eng Ilyaas Daahir Maagtire