Khilaafkii maamul ee baanka iyo maaliyadda oo xalay la soo af-jaray.

0
54

Hargeysa (Waaheen)Xukuumadda Somaliland ayaa xalay kulan lagu xalilay khilaafkii maamul ee u dhaxeeyey baanka iyo maaliyadda u qabatay labada dhinac, waxaana la go’aamiyey in wadahadal hoose lagu dhameeyo wixii xisaabaad ah iyo qaabka loo wadashawaynayo. Kulankan ayaa la iskula qaatay laba qoddob oo hordhac ah oo labada dhinac la isugu soo dhaweeyey. baanka waxa la faray inuu joojiyo jeegaga iyo xawaaladaha uu u sameeyo ganacsatada alaabaha soo cashuuranaysa, halka maaliyaddana lagu amray in ay dakhliga xarayso.
Khilaafka baanka iyo maaliyadda ayaa sadexdii cisho ee u danbeeyey saameeyey ganacsatada dalka gaar ahaan kuwa lacaguhu u yaaleen baanka dhexe, kuwaas oo qaarkood loo diiday in lacagahooda la siiyo, taasoo ganacsatada ku abuurtay didmo iyo kalsooni daro.