AAFADA JAADKA!

0
160

Waxaa waayadanba aynu soo wadnay dhibaatootinka qaadka iyo halka uu maanta bulshadeena lamaraayo isaga oo aan waxba inoo reebin waxaa uu inala dhacaa habeen iyo maalinba gantaalo sumaysan oo aan dhiig lahayn balse ka xun ka dhiiga keena sidaa awgeed ayaa waxaan hadba gees kale ka eegaynaa dhibaatooyinkiisa faraha badan isla markaana kala duwan maantana waxaan sii daba soconaa uun maqaaladii hore ee aan kaga hadlaynay qaadka waxaanan soo qaadan doonaa maqaal kale oo ka waramaaya damiir xumaada uu bulshadeena u horseeday isla markaana waxaa uu inala marayaa meel u baahan in lalajihaado.

hadaba hadaan ku noqono ama bilawno maqaalka maanta waxaan ka warami doonaa sheeko lagu magacaabo abaa qaatay waa sheeko markaad ogaato aad layaabi doonto sida ay ku timid sababta sidaa loogu baxshay.


Sida aynu lawada socono geedkan aan ka waramayno dhibkiisu waxaa uu gaadhay meel kasta oo bulshadeenu dagan tahay waxaanu ka dhigtay maxmiyad uu isagu haysto sida uu doonana uu ka yeelo kuna khasbo inay sameeyaan waxkasta oo akhlaaq xuma ah isla markaana soo kordhiyey dhaqamo aynaan hore u lahaan jirin hadaba iyadoo ay sidaasi jirto xaalkuna uu halkaa maraayo ayaa waxaa jirta nidaam reer baadiyuhu ku qayilaan oo layidhaaho wanka kal danbe dhalan doona ayaan ku siin doonaaye aan sii qayilo marka uu sanadka oo dhan ama lixda bilood ee jilaal qaadka daaqaba waxaa lagalaa xiliga roobka waxaana dhala adhiga sida aynu naqaano adhigu waa xoolaha aadka u barakaysan afar ama shan bilood kadiba waa tamariyaa oo wankii guga dhashay waa lagadaa dayrtaba waana la manaafacaadsadaa sidaa awgeed ayaa ilayn odaygii reerka lahaa waxaa uu qaadka sii daaqaayey jilaal koo dhane waxay soo gaadhay wakhtigii uu wareejin lahaa wankii uu ku qayilaayey dabeeto waxaa uu bilaabaa tuugaysi ilayn waxaa uu ka baqayaa islaantii iyo caruurtii adhiga ku soo tabcaayey kuwaasi oo aan aayar laga dhaqaajinayn wankay mudada ku soo tabcayeen oo laga yaabo in iyaguba ka cagaagan yihiin ama ay ka aradan yihiin waana ku adagtahay in aayar qaad lagu cuno.


Dabeeto odaygu waxaa uu ciyaaraa xeelado isaga u gaara waxaanu bilaabaa inuu iska dhigo nin xoolaha ka war haya gaar ahaan adhiga oo dabcan ah kan ay hawshu kaga xidhan tahay waxaa uu ka daba tagaa marka adhiga ooda laga qaado ee uu mudo sii maqnaado isagoo leh caruurta ayaan soo qado ama hadhimo keenayaa oo intaa ayaan kasii reebayaa markuu adhiga gaadho ayuu caruurta amar ku siiyaa inay adhiga dhinaca kale ka maraan oo soo dabaalaan dabeeto intuu si degdeg ah adhiga u dhex galo ayuu dusha u ritaa wankii uu rabay inuu qaato waana qaataa waxaana uu u geeyaa cidii ku lahayd daynta ee uu qaadka ka daaqay,  caruurta adhiga eegaysaa waa il dheertahay waxay arkayaan aabohood oo wanka sii sita oo dusha ku qaatay kumana qayliyaan waayo waa aabohood waa ka xishoonayaan waanay iska aamusaan iyagoo u malaynaaya in wax loogu soo gadaaya hasa yeeshee galabtii ayaa reerka la iskugu yimaadaa dabeeto waxaa la is waydiiyaa wankii ina hebla ahaa meeye cauurtiina waxay ku jawaabaan waa kii aabo qaatay islaantii way yaabtaa waana u qaadan waydaa habeenkii ayuu yimaadaa isagoo mirqaansan ama soo waashay oo dayntii horena soo baxshay hadana mid horlihi u bilaabantay islaantii ayaa waydiisa waar wankii maanta aad qaadatay xagaad la qabatay cirka ayuu isku shareeraa oo dhahaa naa ma anigaad sidaa iila hadlaysaa naa matuugbaan ahay iyo wax lamid ah goorta sheekadu xumaato ayaa waxaa soo toosta caruurta waxay wada dhahaan aabo maanad kabo nooga soo gadin wankii aad maanta qaadatay halkaasi markay sheekaadu marayso waxaa uu odaygii is ogaadaa in sheekadiisii la fahmay dabeeto waxaa uu isku kiciyaa dhiiga waana qayliyaa sheekaduna waxay ku danbaysaa in caruurtii iyo islaantii lagu yidhaaho odayga ka xishooda way ka dhacday waanu qaldamay sidaana sheekadu ku damiya waar adna odayoow mar danbe ha u noqon is ilaali laakiin lama hubo inuu is ilaalin iyo inuu kasii badindoono qaadashada iyo tuugaysiga adhigiisa.


Bal hadab eeg una fiirso gobanimo darada uu qaadku ina baray waxaa inala marayaa inaan xooleheena aan inagu ka masuulka nahay xadno si aan qaadka iskaga bixino runtii waa midh laga naxaa waana khasaare inagu dhacay oo naf iyo maalba leh.


waxaan ku soo afmeerayaa maqaalka maanta hanoqon kaa la dhahaayo waa kii AABO QAATAY AMA AABAA QAATAY.



W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)