Maansadii Guhaad oo Jawaab u ah Maansadii Abwaan Dhako ee Siilaanyo Muu garan

0
250

10149946_679461088780839_203884340_nmaansadan guhaad waxay soo baxaday sanadkii 2012 waxaana curiyay abwaan cumar axmed yuusuf waxa ay ka hadlaysaa maansadu abwaankuna uGu jawaabayaa maansadii uu curiyay abwaan dhako ee siilaanyo muu garan

Guhaad
Ma ogtahay guhaadoow
Gabay loolan maahoo
Tartan laguma galo,oo
Goolaaftan kuma jiro
Garashada caqliga iyo
Aqoon weeye galacloo
Gundhigiisu talo iyo
Waa tilmaanta guudoo
Giniyaadka lacageed
Abid laguma gadan karo
Hadaad gogosha fidisoo
Aad tidhi guhaadoow
Gobanada danbeetoow
Gidigiinba soo gala
Waxaan goostay aniguna
Geenyadii jaraysnayd
Inaan gibisha saaree
Waxaan uga gol leeyahay
Miyaad garan karaysaa
Mise waa gadaadoo
Waad garab maraysaa
Gudbayoo aan dhaafee
Markii aan guntaadiyo
Gudahaaga soo galay
Waxa aan garwaaqsaday
Inaad gabay yaqaan tahay
Gadgadoonka maalmaha
Hadba galinba waayaha
Sida loo gorfeeyiyo
Waxa galabta joogtana
Ruux garanayaa tahay
Balse aan guhaadoow
Wixii ila guboon iyo
Ku gadhsiiyo xaalkee
Gaariyiyo hadraawiyo
Cabdi qaysba goortay
Gabayada silsilada ah
Isu soo gudbinayeen
Taahiyo gunuunuca
Godobaa ka keentoo
Uunkani la gaabshee
Laga galay nabsiga iyo
Gadhcadaa dadii iyo
Guurtidiyo culimadii
Lala dhacay garnaylkiyo
Dhalintii la gawracay
Dumarkii gayaankiyo
Loo diiday guurkee
Loo dhaafay gogoshiyo
Ragii guunyadoodiyo
Duunyadiyo gamaankii
Lagu yidhi ma gaydaan
Misna aaan gar loo dhigan
Looguna garaabayn
Gubashada naftoodana
Gocashaa ka keentoo
Gobanimo la qaatiyo
Inuu dhaco gumaystuhu
Bay gabi ahaantood
U guclaynayeenoo
Gabayada u tiriyeen
Hadal guudka laga maray
Doqoni aanay garanoo
Barta loo gol leeyahay
Farta aan laguba godin
Baa sida gantaalaha
Loo ganayay waayoo
Warka lagu gimgimi jiray
Balse adigu goban yohow
Gagidaa banaanbaad
Gabal dhacay dhex joogtaa
Gabaygaagu wiilyohow
Inkastuu god leeyahay
Misna waxa gumeeyoo
Deelqaafka guud sudhay
Dadka kala gur koodiyo
Gooni gooniyayntaad
Qoloba gaar u goysiyo
Laan gaabka iyo kaad
Aar dhagorta laga guray
Gara nuug ku sheegtee
Malaha geed agtiisiyo
Goluhuunbaad ka fuushoo
Garashiyo aqoon iyo
Gabaygaa hubsiimiyo
Fiiro gaara kuma la dhin
Ragii kaa gu,waynaa
Ayaad gaadh isleedee
Ogow gaabsibaad tahay
Guruxyada nin beeloo
Gambi laga lulaaa tahay
Hadalkuna guhaadoow
Gaagaabsi mooyee
Guux kuma haboonee
Gabaygaaga saan iyo
Go,na maad huwininoo
Ogow waa mudh iyo gacan
Ma ogtahay gumaca iyo
Warka aad ganaysaa
Inuu gayiga dhiig iyo
Guluf iyo colaad iyo
Aanooyin guuniyo
Boogihii gaboobee
Gole lagu dhameeyee
Nabad lagu gunaanaday
Gabaygaagu wiil yohow
Gujo inuu ku yahayoo
Nabarkaa gilgili karo
Taa miyaad gafaysaa
Mise Waa gadaadoo
Waad garab maraysaa
Duul gadood u unuguloo
Tirsanaaya godoboo
Gadhka laga sabaayoo
Lagu giijay samirbaa
Kula jooga goobtee
Ha furfurin guntimohoo
Galdalooladaa hore
Dirqaa lagu gufeeyee
Ha galaafan uunkoo
Geedigu hayaankana
Ha u guuro cawskee
Gaag mareebtadii iyo
Ha ku celin gamuurkii
Xusuustana gadaal iyo
Haw rarin guyaal hore
Anuu garanba waayee
Ma sacab laguu garaaciyo
Sharaf iyo garaadaad
Tolow goobaysaayoo
Raadkooda guraysaa
Ma qolooyin gaaraad
Gadh wadeen u tahayoo
Guno iyo aduunbaa
Aad u golon golaysaa
Wiilyohow gabyaayoow
Duulku waa gob qudha iyo
Midho geed ku wada yaal
Garbo weeye simanoo
Gacmahana is haystoo
Godkii shalayto lagu cunay
Goodkuna ku helay bari
Mar labaadna gool iyo
Uma galayo weeraha
Guubaabadaadiyo
Gacma haadis kaaguna
Colaadbay gudbinayaan
Wali guudka sare iyo
Ma jaleecday goonyaha
Inta dumar garoobee
Qoyskoodu gaax dumay
Inta goblan ku joogtee
Gobanadooda mawdkiyo
Loo casuumay geerida
Guulaheena waynbaa
Nabad aan ku gama,a niyo
Galadaa na siiyee
Balo gaawe haw culin
Gidigood dadkeenii
Waxay gaax ka maalaan
Godolkeeda maandeeq
Iyagana guhaadoow
Haka jiidhin gorofkoo
Irmaankana ha gaagixin
Gudbay oo aan dhaafee
Hadii laba guruub ay
Ku kulmaan garoomada
Ninka goolka dhaliyoo
Guushana hantaabaa
Koobkana gudoomee
Ma geestaad ahayd iyo
Guruubkaad la socotaa
Laga saaray goobtii
Waadigan galaydhkiyo
La hadlaaya galowgee
Goortii aad hungawdee
Boodhka aad galgalatee
Lala goostay libintii
Ciilkiyo galiilyada
Nafta giiji mooye
Guul darada ku gaadhiyo
Sida shacabku kuu galay
Kama gaban taqaanidoo
Waji gabaxa kugu dhacay
Abid kama gal galatide
Waadigaa gabyaayoo
Wali waad gurxamaysaa
Shacabkuna guhaadoow
Goobaha codbixintaa
Markay gacanta sare iyo
Duqa guusha siiyeen
Guuto looma dirinoo
Qori guudka kama ool
Iyagaa giblada iyo
U tumaayay gaafkoo
Codka ugu guraayee
Taa miyad gafaysaa
Mise waa gadaadoo
Waad garab maraysaa
Waxaan uga goleeyahay
Haduu gooyo taladuu
Samo nagu gardaadshoo
Noo galo abaal badan
Shacabkuna gob weeyoo
Gashigiyo wanaagaa
Waa gudi yaqaanaan
Hadii uu is gadiyoo
Miciyaha galuuboo
Wajigana gadiyo,oon
Garan waayo xaalkana
Ha u da,o gugii,oo
Isagiyo guruubkuba
Ha galaan sufuuftoo
Gogonkooda uga hadhay
Tuunbada ha gororshaan
Ganbo iguma taagnoo
Anigoon hubkana guran
Hadal dheerna uba galin
Kolkaa garo ma dhaantoo
Waan aqaan gadeedee
Goobtiyo fagaaraha
Marka laysla gaadhee
Lagu guro waraaqaha
Codbaan kaga gutaayoo
Wuxuu geystay ee hore
Aan kaga cad goostaa
by abwaan cumar axmed yuusuf cumar faray