Murtisoor: Jahawareerkii Warsame Ee Dawlad-Qoyseedka. W/Q: Axmed-Assad

0
60
Axmed.Assad sawirDardaarankii Warsame, Inantiisii Faadumo-Dhool Wuxuu Ku Yiri:
 Haddaad dawlad dhallin maagto
Maamul dhidib u taag doonto
Khibrad kaa dhinayd barato
Dhoolleey malaa aabbo
Dhayal uguma roorteenne
Dhaqanka haka taggin kowdhe
Dhanka maamulkana heedhe
Ugu dhagga-nugloow sayga!
—————–
Waxaa la yiri, oday reer baadiya ah ayaa idaacaddaha ka dhegeystay madaxwaynaha dowlad-gobolleedka heblaayo iyo heblaayo. Markaasuu aad u jeclaaday inuu maamuladaa ka mid noqdo, laakiin nasiib-darro maadaama aanu wax aqoon ah lahayn meelna way uga suurtogali wayday. Maalintii dambe is yiri adba maad mid aad madax ka tahay dhisatid. Kolkaas buu isugu yeeray xaaskiisii iyo caruurtiisii, wuxuunna u sheeggay inuu dhisayo dawlad-qoyseed, sidan ayuuna xilalkii ugu kala magacaabay.
1-Madaxwayne: Waa Anigga Oo Ah Md. Warsame
2-Wasiirka Arimaha Gudaha, Daryeelka & Danaha Qoyska: Xaaskayga Maama Caasha
3-Wasiirka Dannaha Geella: Maxamed Oo Ah Wiilka Curad
4-Wasiirka Dannaha Ariga:  Faadumo-Dhool
Halkaas markuu marayay buu is yiri, wasaaraddaha arroorka, sahanka, daaqa, iwm waxaas oo dhami dannaha ariga iyo geella ayay hoos gallayaane caruurta kale maxaad u kala magacawdaa si ay u qancaan!
Markuu waxba hore u garan waayay ayuu damcay inuu la tashado xaaskiisii arinkiina wuu u soo bandhigay. Kolkaasay ku tiri, “Mudane Madaxwayne anigu la taliye kuma magacawniye, ama xilka ii kordhi oo Ra’iisal Wasaare iga dhig, ama adigu isku filnoow oo hawshaada faraha ha ii gallin.”
Markay odaygii talo ku cadaatay, ayuu xaajiyaddii xilkii u kordhiyay wuxuuna xilkeedii ugu badellay sidan: Ra’iisal Waasaraha, ahna La Taliyaha Madaxwaynaha, ahna, Wasiirka Arimaha Guddaha, ahna Wasiirka Daryeelka iyo Danaha Qoyska.
Haddana wuxuu kala tashaday caruurta kale jagooyinkii uu u magacaabi lahaa. Say te, “Xaaji haddaad Dannaha Geella u magacawday Maxamed oo curadkii ah, Dannaha Arigana u magacawday Faadumo-Dhool oo fariid ah, caruurta kale ee 4ta ah jaggooyinkii way ka buuxsameene aynu magaallo u dirno oo iskuul ku darno!”
Odaygii oo ashqaraarsan baa taladii qaatay oo kuwii yaryaraa intuu kaxeeyay magaallo afka kaga shubay. Wuxuuna geeyay gurigii walaalkii oo halkaa degannaa. Kolkii la waraystayna wuxuu ka sheekeeyay dawlad-qoyseedkii uu ku dhawaaqay iyo sida afartan caruurta ah jagooyin loogu waayay. Taasina ay kaliftay in magaalo loo soo dheelmiyo si ay waxbarasho uga bilaabaan. Walaalkii baa aad ugu qoslay siday wax u dhaceen wuxuuna Warsame ku yiri, “oo xoolihii wax ma uga soo iibisay si ay wax ugu bartaan? Saa intuu odaygii cabaar aamusay buu yiri, “maya’e dee idinka ha iskala kiin noollaadeene si wanaagsan caruurta wax u bara,” haddal dambena kama suginne wuu iska dhaqaaqay.
Goortuu wax yar sii socday buu xusuustay inuu u baahan yahay meel uu ka iclaamiyo dawladda uu ku dhawaaqay iyo sida maamulkeedii loo kala qaybsaday. Kadibna walaalkii ayuu dib ugu soo noqday oo waydiiyay inuu yaqaano cid reeraha ah oo idaacaddaha ka shaqaysa. Walaalkiina wuxuu ugu jawaabay in aan la helayn cid warkaasi macno-darada ah xiisaynaysa oo wakhti ku luminaysa. Intaa ka dib, wuxuu Madaxwaynihii oo erayada walaalkii xad-gudub u arkayay aadna uga xumaaday abaaray dhinaca masaajidka oo markaa laga adimayay.
Salaadii markii laga baxay ee la salaama naqsadayna wuxuu is taagay iimaamka agtiisa oo qabsaday mikirifoonkii sidii mid dadka wacdinaya ama tuugsanaya, haseyeeshee arimahaas uma uu socone, halkaasi ayuu si rasmi ah dawlad-qoyseedkiisii ugaga dhawaaqay.
Waxoogaa yar ka dibna wuxuu odaygii u jihaystay xaggii reerku degannaa. Markuu cabaar socday ayaa waxaa jidka kaga hor timi islaantii RW ahayd oo 5 wan oo ahmin ah iyo 2 awar oo iib ah suuqa xoolaha ku wadday.  Bariido dabadeed, ayuu Madaxwaynihii oo yaabbani waydiiyay sida ay wax u jirraan iyo meesha xoolaha loo wado,  waxayna haweenaydiisii u sheegtay in dawladu dhaqaale u baahan tahay,  xilka Wasaarada Maaliyada ee aan la magacaabinina ay hoos timaado xafiiska RW. Sidaas darted, xoolahan marka la iibsado lacagta ka soo baxda waxay ku masruufi doontaa caruurta iskuulka dhiganaysa, labadii wasiir ee ay ka timidna dhar arrad beel ah in ay uga soo iibin doonto ayay u sheegtay. Odaygii oo jahawareersan ayaa dood dheer dabadeed isagoo ka xun sida ay wax u socdaan, islaantii u fasaxay inay siday rabtay yeesho, wuxuuna hore ugu sii gudbay halkuu reerka ku oggaa.
Wuxuu u taggey Wasiir Maxamed oo intuu geed harac ah balbalaystay, caanihiina intuu haruub weyn ka buuxsaday madaxiisa dhigtay, haseyeeshee aanu geellii ka ag muuqan. Markuu odaygii waraystay meesha geellii jirana, wuxuu ugu jawaabay, “ dee geellii nin dhoobi ah oo raaca ayaan u kireeyay, oo waxaan kula heshiiyay inuu sannadkii 2 hallaad oo geel ah inaga qaato, cadka iyo caanihiisana uu manaafacaadsado!”
Odaygii oo yaabban baa yiri, “oo adiguna maandhoow maxaad markaa qabanaysaa?” ayuu waydiiyay.  Markaasuu wiilkii intuu dhoollo cadeeyay yiri, “Jaalle Madaxwayne oo haddana Aabe, ma wasiir geella raaca ayaa aduunka lagu arkay! Innagu maamul baynu nahay, sidaas awgeed waa inaynu helnaa xoogsatadii howl-maalmeedka inoo fulin lahayd.” Wuxuuna  hadalkiisii ku sii daray,  “Ka wasiir ahaan anigu hawsha aan inoo maamulay waa mid dastuuri ah oo aan xaq u leeyahay!”
Odaygii oo wax uu ku hadlo garan waayay ayaa u dhaqaaqay meeshuu ku tuhmaayay Faadumo-Dhool iyo arigii. Wuxuuna u taggey iyadoo arigii si wanaagsan u daajinaysa oo daryeeshay. Markaasuu intuu aad ugu farxay yiri,  “aabbe duco qabto inaad fariid tahay waligayba waan ogsoonnaa oo aadan sida RW iyo Wasiirka Geella oo kale yeellaynin.” Saa intay muunsootay bay tiri, “aabbe mahadsanid, laakiin aniga laftaydu adigaan ariga kula sugayay, haddiise Alle ku keenay waa ii farxad iyo rayrayn,” ayay u tiri si asluubaysan.
Markaasuu odaygii oo aan wali fahmin waxay ka hadlayso su’aal kale waydiiyay oo yiri, “aabe hadda Illaahay waa I keenaye, maxaa kuu qorshaysan?” Say te, “wiil aanu in badan sheekaysan jirnay ayaanu guur ku heshiinay oo waxaan quud-daraynayaa in xil Ra’iisal Wasaare sida hooyaday oo kale la ii magacaabi doonno dhawaan!”
Odaygii arintii waxay ku noqotay “af salax ku dheg,” wuxuuna xusuustay maahmaahdii ahayd “REER BA’OOW YAA KU LEH.”  Markuu dhawr goor intuu dhinacyada eeg-eegay uu baalla-daymooday, ayaa waxa afkiisa ka soo boodday tixdan maansada ah oo uu ku waaninayay Faadumo-Dhool. Wuxuu uga digayay in haddiiba la guursado aanay arin dawladeed oo dambe faraha la gellin ee ay odaygeeda adeecdo. Wuxuu ku hogo-tusaaleeyay inay ku quus qaadato kala haadka iyo dhibaatada reerkooda ka soo gaartay dawlad-qoyseedkii uu ku dhawaaqay, wuxuuna yiri:
Haddaad dawlad dhallin maagto
Maamul dhidib u taag doonto
Madax-sare dhabtii noqoto
Khibrad kaa dhinayd barato
Dhibta dawladeed aragto
Dhoolleey malaa aabbo
Dhayal uguma roorteenne
Dhugashiyo dulqaad yeello
Odaygaaga dhinnac joogso
Taladiisa dhuux maandhe
Dhaqanka haka taggin kowdhe
Dhanka maamulkana heedhe
Ugu dhagga-nugloow sayga!
 
Markay habbeenkii soo xareeyeen arigii odaygii iyo Faadumo-Dhool ayaa ciyaar jaan-dheer ah meel aan guriga aad uga durugsanayn dhalinyaro ka qabsatay. Markay si fiican ciyaartii isugu duba-dhacday ayaa mirihii heesaha ee codka wanaagsan lagu luuqaynayay ayaa waxaa ka mid ahaa,  “odaybaa higladda jiifoo, harimacad la mooddaaye, Hodaneey inaadeer, hareeraha ka soo dhaafoo, hore noogu soo gudub……” Taasoo macnaheedu ahaa ereyo sarbeeb ah oo sheeggayay in wiilkii gabadha doonnayay uu ciyaarta ku dhex jirro oo uu rabo anuu caawa la baxo, sidaas dartedna ay odayga aabbeheed inuu dareemo iska illaaliso. Faadumo-Dhoolna markay fahantay fariintii ayay iridka ka booday sidii madfac la soo gamay iyadoo aan dheg la qabto lahayn.
Markii waagii beryay ee uu odaygii arkay in xalay Faadumo lala baxay,  ayuu arigii xeradii ka sii daayaay isagoo kaligii ah oo murugaysan, maalintaa laga bilaabana isaga ayaa ariga raaci jirray maalin walba.  Reerkiisii buuxayna waxa ku dhacay kala haad iyo kala yaac.
Haddaba, Warsame isagoo ka tiiraanyaysan farsamo-xumadii uu sameeyay ayuu tiriyay gabay calaacal ah oo mirihiisii laga xasuusto, “Anigoo dhergaayoo nimcada dhabaqsadoo buuxa, Ayaan dhaqan magaaliyo dhex-gallay xumo dhammaantoode, ……Maantaan dhaqayadii ariga kali daba dhakoocaaye………….”
 
Mudo ka dib, Warsame wuxuu aad ugu miliilicay inuu mar uun ku noqdo noloshiisii hore ee caadiga ahayd, reerkiisana ku dhaqo dhaqankii iyo hidihii suubanaa ee uu ku barbaaray. Laakiinse, maanta siyaasaddii guracnayd ee darajo-doonnimada ahayd ayaa reerkiisii burburisay, meel laga soo noqdana ma jooggo.
Ugu dambayntiina, Ra’iisal Wasaare Mama Caasha xoolihii ay iibisay waxay magaalada kaga furatay ganacsi yar, caruurteediina adeerkood kuma ay halaynine intay guri kiraysatay bay la soo wareegtay, iskuulkiina wali halkaas bay ka dhigtaan. Maxamedna geellii wixii ka soo harray yarad buu u bixiyay badankiisii hallo yar mooyaane. Halka Oday Warsame oo markan ka xanaaqa in loogu yeerro Madaxwaynena, siduu arigii kaligii ula silcayay uu ka noqday waayeel jiroole ah, kadibna dhawaan ayaa loo soo kaxeeyay dhanka magaalada. Halka arigii intii ka soo hartayna lagu wareejiyey Maxamed oo qoys baadiye oo cusub samaystay.
Tani waxay ina tusaysaa inay run  tahay maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd, “HUNGURI WAX KA WAYN LA MARIYAA WUU DILAACAA!”
W/Q: Axmed-Assad, Barmaamijkii Murtisoor
Facebook: Facebook.com/MURTISOOR (Like it)
Twitter: Twitter.com/Axmedassad (follow it)
Email: Ahmedy98@yahoo.com