Kumaan Somali Tahriibyaal oo isku shubay Talyaaniga kadib markii ay Furantay Baddu, iyo qaar kale oo raq iyo ruux la’laayahay

0
90

imagesHargeysa(Waaheen) Kumanaan Tahriibayaal ah ayaa Galay Dalalka Talyaaniga, Isbaanijka, iyo Giriiga kuwaasi oo ka haajiray wadamada Qaarada Afrika, dadkan ayaa wax ku jira Boqolaal Somali ah oo ka baxay 48 sacadood ee ugu danbeyey Dalka Liibiya, kuwaas oo gaadhay 1000 qof ayna badbaadiyeen Ciidamada Ilaalada Badda ee dalka Talyaaniga,

wararku waxay intaasi ku darayaan in aanay jirin dadkan meel la dajiyo, kadib markii ay buuxsameen Xeryihii loogu tallo galay, wakhtiga ayaa xiliga bad furanka iyada oo Mawjado Tahriibayal Somali iyo Afrikanka kale ahi ku sii qulqulayaan dalka Talyaaniga waxana la sheegay in tirada dadka ee gaadhay 48 sacadood ee ugu danbeeysay dalka Talyaanigu ay tahay 2128 qof kuwaasi oo sarnaa 13 doonyood. Dhanka kale wax la sheegay in tariibayaal kale ay ku dhinteen Badda u dhexeysa Turkiga iyo Giriiga kadib markii ay la dhacday Doon ay wateen oo ay biyaha badaasi talaabayeen.

 

Wax kale oo iyaduna wararku intaasi ku daryaan in dad aad u badan oo tahriibayaal ah ayaa iyaguna Xoog ku jiidheen Ciidamada ilaalada Badda ee dalka isbaanijka ka dib makrii ay ka talaabeen biyaha dalka Marooko. Wararku intaasi wax ay ku darayaan in ay Jiraan Boqolaal dad oo ku dhex jira bada u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga kuwaasi oo codsanaya in la badbaadiyo.

C/raxman Osman Isbatoore

Waaheen Media Group

Hargeysa, Somaliland