Dood Furaan Somaliland Ma Qaraan Baa Mise Waa Qabiil’’Qormadii Manta Iyo MrGaboye’’

0
75

Gabooyoow Wax badan baan gogoshayda :

Ciilkoodii gam’i waayaye: Ilaahay baa ku gargaariye:

Gurboodka haatan kacaayiyo: Nasriga Guulle ka sug!

 

 

 

ASC/Marka hore waxan salamaya dhamaan saxaafada horta ee reer Somaliland iyo akhristaha sharafta badaan iyo dhamaan shacaabka reer Somaliland.

 

Akhriste bal intaanan u daadagiin ujeedada qormadaan balaan dib u yara xasuusano Hanaqaadkii Qaranimada Somaliland Tan iyo Intii ay burburtay dowladdii dhaxe ee laysku oraan jirey jamhuuriyada soomaaliya ee ay ka mid ahayd Somaliland 1991 ka dib Somaliland waxay ku dhawaaqday gooni isku taaga dowladda Somaliland 1991-waxaana lagu ansaxiyeey shirkii ugu horeyey ee lagaga wada hadlaayay aayo ka taliinta Somaliland waxana lagaga dhawaaqay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco 18kii May 1991kii. Waxa Burco iskugu yimi oo go’aankanna wada qaatay dhamaan beelaha Somaliland oo ay ku jiraan kuwii aan ka qayb qaadan halgankii dib loogu soo xoreeyay Somaliland. Shirweynahan Somaliland lagu guddoonsaday wuxuu sidoo kale noqday kii ay beelaha Somaliland si rasmi  iskugu saamaxeen isla markaana iskula qaateen in loo wada midoobo sidii Somaliland looga midha dhalin lahaa.Waxaana madaxweynihi ugu horeyey loo doortay maddaxweyne ku meel gaara  AHUN‘’Cabdiraxmaan Axmed Cali’’

 

Sanadkii 1993 Waxa shirkii labaad  lagu qabtay magaalada boorame shirkaas oo ahaa kii si rasmiya dhidibada u sii aasay dowlada Somaliland iyo gooni isku taageeda laguna doortay madaxweynii ‘AHUN’’Maxamed Xaaji  Ibraahim Cigaal ‘’oo aan oraan karo wuxuu ahaa madaxweyne Cigaal ‘’The Father of Somaliland ‘’

Sanadkii 2002 markii uu geeriyooday AHUN Maddaxweyen Cigaal waxaa si dastuuriya oo loo magacaabay madaxweynihii sadexaad ee xukuumada Somaliland qabsaday Madaxweyne si ku meel gaadha ‘’ Daahir Riyaale Kaahiin’’ markii ay doorashii gaadhayna ku guulaystay si rasmi ah madaxweynaha jsomaliland oo shansano oo kale  hogaanka dalka hayay,waxa kale oo si dimuqraadiya doorashoonyinkii madaxtinimada jsomaliland ku guulaystay tartaankii sadexda xisbi qaraan xisbigii mucaaradka wakhtigaas oo ahaa xisbiga Kulmiye si cadaalada ugu guulaystay doorashadaa madaxtinimo madaxweynaha hada talada haya ee xisbiga kulmiye 2010-Madaxweyene Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siiraanyo’’noqdayna madaxweynihii afraad ee jsomaliland .

 

Hadaba waxaa soo taariikh iyo xusuusi waa astaanta iyo hanaanka dowlad nimo iyo hanashada qaraan lagu tilmaami karo shakina kuma jiro marka Somaliland sheeda guud  laga eego in wax badaan oo lagu aqoonsan karo jiritaanka dowladnimo in ay mudaan taay jsomaliland indhaha caalamkana ku soo jiidatay kuna yeelatay wadamo badaan oo saaxiib dhowdhow la leh jsomaliland ,

 

Hadaba marka aad hoos ugu daadagto maamuulka xukuumada Somaliland ee lagu tilmaami karo dal iyo dowlad  jirta waxaad dareemaysa inay hadana  hoos ahaan jiraan dibaatooyin farabadan oo hanka dowladnimo waxbadan u dhimaaya sumcad xumana ku ah sharafta iyo karaamadana wax weyn u dhimaya xeererka caalamiga ee xaquuqda bini aadamkana ku ah xaad gudub ba,an oo dhaawacaaya shuruucda iyo xeerarka xaquuqda aasasiga ee muwaadiin leehyahay sida xaquuqda muwaadiniinta beelaha gabooye ee reer somaliland markasta ka maqaan waana mid si caad logu tuunto xaquuqdooda waxa taas u sii dheer tixgaliin la aanta iyo  tacadiyada kale ee saanyaday muwadiniintan  waana ujeedada aan qaliinka ugu qaatay su aasha ciwaanka maqaalkan  waayo qaraan waxaa lagu noqdaa marka umada wadanka ku nool ay si sinaan iyo cadaalada ay u helaan xaquuqdooda aasasiga iyo tan siyaasadedba waxa wadamada caalamku ka wada simaan yihiin dadka lagu tilmamo in lagaba tiro badan yahay in la siiyo mudnaanta koowaad

 Xaga Somaliland lagu tuunto xaquuqdooda aasasiga hadaba reer Somaliland miyay ka marmeen muwaadiniinta beelaha gabooye mise loobaba aqoonsana inay yihiin muwaadiniin dalka jsomaliland u dhashay mise beelaha kale ee shanta ah ee iska xiga ahna beelo xidid iyo xigaal iyo xigto ayuunba dalka xaquuq ku leh sida hada ka muuqata maamulka dowlada jsomaliland ee ay shanta beelood uga wada muuqdan siyaasada xukuumada dalka sidaaase reerku dhanbuu u dheeli yahay ee meel ma gaaraya mase lagu helaya inta dulmigaasi jiro in la helo hanashada ictiraafka dowlad madaxbanan oo la yiraahdo jsomaliland intaaso waxyaaboodba marnaba kuma noqon karno qaraan iyo dowlad madax banan hadaba waxaan ku soo gaba gabaynaya maqaalkayga anigoo ah muwaadiin u dhashay jsomaliland xaquuqda muwaadina ii fasaxayso inan si nabad galyo ku soo bandhigo dhaliilaha jira iyo wixii tabaso muwadiin leehyahay waxaa iga su aal ah’’

 

Somaliland Ma Qaran Ba Mise Waa Qabiil ?

 

Waxaan intaas ku darayaa Gabaygii Abwaankii AHUN Cali Xuseen Xirsi ‘’Cali Makaadshe’’ee reer Somaliland ayaa markii xurnimada Somaliland heshay ee ay xamar la geeyay mudo yar ka dib ayuu gabay ka tiriyey isagoo ku sifeeyey in xamar wado cadaalad xumaan ay ku hayso reer Somaliland ,,waxan hadaba gabayga manta sifeeheedii leh xukuumada Somaliland waxanan  halkan idiinjku ssoo gudbinaya gabaygaa tududyadiisa qaar ka mida wuxuuna abwaanku yiri..

 

Nimanyow Xornimadii La Heley

Lagu Xanjeerowye

Xayskii Onkaday Wuxuu Na Taray

Xayaawaanimo’e

Xanaf Baaba Noo Kordhiyo

Xaafad Kala Sooce

Xaajadaa Qaloocaan Inteey

Xamar(Maanta Hargaysa) Ka Qiiqayso

Intay Beentu Xoog Leehday

Xaasidnimo Joogto

Adaa ii Xigee Qaad iyo Inteey

Xodh Ugu Laabayso

Ninba intuu Xeel Qabiilnimo

Xadhig Maleegayo

Way Ku Xaad Gudbaysaa Inta

Xeer Qawaaniinta

Xaquuq Kii Lahaan Jirey Inta

Laga Xaseeynayo

Xarbigii Dadkaan Galiin Inta

Kor U Xambaareyso

Xaq Waa Dhumaaye Jeer Eebay

Xaalada Hagaagsho

Gabooyow Xeeyraanku Adiguu

Ku Xakaar Yahaye……..

 

 

Wabilahi towfiiq .

 

Gudoomiyaha Qurba Joogta Beelaha Gabooyaha Somaliland Ee Waqooyiga America.
Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Ee Magaaladda Toranto .

.By-Barkhad Xaaji Cabdi’’MrGaboye’’

Email:abokoriye1@hotmail.com
Kicthener Ontario Canada.