Caaqil la socday Weftiga Madaxweyne Siilaanyo oo ku dhintay shil haleelay gaadhigiisa

0
88

Geel loo-kor(Waaheen) Caaqil Cabdi Hadoodil ayaa goor dhaweyd ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Geel loo kor, isagoo ka mid ahaa weftigii Madaxweyne Siilaanyo soo galbinayey.

Alla ha u naxariistee Caaqil Cabdi Hadoodil waxa la dhacay gaadhigiisa oo SURF ah, waxaa kaloo ku dhaawacmay nin kale oo la socday.

Meydka Caaqilka iyo ninka kale ee dhaawaca ahba waxa la geeyey Cisbitaalka Berbera.