Jidh Qurxin Mise Caqli Qurxin? W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
102

Hordhac

 

Guud ahaan dadka waxay u kala qaybsamaan dad ku mashquulsan yihiin jidhkooda, halka qaar kalena ay ku mashquulsan yihiin caqligooda sidii ay u horumarin lahaayeen. Afkaarta ay kala aaminsan yihiin ayaa ah, in qaarkood ay isku buuxiyaan dhar iyo xarago, halka qaarkoodna ay aaminsan yihiin inuu waxa maskaxdooda ku jiraan meel kasta ku mari karo.

Dadka caqligooda qurxiya

Dadkan waxa lagu qartaa calaamdo dhawr ah:

1)       Waa dad markasta ku dedaala waxbarashada iyo wax-korodhisga, marna arki maysid iygoo wax aan qiimo lahayn qabanaya

2)      Waa dad ku fikira saacad kasta oo wakhtigooda ah inay wax qabtaan, balse aan meel iska fadhiyin.

3)    Waa dad aaminsan wax-akhriska, iyagoo meelo kala duwan iska dhisa. Waxaad arkaysaa qof ka sheekaynaya mowduuc kasta oo la soo hadal qaado. Ileyn wuxuu sameeyey akhris badane.

4)     Waa dad aaminsan in horumarka dhabta ahi ku jiro qurxinta caqligood, halka guud-daradu ku jirto jidh ku mashquulid.

5)    Waa dad aaminsan markay arrin la soo daristo inay caqligood adeegsadaan oo arrinka ku rog-roga, balse aan xalka ku deg-degin

6)    Waa dad aan ku qancin in la iska ammaano ilaa ay kasbadaan, halka dadka qaarkii ay iska jecel yihiin ammaan aanay kasban.

7)     Waa dad ku mashquulsan, wax-qabad, wax-soo-saar, wax-hagaajin, wax-toosin, wax-tilmaamid, wax-tayn, wax-tusaalayn.

8)    Waa dad aaminsan in dadka lagu qiimeeyo, islaanimo, billi’aadanimo, dadnimo, wax-qabadnimo, soomaalinimo, afrikaanimo, kartidoda iwm.

9)    Waa dad markay doodayaan soo bandhiga, taariikh, tusaalayn, isqancin, is-ixtiraamid, is-qiimayn, is-hagaajin, furfrunaan, hadal-qobodayn, garaabis, murti, maahmaah iwm.

10) Waa dad dhaqaalahooda u adeegsada, aqoonta, buugta cilmiga ah, akhriska iwm.

11)     Waa dad aan rumayn wax loo sheego, ilaa ay baadhaan xaqiiqada.

 

 

 

Dadka jidhkooda qurxiya

Dadkani waxa lagu gartaa calaamado dhawr ah:

1)       Waa dad isku mashquulsan, oo qurxinta jidhkooda wakhti badan ku qaata iyo kala badalista dharkooda.

2)     Waa dad saacad kasta ku fikira, xaflad, aroos, tamashlayn, balan dumar, iibsi dhar, timo xiiris, gadh xiiris iwm.

3)    Waa dad wakhtigu  aanu macno la lahayn, oo saacdo badan iska fadhiya makhayadaha, hudheelada, xaafadaha, suuqa iwm.

4)     Waa dad dhaqaalahooda u leexiya, dhar iibsi, kabo iibsi, kiriimo iibsi, iwm.

5)    Waa dad uu fikirkii ka dhintay oo khiyaali dhex-mushaaxaya, waxayna ku jiraan nolol gaaban oo ku salaysan qosol, farxad, meeraysi, is-daawasho, is-jajabin, is-cajabib, is-qalqaloocin, gafuur- taag iwm

6)    Waa dad waxbarashada  ay kala tageen, oo ka sii xusuusta, iskuulka ay dhigan jireen iyo macalimiintii u dhigi jirtay.

7)     Waa dad markay sheekaynayaan ay ka muuqato, macluumaad la’aan, aqoon la’aan, taariikh la’aan, tusaale la’aan, qiimayn la’aan, qadarin la’aan, muran qalafsan, been ,jujuub, qaylo iwm.

8)     Waa dad jecel ammaan aanay kasban iyo faanka. Waxay jecel yihiin in loogu yeedho, taallo toosane, tallaabo toosane, tusaale toosane, tab toosane,tayo toosane iwm.

9)    Waa dad markay doodayaan soo bandhigayaa, murti la’aan, maamus la’aan, maahmaah la’aan, macno la’aan, mabda la’aan, milgo la’aan, maamul la’aan, iwm.

10) Waa dad iska qaata wixii loo sheego, oo aan iska baadhin, ileyn caqligii lagu qiimayn lahaa wuu gudhaye.

11)    Waa dad aaminsan in dadka lagu qiimeeyo: muuq, maal iyo magac.

 

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com